Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Gudoomiye Kuxigeenka UHSI Ee North America Oo Qado Sharaf Loo Sameeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 24ka December 2016. Qado sharaf loo sameeyay  gudoomiyaha kuxigeenka ururka horumarinta somaalida itoobiya ee jaaliyada DDSI ee waqooyiga America  ahna xubin gudiga fulinta  ee jaaliyada DDSI  north America mudane Faarax Xuseen Islamarkaana uu soo agaasimay ururka horumarinta soomalida itoobiya ee DDSI ayaa si heer sare ah uga qabsoomay City Crown Hotel.

Hadaba qado sharafeedan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuliyiin sare oo heer deegaan ah oo sheegay inay aad usoo dhawaynayaan gudoomiye kuxigeenka islamarkaana uu yahay xubin si wanaagasan uga qay qaata horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka ka jaaliyad ahaan,

Ugu danbayna waxaa dhankiisa ka hadlay gudoomiye kuxigeenka ururka horumarinta somaalida itoobiya ee jaaliyada DDSI waqooyiga America ahna  mudane ahna xubin gudiga fulinta ah ee jaaliyada DDSI ee north America mudane Faarax Xuseen oo sheegay inuu aad aad iyo igu faraxsanyahay sida quruxda badan ee loosoo dhaweeyay islamarkaana uu aad faraxsanyahay imaanshaha deegaanka xili uu hormar dhanwalba ah ee ka hanqaaday  deegaanka, Isagoo intaa ku daray inuu marwalba ka shaqayn doono siduu deegaanku horumar waara ku gaadhilahaa uguna bixi lahayn soboolnimadka oo ah cadowgeena koobaad.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>