Jigjiga(cakaaranews) Isniin, 26ka, December, 2016. waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar muddo 4 maal-mood ah u socday 100 xubnood oo loo tababarayay nidaamka qiimeeyayaasha tayada xirfadlayaasha taasi oo ay ujeedada tababarku ahayd sidii loo xoojin lahaa xaqiijinta tayada xirfadalayaasha, sidii ay qiimeeyayaashu fahan buuxa uga yeelan lahaayeen nidaamka diyaarinta qalabka qiimaynta xaqiijinta tayada xirfadlayaasha diyaarinta xogaha, xaqiijinta qiimaynta COC iyo sidii ay qiimeeyayaashani u fahmilahaayeen qorshaha tababarada xirfadaha iyo farsamada TVETKA dalka.
waxaana, soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay meereeyaha xarunta xaqiijinta tayada xirfadlayaasha DDSI mudane Mubaarak Axmed oo sharax dheerka bixiyay qorshayaasha lagu horumarinayo nidaamka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha deegaanka. wuxuuna ka warbixiyay maareeyuhu ahmiyada uu lahaa tababarkan. Isaga oo kula dar-daarmay tababartayaashan in sidii loogu talagalay u meelmariyeen cilmigii ay barteen mudadii uu tababarku u socday.
Dhankooda xubnahan loo soo gabagabeeyay tababarka oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa balan qaaday in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan xaqiijinta dayada xirfadlayaasha deegaanka.