Tuliguuleed(cakaaranews)Jumce 24ka, December 2016. Tababar kusaabsan nidaamka casriga ah ee biyo tashiilka ama waraabka dhibic-dhibica ah ayaa looqabtay 60 xubnood oo kamid ah beeralayada degmada Tuliguuleed.
Hadaba, tababarkan lasiinayay beeralayda ayaa waxaa faahfaahin dheeraad ah kabixiyay Injineer Badri Mowliid oo ah khabiir katirsan xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI oo sheegay in tababarkani yahay biyo tashiil islamarkaana ah nidaam casri ah, oo beeralaydu ay ku beeran karaan dalagyada kaladuwan gaar ahaan khudaarta kaladuwan.
Sidookale, Cabdi Bade oo isna kamid ah khabiiradii casharada siinayay beeralayda ayaa sheegay in tababarkani yahay sidii bulshada beeralayda ah ee ku dhaqan degmada tuliguuleed loo bari lahaa nidaamka casriga ah ee wax soosaarka khudaarta. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan lasiiyay uu isugu jiray mid ficil ah iyo mid qoraala (theory) islamarkaana faaiido balaadhan u yeelan doona waxsoosaarka beeralayda
Ugudanbayna, tababartayaashii ayaa sheegay in ay helaan cilmi fiican iyagoo xusay in waxii labaray ay ficil kumujiyeen. Waxayna tilmaameen in ay barteen nidaam casri ah oo loo beerto kudaart islamarkaana ay sii gaadhsiinayaan beeralayda kale.