Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

MW CMC Oo Ku Sugan Marsin

$
0
0

Marsin (Cakaaranews) Jumce 16ka December 2016. Socdaalkii uu MW CMC iyo wafitigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay xarunta deegaanka uga ambabaxay dhanka gobolka jarar oo mudo 2 cisho ah ku sugnaa degmada gunagado islamarkaana xadhiga lagaga jaray wajiga 1aad ee mashruuca biyogalinta Birqod-Gunagado lana soo kormeeray kaydadka biyaha iyo ceelkii biyihiisa la macaaneeyay, Islamarkaana kulan wada tashi ah lagula qaatay bulshada dagan gunagado iyo nawaaxigeeda ayaa waftigu usii dhaafay dhanka degmada gaashaamo.

Hadaba socdaalkan oo lamagacbaxay Allaw Jilaalka Gu Nooga Yeel ayay madaxwaynaha iyo waftigii ku wehelinayay ay kusii mareen tuulooyin tiro badan oo ay kamid yihiin Cadaadlayawga, Balisareedo, Magaalocad, Farmadow, Gabagabo, Toonceelay iyo garwaan oo dhamaantood si balaadhan loogu soo dhaweeyay, Iyadoo intii socdaalka lagu sii jirayna ay madaxwaynaha iyo waftigiisu darsayeen xalaada nololeed ee bulshada oo ay sii waraysanayeen islamarkaana ay dadka aagaas ku suganaa u qaybinayeen deeq raashinka ah iyo biyoba.

Ugu danbayna MW iyo waftigiisa ayaa xili maqribkii ah gaadhay magaalada marsin ee gobolka qoraxey oo ay bulshadu si meeqaam sare leh ugusoo dhaweeysay, Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wakhti xaadirkan ku sugan yihiin magaalada marsin,


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>