Jigjiga(cakaaranews),Arbaca, 14ka December, 2016. Waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka huteelka Nogob ee magaalada jigjiga Kulan wadatashiya oo diirada lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa adeegyada caafimaad ka Dumarka, Hooyada, ilmaha hadda dhashay iyo Caruurta (Reproductive, Maternal, Newborn, Child Health).
Kulankan oo ay soo agaasintay Hay,ada bad'baadada Caruurta ee Save the children) hal ku dhigna looga dhigay "Waxaan u ol'olaynaynaa gaadhida imlaha ugu dambeeya inuu helo adeeg caafimaad" ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer fadaraal iyo masuuliyiinta labada deegaan ee deegaanka soomalida itoobiya iyo Canfarta ee xafiisyada; caafimaadka, Haweenka iyo caruurta, maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha, xafiiska .shaqada iyo arimaha bulshada, Baarlamaanka, Odayaal dhaqameedka, iyo hay'adaha aan dawliga ahayn.
Waxaana furitaankii kulankan wada tashiga ah ka hadlay la taliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhanka hay'adaha ahna maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ee DDSI mudane Cabdifataax Sh.Axmed Ismaaciil oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay kulankani wuxuuna sheegay in ay muhiimtahay in la xaqiijiyo ilme kasta oo ku nool dalka gaar ahaan deegaanka uu u helilahaa adeeg caafimaad oo tayale.
Dhankiisa Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka hadlay furitaankii kulankan wadatashiga ah ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helo hooyo iyo caruur caafimaad qabta taasina sidii loo hirgalinlahaa ayna u oolin xafiiska caafimaadka oo kali ah, laakiin ay u taalo dhamaan saktarada kala duwan ee hay’adaha dawlada iyo kuwa aan dawliga ahayn iyo waliba , odayaasha, culamaau diinka iyo bulshada qayba heeda kala duwan.