Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 14ka December 2016. Kulan uu soo agaasimay xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarowga masiibooyinka DDSI ayaa saaka kafurmay hoolka shirarka ee xamda hotel, kulan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan deeq bixiyayaasha kala duwan ee kuhawlan kahortagga iyo udiyaargarawga masiibooyinka dabiiciga ah, dhamaan xafiisyada horumarka ee DDSI iyo xubno ka tirsan komishinka kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka ee heer qaran.
Hadaba Kulankan oo ay hogaaminaysay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmad Faarax ayaa lagu dhagaysanayay daraasaadkii laga soo sameeyey dhamaan xaalada guud ee uu deegaanku kusuganyahay haday noqoto dhanka raashinka,biyaha, xoolaha,waxbarashada. Sidoo kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan oo sheegay inuu kulankan yahay mid loogu diyaargaroobayo goobaha laga baqayo inay samayso abaarta dabiiciga ah ee ay keentay isbadalka cimilada taas oo ay xukuumada dadaal balaadhan ugu jirto siday uga qaban lahaayeen.
Sikastaba ha ahaatee Kulankan ayaa marka uu soo gabagaboobo lafilayaa in la isla meel dhigo qorsha lagu taakulayn doono qoysaska sida gaarka ay u saamaysay waxyeelada abaarta dabiiciga ah ay keentay isbadalka cimilada ee elino.