Qabridahar,(cakaaranews), Isniin, 12ka December. 2016. Tababar uu soo agaasimay Xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee maamulka magaalada qabridahar ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada qabridahar. Tababarkaasi oo ku saabsan la dagaalanka iyo tir tirida caadooyinka xun xun oo loo qabtay ururada haweenka, dhalinyarada, culimo awdiinka, ardayda dugsiga sare ee MM iyo odayaal ku dhaqan maamulka magaalada qabridahar.
Waxaana furitaankii tababarkaasi ka hadashay maayirka maamulka magaalada qabridahar marwo Ifraax Cumar Muuse oo ka warbisay ahmiyada uu leeyahay tababarkani iyo jihooyinka guud ee ay xukuumada DDSI ku tir tiraysa caadooyinka xun xun wuxuuna sheegay in sanadihii ugu danbeeyay siwayn loogu guulaystay dabargoynta caadooyinka xun xun ee waxyeelada ku hayay bulshada, waxayna ku boorisay maayirku ururada tababarka loo hayay in ay ka faa’iidaystaan cashirada ay ku qaadanayaan mudada uu socto tababarku
Sidoo kale waxaa ka hadashay furitaankii tababarkaa madaxa xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee maamulka magaalada qabridahar marwo Sucaad Khadar oo sharax dheer ka bixisay dhibaatooyinka ay leeyihiin caadooyinka xun xun iyo sidii loo dabar goyn lahaa caadooyinka xun xun ee ay ka midka yihiin gudniinka fircooniga ah iyo guurka deg dega ah