Musatxiil(Cakaaranews)Jumce, 25ka November 2016. Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI oo ka duulaya qorshayaasha horumarineed ee ku aadan horumarinta beeraha iyo waliba sidii bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah ay ugaadhi lahaayen isku filaansho cunto ayaa xafiisku labo gobol oo deegaanka ah udiray koox daraasaad ka samaynaysa waxyeelada cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya Dalaga islamarkaana si rasmi ah uga wada goboladaas shaqooyinkii daraasaadka.
Hadaba, madaxa kooxda daraasaadka kawada gobolada shabeele iyo qoraxeey ahna Madax- Kooxeedka Waxsoosaarka Dalaga iyo Kahortaga Cudurada kudhaca dalaga ee Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Cabdifataax Makhtal ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay kusuganyihiin tuulada jiic ee hoostimaada degmada mustaiil islamarkana ay badhtanka ugu jiraan daraasaad kusaabsan cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya dalaga. Wuxuuna intaa kudaray in daraasaadkan ay kasamaynayaan degmooyinka hoosyimaada gobolka shabeele.
Wuxuuna tilmaamay in si wanaagsan ay ugu socoto shaqadii daraasaadku islamarkaana ay rajaynayaan in natiijada shaqadoodu noqon doonto mid wax ku ool ah, faa’iido balaadhana u leh bulshada xoolodhaqato-beeralayda ah ee ku dhaqan gobolada Shabeele iyo Qoraxey. wuxuuna carabka kudhuftay in xafiiska ay qorshaha ugu jirto in dhamaan Gobolada laga sameeyn doono daraasaadka noocan ah.
Ugudanbayna qaarkamid ah kooxda daraasaadka wada ayaa xusay in shaqadani ay tahay shaqo muhiim ah oo ay u baahanyihiin bulshada xooladhaqato-beeralayda ah ee kunool gobolka shabeele