Birqod(cakaaranews)Talaado 22ka, November 2016. Xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha iyo qaar kamid ah maamulka degmada birqod oo uu horkacayo Gudoomiyaha Degmada Birqod mudane Fu’aad Yuusuf Maxamed ayaa si rasmi ah u bilaabay Ololoha talaalka xoolaha ku dhaqan degmada Birqod iyo nawaaxigeeda.
Hadaba, Gudoomiyaha Degmada Birqod Ee Gobolka Jarar mudane fu’aad yuusuf oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in iyagoo iskaashanaya xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha iyo maamulka degmadu ay si heer sare ah uga wadaan ol-olihii talaalka xoolaha. Wuxuuna intaa kudaray in wakhti xaadirkan ay talaalka kawadaan senterka Garigo’an iyagoo soodhameeyay talaalkii centerka Ceelxeer. Gudoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ol-olhani uu socon doono mudo 7 maalmood ah islamarkaana talaalka laga samayn doono dhamaan tuulooyinka hoosyimaada degmada Birqod.
Ugudanbayna gudoomiyaha ayaa sheegay in sidookale dawooyinka xoolaha ee muhiimka ah loo qaybiyay xoolo-dhaqatada ku nool degmada birqod islamarkaana aad ugu riyaaqeen iyagoo sheegay in dawooyinka lasiiyay ay aad ug baahnaayeen.