Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 16ka, November, 2016. Kulan ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha X.D.SH.S.I mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa maanta ka dhacay madasha shirarka kaali 2 ee xarunta madaxtooyada DDSI.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen hogaaminta sare ee XDSHSI iyo masuuliyiinta xafiisyada horumarka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa hawlaha horumarka, nabadgalayda iyo maamulka suuban gaar ahaan dar-dargalinta mashaariicaha horumarineed taasi oo xooga lagu saarayay dhinaca mashaariicaha biyaha deegaanka. iyada oo si qoto dheer looga dooday sidii dayactir loogu samayn lahaa dhamaan ceelasha biyaha deegaanka si bulshada deegaanka looga haqabtiro helitaanka biyaha.
Gabagabadii kulankan waxaa laysla qaatay sidii loo sii dar dargalinlahaa dadaalada loogu jiro kor u qaadida heer daboolka biyaha, iyada oo la dadajinayo fulinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo waliba in la ilaalinayo tayada adeegyad la gaadhsiinayo bulshada deegaanka.