Jigjiga(cakaaranews)Sabti 12ka November 2016. Shir balaadhan oo ay soo agaasimeen hogaaminta unug aasaasiga ee shaqaalaha maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah masuuliyiinta MM Jjigjiga ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.
Hadaba, shirkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay Madaxa Arrimaha Xisbiga Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdulaahi Muxumed Faarax oo sheegay in shaqaalaha dawlada ee unug aasaasiga XDSHSI ee magaalada jigjiga ay abaabul fiican sameeyeen islamarkaana ka hogaamin ahaan aan aad ugu mahadcelinayno shaqooyinka ay qabanayaan. Wuxuuna xusay in shirkan maanta lagu go’aamiyay in la xoojiyo kaqybgalka horumarka islamarkaana ay balan qaadeen inay sameeyaan wado cable stone ah oo dheerarkeedu dhanyahay 1 km iyagoo kabixinaya mushaarkooda.
Ugudanbayna waxaa dareenkooda kahadlay qaar kamid ah shaqaalaha MM Jigjiga oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shirkan maanta iyo go’aamada kasoobaxay ee ah in iyagu iskood ay u dhisaan wado cable-stone ah oo dheerarkeedu dhanyahay 1km. waxayna tilmaameen in horumarka iyo nabadgalyada deegaanka ay garabtaagan yihiin waligoodna garabtaagnaan doonaan taageero buuxana ay u hayaan XDSHSI.