Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maaliyadeed Ee Xarumaha Caafimaadka Oo la Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce,  11ka November, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga tababar mudo 4 maalmood ah u socday madax xafiiseedyada caafimaadka 19 degmo, maamulayaasha xarumaha caafimaadka, xisaabadka xarumaha caafimaadka iyo kaasheerada xarumaha caafimaadka kuwaasi oo ka socday 19 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Tababarkan  oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu hirgalinayo dib u habaynta nidaamka  maamulka  maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka, kor u qaadida nidaamka adeeg bixinta xarumaha caafimaadka iyo guud ahaanba xoojinta geedi socodka shaqo ee xarumaha caafimaadka.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil Cali oo sharax dheer ka bixiyay siyaasada caafimaadka ee ku salaysan tayaynta iyo bixinta adeegyada caafimaadka la gaadhsiinayo bulshada deegaanka. Wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada uu lahaa tababarkan la soo gabagabeeyay isaga oo sheegay in uu yahay hirgalinta  nidaam cusub oo dib loogu habaynayo geedi socodka maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka deegaanka islamarkaana ah nidaam kor u qaadaya tayada  adeega caafimaadka ee xarumaha caafimaadka DDSI. wuxuuna sheegay wasiirku in nidaamka laga hirgalinayo guud ahaan deegaanka balse lagu bilaabayo 19 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka. Wasiirka ayaa ku booriyay tababartayaashan in ay noqdaan xubnihii hirgalinlahaa nidaamka cusub ee dib u hayanta nidaamka maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka DDSI.

Dhankooda tababartayaashan oo la hadlay warbaahinta DDSI  ayaa  ka warbixiyay  aqoonta iyo faa’iidooyinka ay ka barteen mudadii uu socday tababarku waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan nidaamka cusub marka ay ku noqdaan goobtoodii shaqo.    

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>