Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Kulan lagu Xoojinayay Xidhiidhka Qurba Joogta DDSI Oo Ka Dhacay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) talaado, 8da November,2016. Kulan balaadhan oo uu hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayna ku wehelinayeen masuuliyiinta wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

 Kulankan oo loo qabtay qurba joogta DDSI ee ka soo qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI  kana kala  timiday qaaradaha  aduunka ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu sii xoojinayo  xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya qurba joogta,  XDSHSI iyo xukuumada DDSI.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo ugu horayntii u mahad naqay qurba joogta DDSI meelkasta oo ay joogaan gaar ahan xubnahan ka soo qaybgalay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI isaga oo sheegay in qurba joogta looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aadan ka qaybgalka hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maalgashiga. Wasiirka ayaa tilmaamay in ka sokow hawlaha maalgashi ee ay wadaan qurba joogta DDSI haddana looga  baahan yahay talooyinka iyo tusaalooyinka ku saabsan xawaare galinta geediga horumarka. Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in XDSHSI  yahay mid mabaadidiisa siyaasadeed ku dhisan tahay la tashiga  bulshada . wuxuuna ugu danbayntii wasiirku ku amaanay  sida quruxda badan ee ay uga soo qaybgaleen xubnaha qurba joogtu  shirwaynihii 9aad ee XDSHSI.

Dhankiisa maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane cabdiwahaab yuusuf ayaa sheegay in markasta ay xukuumada DDSI soo dhawaynayso qurba joogta DDSI islamarkaana looga baahan yahay in ay ka faa’iidaysnaa fursahada maalgashi ee ka jira deegaanka. Sidoo kale waxa uu amaanay maareeyuhu dhamaanba qurba joogta DDSI sida meeqamka sare ee ay uga soo qaybgaleen shirwaynihii 9aad ee XDSHSI.

Dhankooda qurba joogtan ka soo qayb-gashay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI  oo ka hadashay kulankan ayaa  siwayn ugu mahad celiyay xukuumada XDSHSI  iyo xukuumada DDSI sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo sidii loogu casuumay in ay ka soo qaybgalaan shirwaynaha 9aad ee XDSHSI waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maalgashiga DDSI


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>