Jigjiga,(cakaaranews) talaado, 25ka, October, 2016. Kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI oo ka duulaysa taabo galinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI, ayaa sanadihii ugu danbeeyay dadaal xoogan galisay xaqiijinta iyo hirgalinta siyaasada iyo istaraatajiyadaha waxbarasho tayaysan iyo awood siinta garaadka siyaasadeed ee hogaaminta heerar-kooda kala duwan Waxaa si dar-dar leh uga socda kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI diwaangalinta arayda cusub ee sanadka 2009TI.
Haddaba, maareeye ku xigeenka kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane ismaaciil maxamed xusen (giire) oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay geedi socodka shaqo ee kuliyada iyo diwaangalinta ardayda cusub ee ay qaabilayso kuliyadu. Wuxuuna sheegay maareeye ku xigeenku in sanadihii ugu danbeeya kor loo qaaday tayada waxbarashada kuliyada iyo guud ahaanba geedi socodka shaqada kuliyada iyo waliba bilicda kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka. Maareeye ku xigeenka ayaa sheegay in kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka oo la aas aasay sanadkii 1991TI ay ka qalin jabiyeen 10 dufcadood oo bartay culuunta kala duwan ee waxbarashada. Isaga oo intaasi ku daray in ay sanadkan kuliyadu qaadanayso ay diwaangalinayso arday dhan 1,300 oo iskugu jirta diploma iyo degree.
Kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ayaa xooga saaray soo saarida cudud waxbaratay oo ka qayb qaadata hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI, iyada oo kuliyadu ka sokow waxbarashada heerar keeda kala duwan ee ay bixiso u dheeryihiin in ay bixiso tababarada gaa-gaaban ee kor loogu qaadayo garaadka siyaasadeed ee hogaaminta iyo shaqaalaha heerar-kooda kala duwan si ay fahan buuxa ugu qaataan istaraatajiyadaha siyaasadeed ee XDSHSI, kana fogaadaan aragtiyada guracan iyo fikirada dulsaarnimada islamarkaana noqdaan kuwo leh bisayl siyaasadeed oo xoojisa fulinta himilooyinka horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI iyo tan dalkaba