Jigjiga(cakaaranews)Talaado 6da December 2016. Kulan Aqoon iswaydaarsi ah oo kusaabsan xuska shucuubta iyo qoomiyadaha dalka ee 29ka hidhaar islamarkaana uu soo diyaariyay xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta oo ay kasooqaybgaleen ururada haweenka, dhalinyarada, qaarkamid ah ciidamada qaranka iyo marti sharaf kale ayaa si habsami leh uga furmay hoolka shirarka ee isla xafiiska.
Hadaba, shirkan aqoon iswaydaarsiga ah ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii kahadlay wasiir kuxigeenka arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI mudane Cabdifataax Axmed Gamadiid oo sheegay in shirkan ujeediisu tahay aqoon iswadaarsi kusaabsan maalinka qaaliga ah ee 29ka hidhaar oo ah maalinkii lasameeyay tastuurka dalka ee simay dhamaan xaquuqihii qoomiyadaha iyo shucuubaha dalka. Wuxuuna intaa kudaray wasiir-kuxigeenku in xuska 29ka Hidhaar ay tahay maalin wayn oo hal-mid kadhigtay 83 qoomiyadood ee JDFI iyagoo kala diin ah kala dhaqan ah oo kala af ah.
Wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in xuskani uu yahay xuskii 11aad islamarkaana lagu xusayo deegaanka dariska la’ah Deegaankeena ee Hererida (magaalada herer) xuskuna uu dhici doono maalmo yar kadib.
Ugudanbayna, kasooqaybgalayaashii oo dareenkooda ka hadlay ayaa sheegay in faa’iidooyinka maalinkan aan lasoo koobi Karin islamarkaana ay atahay maalinkii ay dhalatay itoobiyada cusub gacmo furana ay kusoodhawaynayaan.