Jigjiga(cakaaranews)Axad 4ta December 2016. Waxay dhamaan wakaalada warbaahinta DDSI ogaysiinaysaa bulshada qaybaheeda kaladuwan ee ku nool dalka iyo daafaha caalamka islamarkaana ku xidhan daawashada muuq baahineedka ESTV in saacadihii wararka ee ESTV kabixi jiray lagu soo biiriyay 1:30 duhurnimo. Oo ay si toosa wakaaladu u bilabayso maalinka isniinta ah.
Hadaba, waxaa dhamaan bulshada danaysa daawashada muuq baahineedka ESTV loogu bishaaraynayaa in 7:30 ama 1:30 duhurnimo maalinka isniinta ah ee taariikhdu tahay 5-12-2016 G.C taariikhda dalkeenuna tahay 25-3-2009 T.I ay ka daawadaan wararka deegaanka, dalka iyo caalamka. Iyadoo laga bilaabo maalinkaasna uu saacad wareedkaasi joogto noqon doono maalin kasta.
Wakaalada Warbaahinta DDSI