Jigjiga(cakaaranews), talaado, 29ka November, 2016. Mashruuca horumarinta bulshada Reer guuraaga DDSI ee loo soo gaabiyo PCDP ayaa 15 gaadhi gudoonsiiyay 15 degmo oo ka mid ah 54 degmo ee mashruucani ka hawlgalo, waxayna ka mid yihiin 47 gaadhi oo uu mashruucani u soo iibiyay degmooyinka uu ka hawlgalo waxayna ahayd dhawaan markii 32 gawaadhi uu mashruucani ku wareejiyay 32 degmooyinka oo ka mid ah degmooyinka uu ka hawlgalo mashruucani
Maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI mudane Cabdifataax Axmed Ismaaciil ayaa ku wareejiyay furayaasha gawaadhitan masuuliyiinka socotay degmooyinka lagu wareejinayay gawaadhidan isaga oo sheegay inay 15 gaadhi oo ah qaybtii 3aad kana mid ah 47 gaadhi ee uu soo iibiyay si loogu xoojiyo hirgalinta mashaariicaha kala duwan ee uu mashuucu ka wado degmooyinka uu ka hawlgalo gaar ahaan dhinacyada adeegyada biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, jidadka iyo adeegyada kale ee bulshada aasaasiga u ah ah wuxuuna maareeyuhu ku booriyay masuuliyiinta lagu wareejiyay gawaadhidan in ay ilaaliyaan daryeelka gawaadhidan.
Dhankooda qaarka mid ah masuuliyiinta lagu wareejiyay gawaadhidan oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in ay sidii loogu talagalay oo kaliya ugaga faa’iidanayaan gawaadhidan, kuna fulinayaan adeegyadii loogu talagalay.
.