Dhagaxbuur( cakaaranews ) Talaado 5ta April 2016, Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa maanta xadhiga kajaray 17 mashruuc oo isugu jira Rugo-Caafimaad, Iskuulo, Ceel Gacmeedyo iyo waliba bakhaaro kuwaasoo laga kala dhisay sentarada iyo tuulooyinka hoosyimaada Degmada Dhagaxbuur.
Hadaba, waftigan ayaa waxaa gudoomiyaha Gobalka socdaalkiisa kuwahelinayay masuuliyiin heer-gobola iyo kuwo heer degmo ah oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmada Dhagaxbuur mudane Axmed nuur Jaamac Cige iyo Maareeyaha Wakaalada Dakhliga Degmada dhagaxbuur mudane Cabdulaahi Yaasiin
Sikastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Gobalka Mudane Cabdi Cali Mataan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in saaka ay xadhiga ka jareen 17 masruuc oo isugujira dugsiyo, Rugo-Caafimaad, Bakhaaro, Xarumaha Tababarka Beeralayda (FTC) iyo waliba Ceel gacmeedyo.
Dhanka kale wuxuu gudoomiyuhu intaa kudaray in mashaariicdan ay xadhiga kajareen laga kala dhisay Qabaleeyada kala ah Falfal, geedi aar, Higlalay, Galiil, Dhuumoodka, Garawo, Labiga Bulaale iyo Hoodaale.
Ugu danabayna wuxuu xusay gudoomiyuhu in mashaariicdan ay aad ugu baahnaayeen bulshada dagan qabaleeyada iyo tuulooyinka islamarkaana mahadclin balaadhan iyo soodhawayn aad usaraysa ay u sameeyeen markii ay xadhiga kajarayeen.