Qabridahar(cakaaranews), Axad, 4ta, December, 2016. waftigii isku dhafka ahaa ee uu hogaaminayay Raysil-wasaare ku xigeenka JDFI mudane Demaqe Mukonnon Xuseen oo ay horkacayaan masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta booqday mashaariico horumarineed oo waawayn.
Waxaana ka mid ahaa mashaariicaha ay booqdeen maanta waftigani mashruuca waraabka wax- soo saarka beeraha ee laga hirgaliyay tuulada maraacaato oo ka tirsan degmada qabridahar, waxayna waftigani si wada jir ah u soo indha indheeyeen geedi socodka shaqo ee mashruucan oo ka mid ah mashaariicaha horumarka waara( SDG) ee laga hirgalinaya DDSI.
Waftigan ayaa markii ay soo dhamaysteen booqashada mashuucan maraacaato waxay dib ugu soo noqdeen magaalada qabridahar. Waxana halkaasi ka bilaabeen booqashada mashaariicaha laga hirgaliyay magaalada qabridahar iyaga oo ugu horayntii booqday kuliyada tababarada macalimiinta ee qabridahar oo ah kuliyada ay hirgaliyay xukuumada DDS, sidoo kale waxay booqdeen cisbitaalka guud magaalada qaridahar oo ah cisbitaal lagu hirgaliyay dhismihiisa muddo halsano ah iyo dugsiga sare ee ee magaalada qabrihadar oo ah mid hadda la dhamays tiray dhismihiisa
Waftigan isku dhafka ah oo u kuurgalayay guud ahaanba mashaariicaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI hirgalisay sanadihii ugu danbeeyay ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa meelaha ay booqteen maanta kuliyada tababarka, xirfadaha iyo farsamada qabridahar, kuliyada caafimaadka magaalad qabridahar iyo garoonka diyaaradaha magaalada qabridahar kaasi oo ah garoon caalami ah ay xukuumada DDSI ku dhistay awoodeed islamarkaana ah garoonkii ugu horeeyay ee uu dhisto dawlad deegaan ka mid ah deegaanada dalkeena itoobiya.
Gabagabadii booqashadan ayaa waxaa la hadlay warbaahinta dalka Raysilwasaare ku xigeenka JDFI mudane Damaqe Mukonnon Xuseen oo sheegay in ay booqashadan indho indhaynta ah ay ku soo arkeen waxqabad mugwayn oo dhinacyo badan leh oo mudo kooban ay xukuumada DDSI ku hirgalisay. wuxuuna sheegay in ay mashaariicahan qayb ka yihiin qorshayaasha lagu tir-tirda saboolnimada islamarkaana ay yihiin tiirarka lagaga midho dhalinayo gaadhida horumar waara oo joogtaysan.