Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 14ka November 2016. Tababar ay si wada jira ah usoo agaasimeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI Iyo haayda Save the children international islamarkaana ay ku wa helinayeen xafiiska maxkamada shareecada ddsi iyo masjidul aclaha ayaa si heer sare ah ugu qabsoomay hoolka shirarka ee nogob hutel.
Hadaba tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen odayaal, Haween , Culumo owdiin, Dhalinyar ka kala yimaaday wadanka somaliya gaar ahaan gobolada puntland, Gado, oo ay wahelinayaan kuwa deegaanka, ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha maxkamada shareecada mudane sheikh Cabdiraxmaan oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii loo tirtirilahaa cadooyinka xun xun ee lagu sameeyo gabdhaha sida gudniinka fircooniga ah isla markaana loo baahan yahay inaan ubadkeena ka ilaalino falalka dhaqan xumada ah een diintana ku banaanayn, Wuxuuna gudoomiyuhu intaa ku daray in tababar qaata yaasha ka socda dalka aan dariska nahay ee somaaliya looga baahan yahay inaan lawada dagaalno cadooyinka xun xun ee aan ku banaanayn diinta oo uu kow kayahay gudniinka fircooniga ah,
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin kasoo qaygalka tababarkan islamrkaana ay la wada dagaalami doonaan cadooyinka xun xun islamrkaana cashirka ay tababarkan ka faaiideenn ka hirgalin doonaan goobihii ay ka yimaadeen