Jigjiga( Cakaaranews ) Khamiis 10ka November 2016. Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa tababar usoo xidhay xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka faafan, Islamarkaana lagu baranayay sidii looga hortagi lahaa cudurada qaaxada, Juudaanka, HIV AIDSka iyo cudurada kale ee galmada ku faafa.
Hadaba gabagabadii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay agaasinka ka hortaga cudurada mudane Cabdishakuur Cabdulaahi oo sheegay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda shaqo islamarkaana ay hirgaliyaan casharadii ay qaateen mudadii uu tababarku socday. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray inay loo baahan yahay inaad soo heshaan dadka qaba cuduradaas islamarkaan aad kusoo xidhaan xarumaha caafimaadka.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaashii tababarka oo sheegay inay wax badan ka faaiideen tababarkan mudaduu socday islamarkaana ay ugu adeegi doonaan bulshada kani hirgalin doonaan xarumaha caafimaad ee ay ka shaqeeyaan.