Qabridahar(cakaaranews)Talaado 8da November 2016. Kulan balaadhan oo ay kasooqayb galeen dhalinyarada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmada iyo mm qabridahar islamarkaana ujeedadiisu ahayd mahadcelin looga mahadcelinayo dhalinyarada soo dhawayntii shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacan tuulada maraacato iyo waliba dhiirigalin lagu dhiirigalinayo kaqaybqaadashada Horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa kadhacay xarunta Gobolka qoraxey ee magaalada qabridahar.
Hadaba, Kusimaha gudoomiyaha gobolka Qoraxay ahna madaxa arrimha siyaasada ee Gobolka qoraxay mudane axmed yaasiin cali oo ugu horayn kahadlay shirkan ayaa sheegay in dhalinyarta degmada iyo kuwa maamulka magaalada qabridahar ay waxqabad balaadhan ka sameeyeen soo dhawayntii iyo martigalintii kulanwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacay tuulada maraacato. Wuxuuna xusay in dhalinyartu ay dadaal balaadhan sameeyeen intii lagu jiray shirka islamarkaana ay adeeg u fidiyeen martisharaftii kaladuwanayd ee Hogaaminta Xisbiga oo tiradoodu kabadnayd 1800 oo xubnood. Wuxuuna tilmaamay kusimuhu in ay mutaysteen mahadcelin balaadhan islamarkaana ka maamul ahaan ay ku dhiirigalinayaan inay kor u sii qaadaan dadaalkooda.
Sidookale, Hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxay mudane maxamuud maxamed ooisna dhankiisa kahadlay ayaa mahadcelin balaadhan u soojeediyay dhamaan dhalinyarada gobolka gaara ahaan kuwii sida firfircawn ee xilkasnimada leh ee ay uga qaybqaateen dhalinyaradu soo dhawaynta martidii kazoo qaybgashay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacay tuulada maraacato. Wuxuuna amaan u soojeediyay dhamaan dhalinyarada qoraxeey sida ay ugarab taaganyihiin XDSHSI ugana qayb qaadanayaan Horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.
Ugudanbayna dhalinyarta oo dareenkooda kahadlay in aad ugu faraxsanyihiin sidii wanaaagsanayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii XDSHSI iyo bahwadaagtaba. Waxayna tilmaameen inay dadaalkooda ku aadan taageerada XDSHSI, ay sii labo jibaarayaan islamarkaana ay kamidhodhalinayaan qorshayaasha horumarineed ee uyaala iyo waliba ilaalinta nabadgalyada deegaankooda.