Jigjiga(cakaaranews)Axad 6da November 2016. Tababar uu soo agaasimay komishinka qaabilaada iyo cabahooyinka DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen maamulka 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga ayaa si habasami leh uga bilawday hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka DDSI.
Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii ka hadlay komishineerka komishinka qaabilaada iyo cabashooyinka mudane shaafi cashir oo sheegay in tababarkani uu kamid yahay qorshayaasha lagaga midho dhalinayo kabixida saboolnimada. Wuxxuna xusay in tababarkani yahay mid lagu baranayo nidaamka soogudbinta cabashooyinka ay bulshadu kaqabto dhanka adeeg bixinta haayadaha kaladuwan ee dawlada.
Sidookale komishineerka ayaa tilmaamay in tababarkan lagu baranayo isku xidhka bulshada qabta cabashada iyo komishinka islamarkaana maamulka xaafadaha looga baahanyahay in si sharciga waafaqsan ay u soo gudbiyaan dhamaan cabashooyinka ay ka qabaan dhinaca adeeg bixinta.
Ugudanbayna waxaa iyana dareenkooda kahadlay kasooqaybgalayaashii tababarkan oo shegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan loo qabtay ee lagu barayay nidaamka soo gudbinta cabashooyinka. Waxayna xuseen in ay si sharciga waafaqsan usoo gudbinayaan cabashooyinka.