Jigjiga (Cakaaranews ) Khamiis 17 March 2016, Xafiiska waxbarashada DDSI oo agab isugujira kuraas iyo miisas oogu deeqay Dugsiga Hoose Dhexe ee Centerka Dhagaxle ee hoosyimaada Degmada Gursum.
Hadaba Gadh/G/S/ T Qorsheynta Maaliyada Dabagalka iyo Abaabulka Khayraadka Hay’adaha mudane Faysal Cabdinuur Maxamed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in dugsiyadan agabka loogu deeqay ay yihiin iskuulaadka modelka ah ee kajira dagmada Gursum,wuxuuna agaasinku intaa kudaray in agabkan loogu talagalay iskuulaadka leh quudinta (school feeding) taasoo dhiiri galin u samaysa ardayda dugsiga wax kabarata khaasatan gabdhaha.
Ugu danbayna waxa uu masuulku hadalkiisii ku gabagabeeayay in agabkani uu san ahayn kii ugu horeey ee uu xafiisku gaadhsiiyo degmadaas. Waxa uuna gaadhsiiyay agabyo hore sidooklae waxa uu xafiisku gaadhsiiyay dugsiyada sanadkan bilawgiisii iyo waliba dugsiyada cusub ee deegaanka.