Jigjiga(CN) Arbaco, 10ka february 2016, Fadlan adigoo kaashanaya, korodhsanayana aqoonta aad u leedahay guud ahaan dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena ISKUDAY inaad kajawaabto su’aalahan hoos kuqoran. Kadibna kuguulayso abaal marin. Waxaadna jawaabtaada noogu soo diri kartaa message ahaan barta aan facebook kuleenahay ee www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan cakaarainfo@gmail.com.
Hadaba, wakhtiga loo cayimay kajawaabida su’aalahan waa 48 saacadood oo kabilaabanaya 7:00 pm ee 10ka bishan February. Waxaadna 48 saac kadib cidii kuguulaysatay kalasocotaan www.cakaaranews.com
NB. Abaal-marinta waxaa kuguulaysan:
- Qofka kajawaaba dhamaan su’aalaha.
- Cidii kajawaabta wakhtiga lacayimay kahor ayaa mudnaanta leh
Su’aaluhuna waa sidan:
- Xiliguu deegaanku ka koobnaa 52da Degmo imisa qabalee ayuu ahaa? Maanta oo uu ka kooban yahay 68 degmo iyo 4 Maamul Magaalose imisa qabaleee ayuu ka kooban yahay?
- Sheeg Gobolka Deegaanka kamidka ah ee labo jeer oo isku xigta Koobka Kubada Cagta ku guulaystay? Waxaa kale oo aad sheegtaa Magaca Feedhyahanka deegaanka uga tartama heer dal? Iyo magaca orodyahanka deegaanka labadii sano ee u danbaysay ku guulaystay koobka orodka?
- Sheeg taariikhdii labadalay Astaanta iyo Heesta Calanka DDSI?
- Fadhigii koobaad ee shirweynaha ciidanka booliska gaarka ah xaguu ka dhacay goormuuse dhacay?
- Sheeg magaca socdaalkii ugu dheeraa ee MW CMC iyo xukuumadiisu kusoo martay deegaanka iyo waliba goboladii lasoo maray?
- Sheeg asxaabigii dhimashadiisu uu carshigu la gilgishay?
Kalasoco barnaamijkan ISKUDAY maalin walba oo arbaco ah www.cakaaranews.com