Jigjiga(CN) talaado, 9ka , February, 2016, Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed, ayaa maanta maareeyayaasha 9ka cusbitaalka ee ku yaala 9ka Gobol ee DDSI ku wareejiyay furayaasha baabuur cusub. dib markii ay wasiirka iyo maareeyayaashu kala saxeexdeen heshiis qeexaya in loo adeegsado baabuurtan hawlaha caafimaadka oo kaliya, in aan lagu wadi Karin xawaare ka badan 100 islamarkaana uuna wadi Karin qof aan dirawalka ahayn
Haddaba baabuurtan oo qayb ka ah gawaadhi ay dhawaan xukuumada DDSI kala soo wareegtay wasaarada caafimaadka JDFI ayaa ujeedada loogu wareejiyay cusbitaaladu tahay in ay u adeegsadaan kor meerka iyo taakulaynta xarumaha caafimaadka ee yaala gobolka uu ku yaalo cusbitaalku, hawlaha caafimaadka deg dega ah sida cudurada dilaaca oo kale iyo kor u qaadida guud ahaanba adeegyada caafimaadka gaar ahaan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.
Maareeyayaasha cusbitaalada DDSI ayaa sheegay in ay gaadiidkani wax wayn ka qaban doonaan kor u qaadida adeeg bixinta caafimaadka ee cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka DDSI waxayna sheegeen in ay qorshihii loogu tala galay oo kaliya u adeegsan doonaan baabuurtan ilaalindoonaana dayac tirka baabuurtan
Gadhwadaanka geedi socodka adeega caafimaadka iyo daawaynta xafiiska caafimaadka DDSI mudane Nuur Huseen Xuuble, oo warbaahinta DDSI lahadlay, ayaa wuxuu sheegay inuu gaadiidkani wax wayn katari doonaan baahidii cusbitaalada ee xaga gaadiidka si ay u caawiyaan ugana warhayaan xarumaha caafimaadka iyo waliba ka jawaabida xaaladaha caafimaadka deg-dega ah.
Ugu dambayn, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed ayaa kula dar-daarmay maareeyayaasha cusbitaalada DDSI in ay baabuurtan ilaaliyaan una adeegsadaan qorshihii loogu talagalay oo kaliya kuna dhaqmaan qodubada heshiiska lagu qeexay