Jijiga(CN) Axad,7da February, 2016, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa u soo xidhay shirkii qiimaynta waxqabadkii 6 bilood ee cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka degmooyinka uuna ka hawlgalin mashruuca DRS ku.
Shirkan qiimaynta ah oo mudo 4 maalmood ah ka socday xarunta deegaanka ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo sheegay mudadii ay qiimayntu socotay in diirada lagu saarayay waxqabadkii 6 bilood ee dhinaca tayaynta adeegyada caafimaadka . wuxuna ka warbixiyay wasiirku in xafiiska caafimaadka DDSI iyo xukuumadda DDSI mudnaan siisay dardar gelinta iyo tayaynta adeegyadda caafimaadka iyadoo la hirgelinayo qorshayaal kala duwan oo lagu xaqiijiyo tayaynta iyo dardargelinta adeegyadda caafimaadka
Gabagabadii shirkan qiimaynta ee lagu eegayay waxqabadkii cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ayaa laysla qaatay sidii loo sii dardargalinlahaa adeegyada caafimaadka oo tayaysan iyada oo shahaadooyin sharaf abaalmarin ah la gudoonsiiyay shan xarun caafimaad iyo labo cusbitaal kuwaasi oo hormuud ku noqday dhinaca adeeg bixina caafimaadka oo tayaysan iyo soo gudbinta warbixinta caafimaadka bilaha ah (HMIS)