Jigjiga( cakaaranews ) Jumce 4, March 2016, Shir uu soo agaasimay Xafiiska Waxbarashada DDSI islamarkaana lagaga wada arinsanayay soo dhawaynta iyo udiyaargarawga munaasabada xuska sanad guuradii 18aad ee XDSHSI (28 yakaattiit) oo ku aadan maaalmaha fooda inagusoohaya ayaa looqabatay dhamaan shaqalaha xafiiska waxbarashada DDSI.
Shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay MW-kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI Mudane Mawliid Haayir Xasan oo siqododheer uga hadlay taariikhdii iyo sooyaalkii uu soo maray XDSHSI isagoo tibaaxay in xuska maalinka xisbiga ee 28 yakaatiit ay taahay in lagu xasuusto isbadalka dhinac kasta ah ee uu xisbigu soo hooyiyay gaar ahaan horumarinta, adeegyada aas aasiga ah sida Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Beeraha. Sidookale waxa uu Mw Kuxigeenku carabka ku adkeeyay guulaha balaadhan ee nabadgayada laga keenay iyo waliba maamulka suuban ee maanta bulshada deegaanku ku naaloonayso.
Sidookale waxa uu tilmaamay in ka xafiis waxbarasho ahaan ay labo jibaaraan shaqooyinkii ay uhayeen bulshada iyagoo ka midho dhalinaya qorshayaasha waxbarasho ee deegaanka uyaala sida tayada iyo tirada waxbarashada .
Ugu danbayna Waxa iyana dhankooda kahadlay qaarkamida agaasinada xafiiska waxabarashada oo dardaaran usoojeediyay shaqalaha islamarkaana kawaramay waxqabadkii XDSHSI iyo udiyaargarawga munaasabada xuska sanadguurada XDSHSI.