Jigjiga(CN) sabti, 6da February 2016, Shirkada Samsam Import And Export oo ah shirkad ka shaqaysa dhoofinta iyo soo dajinta raashinka iyo dharka iyada oo ka faaiidaysanaysa cashuur dhaafka ay siisay dawladu si ay bulshada deegaanku u helaan raashin jaban ayaa waxay ka hawlgashaa guud ahaanba deegaanka.
Hadaba shirkadan ayaa hada u dabaal dagaysa munaasabadan oo ay ku xusayso sanad guuradeedii 1,aad ee ka soo wareegtay aas aaskii shirkada. maareeyaha guud ee shirkadan samsam importi and export marwo Samsam Naasir oo ka hadashay xafladaasi ayaa ka warbixisay waxqabadka iyo dadaalada ay shirkadani ka wada Guud Ahaanba Deeganka Soomalida Itoobiya islamarkaana ay Dadaal Xoogan ugu Jirta Sidii Ay Kor ugu Qaadi Lahayd Una Dardargalin Lahayd Hawlaha Shaqo ee ay U Hayso Bulshada Deegaanka
Waxayna maareeyuhu sheegtay guulaha ay shirkadani soo hoysay tan iyo intii la aas aasay iyo qorshayaasha horumarineed ee u yaala shirkada iyada oo tilmaantay in maanta loo dabaal dagayo sanad guuradii 1aad ee Shirkada samsam taasi oo ku soo beegantay xili ay guulo waawayn ka soo hoysay Waajibaadkeedii Shaqo ee ay u Haysay bulshada Deegaanka iyo waliba ay sii wadi doonto dadaalada balaadhan ee kamidhadhalinta qorshayaasheeda shaqo.
dhanka kalana shaqaalaha shirkadan oo aad ugu faraxsan sanadguuradan 1,aad ee shirkada ayaa dareenkooda kucabiray farxad iyo kudhiiranaan shaqo iyagoo tilmaamay inay sii xoojin doonaan shaqada ay shirkadu u hayso bulshada.