Fiiq( cakaaranews ) Sabti, 27 February 2016, Waxaa sirasmi ah uga bilawday Magaalada Fiiq ee Xarunta Gobaka Nogob Talaalka Cudurka Dabaysha ee (polio) oo lasiinhayo Caruurtada da’doodu ka hosayso 5sano k/s.
Kusimaha Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee Degmada Fiiq Sayid Maxamed Baaruud ayaa sheegay in dhamaan tuuloyinka hoosyimada Degmada Fiiq uu ka bilawday talalka Cidhibtirka Cudurka Dabaysha ee polio islamarkaana la talalaayo caruurta da’doodu kahoosayso shan sano k/s. Waxa uuna masuulku intaa ku daray in shaqaale si fiican uga carbisan oo ah xirfadlayaal caafimaad ay ay kawadaan talaalkii dhamaan tuulooyinka. Waxaa kale uu tilmaamay in cudurkan dabaysha uu yahay mid dhibaatooyin badan ugaysta caruurta, hadii aan caruurta talaalka polioda aan la siinin.
Ugu danbayn dhankooda waxaaa ka hadlay Hooyooyinkii caruurta loo talaalayay oo sheegay inay soo dhawaynayaan talaalka islamarkaana tilmaamay in cudurkan dabayshu yahay mid caruurta u sababa curyaanimo, diyaarna ay u yihiin in Cidhibtirka cudurka dabaysha ee polioda.