Jigjiga(Cakaaranews), Axad, 6da, March, 2016 Waxaa maalinta bari ah guud ahaanba deegaanka si wayn looga dabaaldagi doono munaasabada xuska sanad guurada 18aad ee XDSHSI taasi oo si wayn looga dareemayo caasimada deegaanka ee Jijiga u diyaar garowga munaasabadan .
Waxayna indhahaagu markiiba ku dhacayaan sida loo sii qurxiyay wadooyinka, guryaha magaalada calamaan laga lulay wadooyinka waawayn ee maamulka magaalada jijiga, sido kale maamulada 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jijiga ayaa kor loo sii qaaday bilicdooda iyada oo boodhadh waawayn oo lagu soo qoray halku dhagyo ka turjimaya guulaha horumarineed ee uu xisbigu soo hooyay iyo hiigsiga hirgalinta himilooyinkiisa horumarineed ay ku qoran yihiin.
Sidoo kale degmooyinka deegaanka ayaa maalmahanba diyaar garow balaadhan ugu jiray soo dhawaynta iyo u diyaargarowga munaasabadan 18aad ee XDSHSI.
Haddaba munaasabadan sanad guurada 18 aad oo ku beegan 28ka yekatiit 2008TI, ayaa waxay ka turjimaysaa aas aaskii XDSHSI soonyaalka taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soomaray XDSHSI,
Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay XDSHSI u guntaday taabo galinta isbedalka horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka saxar tiran oo damaanad u noqday shacabwaynaha deegaanka. Kaasi oo ay ka go’antahay gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar waara oo dhinaca kasta leh, ka jawaabida baahiyaha shacabkeena, kor u qaadida koboca dhaqaalaaha, abuurida ilaha shaqada, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga iyada oo ay hirgalinta qorshayashaasi sal u yihiin ka qayb qalinta shacabka deegaanka. Wuxuuna tir tiray xisbigu sanadihii ugu danbaysay aragtida dulsaarnimada.