Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Maanta Iyo Porfosor Cabdinaasir Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 3da August 2018. Waxaa maalmahanba si isdaba joog ah garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga uga soo dagaya wufuud kaladuwan oo ubadan qurbajoogta DDSI ee kukala dhaqan daafaha caalamka si ay uga qayb qaataan shirwaynaha wadatashiga umada soomaaliyeed ee kasoojeeda DDSI. Waxaana  maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga  lagu soo dhaweeyay Porfosor Cabdinaasir Cumar  Shuuriye oo kamid ah qurbajoogta DDSI islamarkaana ka yimid wadankaasi malayshia. Iyadoo halkaasna ay si quruxbadan ugu soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin heerdeegaan ah oo uu horkacayo lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xalinta cabshooyinka ahna wasiirka xafiiska qurbajoogta DDSI mudane cabdirisaaq sahane Cilmi.

Hadaba, soo dhawayn kadib, ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Lataliyaha Madaxwaynaha Ee Dhanka Xalinta Cabshooyinka Ahna Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo sheegay in maanta ay soo dhaweeyeen porfosor cabdinaasir cumar shuuriye oo kamid ah qurbajoogta udhalatay DDSI, kana yimid wadankaasi malayshiya. Wuxuuna intaas kudaray in ujeedada imaanshaha porfosorku ay tahay kaqaybgalka shirka wadatashiga midnimada umada  soomaaliyeed ee DDSI. Wuxuuna xusay in porfosorku inta uujoogo deeganka uu fikirkiisa iyo aqoontiisaba  uu ku darsan doono horumarka dhinacyada badan ee kasocda deegaanka.

Sidookale, Porfosor Cabdinaasir Cumar Shuuriye oo dareenkiisa kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu soo gaadho xarunta DDSI ee magaalda jigjiga. Wuxuuna porfosoorku u mahadceliyay masuuliyiintii kusoodhawaysay  garoonka. Porfosorka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in uusan siyaasi ahayn balse uu u yimid deegaanka inuu kaqaybaglo shirka wada tashiga umada soomaaliyeed  ee ay kubaaqeen odayaasha deegaanku. Wuxuuna tilmaamay in uu waxyaabo badan indho indhayn doono horumarka ka hanaqaaday deegaanka islamarkaan uu fikiradiisa iyo aqoontiisaba uu kudarsan doono.

Iskusoowada duuboo, bulshada deegaanka  udhalatay ee kudhaqan daafaha caalamka ayaa si isadaba joog ah uga soo dagaya magaalada jigjiga si ay uga qaybgalaan shirwaynaha wadatashiga umada sooamliyeed ee kasoojeeda DDSI. kaas oo ah shir loo dhanyahay oo ay kubaaqeen odayaal dhaqameedka deegaanku. Waxaana xusid mudan in shirkan lagu casuumay dhamaan bulshada DDSI mucaarad iyo muxaafidba.

 


Viewing all 123141 articles
Browse latest View live




Latest Images