Godey(cakaaranews)Talaado, 17ka July 2018. Waxaa magaalada goday ee xarunta gobolka shabeele gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka magaaladaasi kaqabsoontay xaflad qalin jabin ah oo ay kuqalinjabinyaan dufcadii 9aad ee ardayda waxkabarata jaamacada jigjiga ee (extension programka). islamarkaana waxbarashadooda ku qaata magaaladaasi godey maalmaha sabtida iyo axada.
Hadaba, ardaydan qalinjabinaysa oo tiradoodu dhantahay 434 arday oo 60 kamid ahi ay yihiin dhadig meesha 344 ay yihiin lab islamarkaana ay dhamaantoodba yihiin heerka degreega 1aad bartayna culuumta scieniska ee kaladuwan. Iyadoo munaasabdana ay kasooqaybgaleen madaxwayne kuxigeenka jaamacada Jijiga ee dhanka waxabarshaad iyo draasaadka, madaxwayne kuxigeenka Jaamacad qabridahar, masuuliyiinta gobolka masuulyiinta MMG waalidiinta, ehelada iyo asxaabta ardyada qalinjabinaysa.
Sidaasidarteed, munsaabadan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxwayne Kuxigeenka Jaamacada Jigjiga Ee Dhinaca Waxbarashada Iyo Daraasaadka Mudane Ilyaas Cumar oo sheegay in maanta ay farxad wayn u tahay in uu munaasabadan kala sooqaybgalo taasoo ay kuqalinjabinayaan ardayada jaamacada jigjiga ee waxabarashadooda kuqaata magaalada godey (extension program). Wxuuuna xusay in jaamacada jigjiga la aasaasay 10 sano kahor islamarkaana xafladan qalinjabinta ah ee magaalada goday lagu qabtay ay tahay qalinjabintii ugu horaysay ee ay kuqalinjabiyaan ardayada waxbarshadooda kuqaata ‘’weekend’’ ee maalmaha sabtida iyo axada.
Iskusoowada duuboo, ardaydii qalinajbinaysay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in maanta ay aad ugu farxsanyihiin qalinjabintoodana maanta iyagoo gurigooda waxabarashadoodii kuqaadanayay mudo sadexsano islamarkaana shaqadoodii iyo danhoodiibkaleba wata. Waxayna aad ugu mahadceliyeen xukumada DDSI ee uu hogaamiyo madaxwyanaha DDSI udane Cabdi Mxamuud Cumar iyo waliba macalimiintii iyo waalidiinttood.