Jigjiga(cakaaranews)Arabco, 11ka July 2018. Xafiiska waxbarashada DDSI oo dadaal xoogan ugu jira kor uqaadista tayada waxbarashada iyo waliba sidii uu kor ugu qaadi lahaa dhanka kaqaybgalka haweenka ee hogaaminta waxbarashada. iyadoo uu xafiisku tababarka hogaaminta waxbarashada siiyay macalimiin dumar ah, kuna kala meeleeyay dugsiyada deegaanka. waxaana maanta magaalada jigjiga ka qabsoomay kulan qiimayn iyo xog iswaydaarsi isugujira oo loo qabtay 63 xubnood oo dumar ah oo kamid ah hogaaminta dugsiyada deegaanka ee kal hore lagu meeleeyay.
Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo warbaahinta uga warbxiyay kulankan ayaa sheegay in Fagaarahani ahaa mid loogu talagalay in lagu qiimeeyo geedisocodkii baris barasho ee dugisyada sanadkan dhamaaday ee 2010 T.I. wuxuuna intaas kudaray in xubnahan kulanka looqabtay ay yihiin xubnihii kalhore uu xafiisku tababarka hogaaminta siiyay oo tiradoodu dhanayd 63 xubnood oo ah haween islamarkaana lagu kala meeleeyay duggsiyada waxbarashada iyagoo ah maamulayaal iyo kormeerayaal. Kulanakanina uu yahay mid lagu kala qaadanayo caqabadihii lasoodarsay iyo waliba dhankoodii adkaa ee geediscodka baris baarsho ee dugsiyadii ay kakala yimaadeen.
Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in sidokale sanadkan uu xafiisku tababarka hogaaminta waxbarashada siiyay 130 xubnood oo haween ah taasoo 2dii snao ee udanbaysay kadhigaysa tirada guud ee hogaaminta waxbarashada dumarka ah 193 xubnood. Wxuuna tilmaamay in kulankani yahay mid lagu gorfaynayo sii xoojinta iyo kor uqadista tayada waxbarashada laguna kala qaadanayo jihooyin horumarineed.
Dhankakale, , Gadh-wadeenka G/S Horumarinta Macalinmiinta iyo Hogaaminta Waxbrashada ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdixakin Maxamed Cali oo isna dhankiisa kawarbixyay ujeedada kulnakan ayaa sheegay in xafiisku uu dadaal ugu jiro kor uqaadista tayada waxbarashada. Wxuuna xafiisku qaaday talaabooyin kuwajahan dhanka kor uqaadista hogaaminta haweenka ah ee waxbarashada kadib markii ladarsay in hogaaminta dugsiyada ay aad ugu wanaagsan yihiin haweenku islamarkaana tababarka hogaaminta waxbarshada siiyay haween tiradoodu kudhawadahay 200. Kuna kala meeleeyay dugsiyada deegaanka. Ayaa waxaa kulankan lagu kala qadanaya geedisocdkii baris barasho ee sanadkan dhamaday iyoc aqabadihii so foodsaaray hogaaminta waxabarshada dugsiayada waxabarshada ee haweenka ah.
Iskusoowada duuuboo, 2dii sano ee ugu danabysay ayaa wuxuu xafiisku guulo waxku’ool ah ka keenay dhanka natiijada ardayda iyo waliba kaqaybgalka dumarka ee dhanka hogaaminta dugsiyada waxabarshada.