Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Jaamacada Jigjiga Iyo Qalinjabinta Dufcadii 10,Aad Oo Si Heersare U Dhacday

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 30ka, June, 2018. Waxaa jaamacada jigjiga kaqabsoomay Xaflad qalin jabin ah oo si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kuqalinjabiyeen dufcadii 10aad ee ardayda jaamacada jigjiga kuwaasoo tiradoodu dhantahay 4037 arday oo baratay culuumta kaladuwan ee sayniska ee jaamacdu bixiso islamarkaana heerka aqoontoodu tahay degree’ga 1aad iyo degree’ga 2aad (master). Iyadoo xafladana ay  kasooqaybgaleen madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah, mas’uuliyiinta jaamacda oo uu ugu horeyo madaxwaynaha jaamacada jigjiga, odayaal dhaqameedka deegaanka, ardaydii qalinjabinaysay, waalidiinta, ehelada  iyo asxaabta ardayda qalinjabinaysa.

Hadaba, munaasabadan qalijabinta ah oo ugu horay lagu bilaabay heesta calanka qaranka itoobiya ayaa waxaa ugu horayn khudbad muhiim ah kasoojeediyay Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Beeraha Iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga Ah Marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn u hanbalyaysay  ardayda qalinjabinaysa. Waxayna madaxwayane kuxigeenku si faahfaahsan uga hadashay heerka uu deegaanku ka gaadhay waxbarashada islamarkaana barbardhig kusamaysay 10 sano kahor deegaanku siduu u dib dhacsanaa dhanka waxabarshada iyo guud ahaanba horumarka dhainacyadiisa kaladuwan. Waxayna marwadu xustay in jaamacada jigjiga ay kamid tahay jaamacadaha ugu sareeya jaamacadaha dalkeenan itoobiya. madaxwayne kuxigeenka oo hadlkeeda sii wadata ayaa dhamaan ardayda qalinjabisay kuboorisay inay noqdaan kuwo cilmiga ay barteen uga faaiideeya bulshadooda islamarkaan ugu adeega si daacad ah.

Sidookale, Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga Dr.Cabdicasiis Ibraahim ayaa hanbalyayn kadib kahadlay ardayad sanadkan qalin jabisay oo ah jadufcadii 10aad iyo waliba guud ahaan sooyaalkii taariikheed ee jaamacada jigjiga. Madaxwayanah ayaan ugu horayn kawarbixiyay ardayda sanadkan kaqalinjabisay jaamacada isagoo sheegay in ardayda sida joogtada ah (Regular students) wax uga baranaysay jaamacada jijiga ay isugujioraan  degree 1aad iyo degree’ga 2aad kuwaasoo tioradoodu dhnatahay 1346 arday. Meesha ardayda dhigata waxbarashada weekend, waxbarashada fogaanta ay tiradoodu dhantahay  2691. Wuxuuna carabka kudhuftay inay guud ahaan jaamacada jigjiga ay kaqalinjabisay  sanadkan 2010 T.I  arday tiradoodu dhan tahay 4037 arday. kuwaasoo baratay culuumaha kaladuwan ee ay jaamacadu bxiso.

Wuxuuna hadalkiisii ku soo gunaanaday in ilaa iyo intii jaamacada la aasaasay ay kaqalinjabiyeen arday tiradoodu dhan tahay 27, 738 arday islamarkaana ay tiradani tahay mid aad usaraysa marka loo eego da’da ay jirto jaamacadu.

Dhankakale, gabagabadii xaflada ayaa waxaa ardaydii ugu dhibcaha badnayd halkaas la gudoonsiiyay abaal marino kaladuwan.

Ugudanbayn ardaydii ka qalinjabisay jaamcada jigjiga ayaa sheegay inay dareenkooda  farxadeed ee maanta aysan qiyaasi karin. Waxayna xuseen in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana ay u mahadceliyeen dhamaan waalidiintood, asxaabtoodii iyo eheladoodii.


የጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ ለ10ኛ ጊዜ ሲያስተማራቸው የነበሩትን 3900 ተማሪዎች በዛሬው ዕለት አስመርቋል

0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ቅዳሜ፤ሰኔ23/2010ዓ.ም  በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ርዕሰ መዲና የሚገኘው የጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ በዛሬው እለት በመደበኛ፣ በተከታታይ እና በርቀት እንዲሁም በድህረ ምረቃ ፕሮግራሞች ሲያስተምራቸው የነበሩትን 3900 ተማሪዎች ማስመረቁ ተገልጿል።

ሃገሪቷ ከያዘቻቸው የሚሊኒየም ግቦች መካከል ዜጎችን በትምህርት ዕውቀት ማብቃት አንዱ ሲሆን በዚህም መሠረት የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ዋና ከተማ በሆነችው ጅግጅጋ የሚገኘው ጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ ለ10ኛ ጊዜ በመደበኛ፣ በተከታተይ እና በርቀት በተጨማሪም በድህረ ምረቃ ፕሮግራም ሲያስተምራቸው የነበሩትን 3900 ተማሪዎች በዛሬው እለት ማስመረቁ ተገልጿል።

የምርቃት ሥነ-ሰርዓቱ  በብሔራዊ መዝሙር የተጀመረ ሲሆን በምርቃት ሥነ-ስርዓቱ ላይ ተገኝቶ የመክፈቻ ንግግር ያደረጉት የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግሥት ም/ፕረዝዳንትና የክልሉ እርሻና ተፈጥሮ ሀብት ቢሮ ኃላፊ ወ/ሮ ሱኣድ አህመድ ፋራህ ለተመራቂ ተማሪዎች የእንኳን ደስአላችሁ መልዕክታቸውን በማስተላለፍ ባለፉት 10 ዓመታት በሁሉም የክልሉ አከባቢዎች  የትምህርት ተደራሽነትን ማስፋፋቱና በሁሉም የመሠረተ ልማት መስኮች አመርቂ ሥራዎችን መስራታቸውን ገልፀዋል።

በተጨማሪም ጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ በክልሉ ብሎም በሀገሪቱ አርብቶ አደርና ከፊል አርሶ አደር ዘርፎች አቅም የሚያሳደጉና ውጤታማ የሆኑ በርካታ የጥናትና ምርምር ተግባራትን መስራቱንና በአርብቶ አደር እና ከፊል አርሶ አደር ጥናትና ምርምር ሥራዎች በሀገሪቷ ካሉ ከፍተኛ ትምህርት ተቋማት ጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ በቀዳሚነት እንደምትገኝም ም/ርዕሰ መስተዳደሯ አብራርተዋል።

በተመሳሳይም የጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ ፕሬዝዳንት ዶ/ር አብዱልአዚዝ ኢብራህም ጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ በ2010ዓም ለ10ኛ ጊዜ በአንደኛ እና በ2ተኛ ዲግሪ በመደበኛነት የተመረቁት ተማሪዎች ብዛት 1346 ሲሆኑ በዘንድሮ በተከታታይ መርሃ ግብር የተመረቁ ተማሪዎች ብዛትም 2691 መሆናቸውንና በርቀት እና በሌሎች ፖሮግራሞችም ዩኒቨርሲትው 4037 ተማሪዎችን አስመርቋል ብለዋል።

በተጨማሪም ጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ በ10 አመታት ውስጥ 27, 738 ተማሪዎችን በተለያዩ የትምህርት መስኮችና በተለያዩ መርሃግብሮች ማስመረቃቸውንም ዶ/ር አብዱልአዚዝ ኢብራህም ገልጿል።

በሌላ በኩል ጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ ለ10ኛ ጊዜ ካስመረቃቸው ተመራቂዎች መካከል ከፍተኛ ውጤት ላመጡ እና በማዕረግ ለተመረቁት  ተማሪዎችን የተለያዩ የሜዳሊያና የማበረታቻ ሽልማት ተበርክቶላቸዋል። በተጨማሪም ዩኒቨርሲቲው ለሁለት ግለሰቦችም የክብር ዶክትሬት መስጠቱም ተገልጿል።

በመጨረሻም ተመራቂ ተማሪዎች ከበርካታ ውጣ ውረዶች በኋላ ዛሬ ለዚህ ምርቃት በማብቃታቻውን እጅግ መደሰተኛ መሆናቸውን የገለፁ ሲሆን በቀጣይም የተጣለባቸውን ሃላፊነት በአግባቡ እንደሚወጡም ቃል ገብተዋል።

 

 

MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Ee Uu Hogaaminayay Oo Caaawa Kusoo Dheelmaday Degmada Shaykoosh

0
0

Shaykoosh(cakaaranews)Axad, 1da July 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee maalmahanba ku guda jiray socdaalkii loogu magacdaray shidaal iyo saliid ayaa maanta niskii danbe kasoo anba baxay magaalada qabridahar islamarkaana caawo usoo hooyday degmada shaykoosh. Iyadoo madaxwaynaha iyo waftigiisuba ay casarkii soo galeen degmada shaykoosh. Halkaas oo ay bulshada qaybaheeda kaladuwani si  aad u quruxbadan ugu soo dhaweeyeen.

Hadaba, madaxwaynaha iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa intii ay ku guda jireen socdaalka shidaal iyo saliid kulamo kaladuwan layeelanayay  bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kunool  degmooyinka iyo tuulooyinka ay socdaalka kumareen. Iyadoo madaxwaynuhu uu bulshada uga warbixinayay xadhig kajarka shidaalka iyo saliida ee Elele iyo jeexdin. Iyo waliba tariikhdii iyo halgankii loo galay natiijo ka gaadhida shidaalka iyo saliida deegaanka. Wuxuuna madaxwaynuhu bulshada usheegayay in wakhti-dhaw saboolnimada laga bixi marba hadii ilaahay ku guuleeyay in ay xadhiga kajaraan shidaalkii iyo saliidii deegaanka ee mudada badan la rajaynayay in mar uun guul laga gaadho.  

Iskusoowada duuboo, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa caawo ku dheelmaday xarunta degmada sheykoosh ee shaykoosh. iyadoo lafilayo in madaxwaynuhu uu kulamo laqaadan doono  bulshada kudhaqan degmada shaykoosh. 

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Tababar U Qabtay Khabiirada Iyo Dheskiyada Xafiisyada Waxbarashada Ee Degmooyinka Iyo M.M

0
0

Jigjiga(cakaaranews)1Axad, da July 2018. Waxaa xarunta deegaanka kabilawday tababar ujeedadiisu tahay kobcinta garaadka aqoomeed ee khabiirada iyo Gadhwadeenada G/socodyada ka hawlgala dhamaan xafiisyada waxbarashada ee 93 degmo iyo 6 maamul magaalo. Iyadoo tababarkana ay kaqaybgalayaashu kuqaadan doonaan casharo dheeri ah oo laxidhiidha dib uhabayn iyo casriyayn lagu smaeeyay nidaamka dabgalka waxbarashada, qorshaynta, hogaaminta waxbarashada iyo sinaanta jinsiga.

Hadaba, tababarkan aya waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxabarshada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad Oo sheegay in tababarkani yahay mid kuqotama kobcinta awooda fulineed ee khabiirada iyo gadhwadeenada geedisocodyada xafiisyada waxbarashada ee degmooyinka iyo Maamul magaalooyinka. Wuxuuna wasiirku intaas kudaray in tababarkani yahay sidii ay xafiisyada waxabarshada ee degmooyinku unoqon lahaayeen kuwo kubaraarugsan geedisocyada kaladuwan ee waxabarshudu kakooban tahay islamarkaana qorshaysan kara hawlkasta oo geedisocodka waxbarasho kuqotama. Si loga midho dhaliyo qorshayaasha waxbarasho ee uyaala deegaanka.  

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay tababartayaasha in si fiiacan looga faaiidaysto mudada ay socdaan casharada  tababarku, Kadib markuu dhamaadana ay ficil kumuujiyaan islamarkaana ay sii gaadhsiiyaan degmooyinkii iyo MM ay kakala yimaadeen.

Sidookale, Gadhwadeenka G/Socodka Horumarinta Macalinta Iyo Hogaaminta Waxbarashada Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Cabdixakiin Maxamed Cali  oo isna tababarkan kawarbixiyay ayaa sheegay in tababarkani yahay mid lagu kobcinayo garaadka aqoomeed ee khabiirada iyo gadhwadeena waxabarshada degmooyinka iyo Maamul magalooyinka deegaanka maadaama oo ay yihiin iyagu kuwii shaqada waxbarashada gacanta ku hayay technically. Wuxuuna xusay agaasinku in tababarkani uusan ahayn kii ugu horeeyay balse laakiin uukani kaga duwanwayahay kuwii hore in tababartayaashu ay qaadanayaan casharo dheeri ah oo kuqotam nidaamka dabagalka waxbarashada iyo qorshaynta.

Iskusoowada duuboo, tababarkan oo socon doona mudo 10 cisho ah ayaa markuu dhamaado laga filayaa in kaqaybgalaayshu ay kadhaxli doonaan aqoon dheeri ah oo kor uqaada awooda fulineed ee khabiirada iyo gadhwadeenada geedispocodyada waxbarashada ee 93’da degmo iyo 6’da maamul magaalo ee deeganaku ka kooban yahay.

MW CMC Iyo Waftiigii Uu Hogaaminayay Oo Kusoo Dheelmaday Magaalada Dhagaxbuur

0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Isniin, 2da July 2018. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee kugudajiray socdaalkii shidaalka iyo saliida ayaa maanta kasoo anba baxay degmada shaykoosh islamarkaana caawa kusoo dheelmaday magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar. Iyadoo madaxwaynaha iyo waftigiisuba intii ay soo socdeen saacado badan  laqaatay bulshada kudhaqan senterada iyo tuulooyinka u dhexeeya  shaykoosh iyo dhagaxbuur kuwaas oo soo dhawayn balaadhan oo farxadi ku dheehan tahay u muujinayay madaxwaynaha iyo waftigiisa islamarkaana kutiirsanaa hareeraha wadada laamida ah ee u dhaxaysa shaykoosh iyo dhagaxbuur.

Hadaba, madaxwaynaha iyo waftigiisa oo kuguda jira kasoo laabashadii socdaalkii shidaal iyo saliid ayaa wakhti xaadirkan kusugan magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar iyadoo halkaasna ay duleedka magaalada dhagaxbiuur si meeqaam sare leh ugu soodhaweeyeen bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan magaalada dhagaxbuur. waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu caawa usoo hooydeen magaalada dhagaxbuur. Iyadoo lafilayo in sidii caadada u ahaydba madaxwaynaha  DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar uu kulamo kaladuwan laqaato bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan magaalada dhagaxbuur.

RW Dalka Dr. Abiyi Ahmed Oo Lahadlay Guud Ahaan Dhalinyarta Dalka

0
0

Adhisababa(cakaaranews)isniin 2da July 2018. Raisal Wasaaraha Dalka JDFI  Dr Abiyi Ahmed oo maanta lahadlay guud ahaan dhalinyarta dalka gaar ahaan dhalinyarada deegaanada soo koraya khaasatan dhalinyarta DDSI oo carabka kudhuftay magaalada jigjiga ayaa ugu horayn uga mahadceliyay banaabaxyadii taageerada ahaa ee ay ficilka ku muujiyeen islamarkaana ay kutaagarayeen waxqabadkii uu raisal wasaaraha dalku kutalaabsaday mudada gaaban. wuxuuna raisal wasaaruhu sheegay inay banaan baxyada hada kadib ubadalaan waxqabad mutadawacnimo oo kur uqaadaya  dhaqaalaha dalka iyo technolojiyadaha.

Sidoo kale, raisal wasaaraha ayaa kuladardaarmay dhalinyarta maadaama oo ay soo baxeen dad raba inay khal-khal galiyaan nabadgalyada iyo horumarka dalka iyo ta deegaanadaba oo uu ugu yeedhay ‘’sagur lawdhooj’’ iyo xoogag cusub oo raba inay carqaladeeyaan nabadgalyadeena in looga baahan yahay dhalinyarta oo ay waajib kutahay inay kahortagaan il-gooni ahna u yeeshaan dhaqdhaqaaqyada dadkaas islamarkaasna ay fashiliyaan ficilada khatarta ah ee ay maleegayaan iyagoo dhalinyartu garab istaagaya dawladooda.

Hadaba, Raisal wasaaraha dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dhalinyarada looga baahan yahay inay dadka kusoo kordha qabaleeyadooda iyo magaalooyinkooda ay hubsadaan iyagoo waydiinaya waxa ay yihiin iyo sababta ay uyimaadeen  si looga badbaado khatarta ay maleegayaan.

Wuxuuna ugudanbayn raisal wasaaruhu ugu baaqay dhalinyarta dalka inay xiliga xagaaga ah  ay isdhaxgal sameeyaan oo uu deegaanba deegaanka kale ugudbo si deegaanba deegaanka kale wax uga barto oo  ay dhir beeris, aqoon iswaydaarsi iyo isbarasho sameeyaan si loo sii xoojiyo midnimada iyo isjacaylka  qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalka islamar ahaantaana ay dhalinyartu kaqayb qaadato barashada aaladaha casriga ah iyo technolojiyadaha iyo waliba hawlaha setalaytyada si dhaqaalaha dalkeenu uu kor ugu kaco islamarkaana uu dalkeenu ugaadho wadamada horumaray.

በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የመማር ማስተማር ሂደቱን ለማሳደግ የሞያ ስልጠና መሰጠት መጀመሩ ተገለፀ

0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሰኞ፤ሰኔ 25/2010ዓ.ም በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ትምህርት ቢሮ አዘጋጅነት በክልሉ ርዕሰ መዲና ጅግጅጋ ከተማ የመማር ማስተማር ሂደቱን ለማሳደግ የሚረዳ የሞያ ስልጠና መሰጠት መጀመሩ ተገልጿል። ስልጠናው ለ10 ቀናት የሚቆይ ሲሆን በትምህርቱ ዙሪያ የሚሠሩ ባለሞያዎች፣ አመራሮች እና የዴስክ ሠራተኞች እየተሳተፉ እንደሆነም የክልሉ ትምህርት ቢሮ  አስታውቋል።

በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የመማር ማስተማር ሂደቱን ለማሳደግ ከ93 ወረዳዎችና 6 የከተማ አስተዳደሮች ለተውጣጡ ባለሞያዎች ስልጠናው መሰጠት መጀመሩ ተገልጿል።በዚህም ለ10 ቀናት የሚቆይ መሆኑን  በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የትምህርት ቢሮ ኃላፊ አቶ ኢብራህም አደን ገልፀው የመክፈቻ ንግግር ባደረጉበት ወቅት "ስልጠናው በሁሉም ወረዳዎች የመማር ማስተማሩን ሂደት ለማሳደግ ታስቦ ነው የተዘጋጀው። ይህንንም በእቅድ ላይ የተመሠረተ ሞያዊ ሥራ መሥራት ያስፈልጋል። እናንተም ስልጠና በመከታተልና ወደመጣችሁበት ስትመለሱ በትምህርቱ ዙሪያ ለውጥ ለማምጣት ጠንክራችሁ መሥራት ይኖርባችኋል” ብሏል።

በተጨማሪም በትምህርት ዙሪያ የሚሠሩ ባለሞያዎችና አመራሮች የሞያ ብቃታቸውን ለማሻሻል የተደረገውን ጥረት ተከትሎ በክልሉ የተማሪዎች ቁጥር ከጊዜ ወደ ጊዜ እያደገ መሆኑንም  የክልሉ ትምህርት ቢሮ ኃላፊ ገልፀዋል።

ይህን ስልጠና ከ93 ወረዳዎች እና 6 የከተማ አስተዳደሮች የተውጣጡ የትምህርት ባለሞያዎች፣ አመራሮች እና የትምህርት ክትትል ሠራተኞች እንዲከታተሉት መደረጉም ተገልጿል። ለ10 ቀናት የሚቆየው ይሄው ስልጠና በትምህርት አመራር እቅድ እና ክትትል እንዲሁም በሌሎች ሞያዊ ርዕስ ጉዳዮች ላይ ትኩረት እንደሚያደርግም ቢሮ ኃላፊው ገልጿል።

በተጨማሪም በክልሉ ትምህርት ቢሮ የመምህራን ልማት ዳይረክተር አቶ አብዲሃኪም መሀመድ አሊ "በመጀመሪያየተማረ ትውልድን ለማፍራት የሚቻለው መምህራንን እና አመራሮችን በሞያው እውቀታቸውን ሲያሳድጉ መሆኑን ለመግለፅ እወዳለሁ”በማለትገልፀዋል።።

 በመሆኑም  ይህ ለ10 ቀናት የሚወስደው ስልጠና ከዚህ ቀደም የነበሩ ድክመቶችን ለመቅረፍና  ባላሙያዎቹ ከስልጠና ልምድ በመቅሰም እነሱም ይህንኑ ወደታች በማውረድ ለ2011 ዓ.ም የትምህርት ዘመን በተያዘው እቅድ ውስጥ በመተግበርና ትምህርት ቤቶችን ለመቆጣጠር የሚያስችል መድረክ ከመሆኑ በላይ የርዕሰ መምህራንን እና ሱፐር ቫይዘሮች አቅም በማሳደግ ተማሪዎች በእውቀት ለማብቃት የሚረዳ ስልጠና መሆኑንም ዳይረክተሩ አስገንዝቧል።

The Rise Of HEEGO Youth Movement Of Somali Region

0
0

By Mohamed Abdidheere

jigjiga(cakaaranrews)Tuesday, 3, july 2018. The youth are the backbone of a society and hence they determine the future of any given society. This is because all other age groups, the kids, teenagers, middle aged and the senior citizens rely on the youth and expect a lot from them. This makes the youth to be an important age group in both today's society and the future society than other age groups. Therefore, due to the high dependence on youth in the society, we the youth have a role to play because the future of our families, communities and the country lies in our hands. Youth are expected to advance the current technology, education, politics, and peace of the country. On the other hand, youths have also to maintain the culture of our culture, all good values in the societies, development projects, etc.

For any country to succeed, it needs educated, well informed and responsible leaders. For your information, the best leaders are the youths. The youth have to correct the mistakes and shortcomings of the previous leaders and completely change the outlook of that particular society. Youth have to do away with vices like corruption, self centered and greed in leadership so as the citizens realize development, gender equity and equal allocation of resources. Youths also have to maintain virtues set by other leaders, help the society or country to achieve her visions in future. 

In case of Ethiopian Somali region youth groups had not involved in the decision making circle because of the previous governments who had ignored the role of youth. In line with this the youth of Somali region preferred to join anti peace elements rather than to participate and stand with the government. One of the main reasons behind the disconnection and deficit trust between the government and the youth was the way of leadership that they have adopted which was not supported the interest of the youth and lack of policies and strategies that can galvanize and unite the youth generation.

Fortunately enough things have changed radically when the incumbent president and a young generation who were ready to change the outlook of the region have joined the politics. With in short period of time Ethiopian Somali region joined the journey of development and ride off the car of backwardness. President abdi and his team were determined to fight for and preserve Somali regions better values.

It is no doubt that the accomplishment of the development projects and realizing of the vision of joining the middle income countries is required the participation of the youth who are the owners of the future. The current government led president abdi mohomud in Somali region gave a great opportunity for. Young educated men and women, today a young educated men and women are at the top leadership of the region. Not only educated one also the government has provided trainings to those who miss an opportunity to join higher education. Training provided is included vocational trainings.

The tremendous achievements made by the regional government have attracted many people and youth generation of the region have welcomed with open hands.  Among these one is HEEGO youth movements- a young generations who organized themselves to stand with the government and defend their region from the anti development groups who wear a shirt of clan or religion. Objectives and mission of heego youth movements is not included violating of others but welcoming everyone who is promoting peace and development also heego youth movements avowed strengthening ethiopianism, building social love and promoting unity of all Ethiopians.

Last week, heego youth movement has organized an oversized demonstration in jijiga for supporting the achievements of the prime minister dr abiyu ahmed who took the highest office the last April. With in short period of time prime minister dr abiyu ahmed has gained a steady progress. Heego welcomed warmly and pledged to stand on the side of the government.

Lastly heego youth movement will use no violence, verbal or physical toward any person. Heego will not support any type of sabotage or act to violate peace and security and development. HEEGO youth movement stands for protecting and defending the dignity, maintaining peace and security, and protecting all development projects.

 

Mohamed abdidheere

Jijiga ethiopia

 

 

 

 

 

 


Imtaxaanka Xaqiijinta Tayada Macalimiinta Iyo Hog-Waxbarashada Oo Maanta Kabilawday Magaalada Jigjiga

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 3da july 2018. Waxaa maanta kuliyada tababarada macalimiinta ee Dr cabdimajiid xuseen si rasmi ah uga bilawday imtaxaanka xaqiijinta tayada xirfada baranimo ee shatiga kaasoo ay kasooqaybgaleen macalimiinta heerka diplomta ah ee sanadkan 2010 T.I kaqalinjabisay kuliyadaha tababarada macalimiinta ee jigjiga iyo qabridahar.

Hadaba, Gadhwadeenka Geedisocodka Shati bixinta Iyo Cusboonaysiinta Xirfada Barayaasha Iyo Hogaaminta Waxbarashada Ee Xafiiska Waxbarshada DDSI Mudane Mukhtaar Ibraahim Muxumed oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in maanta ay si rasmi ah u bilaabeen imtaxaankii qoraalka ahaa ee xaqiijintata tayada xirfada baranimo. Imtaxaankaas oo ah mid laga qaadayay macalimiinta sanadkan 2010 T.I  ka qalinjabisay kuliyada tababarada macalimiinta ee Dr cabdulmajiid xuseen iyo kuliyda tababarada macalimiinta ee qabridahar. Wuxuuna intaas kudaray agaasinku in imtaxaankani yahay mid ay macalimiinta iyo hogaaminta waxbarashadu kuqaadan doonaan shatiga xirfada baranimo. Islamarkaana ah imtaxaan si guud uga wada dhacay dhamaan 9ka dawlad deegaan iyo labada ismaamul magaalo ee  dalkeenan itoobiya.

Sidookale, agaasinka ayaa sheegay in imtaxaanku uu yahay hal maalin oo ahayd  maanta islamarkaana ay imtaxaanka qaateen macalimiin tiradoodu kudhawdahay 300 oo bare oo ah macalimiinta diplomta ah ee sanadkan kaqalinjabisay 2da kuliyadood ee tababarada macalimiinta ee jigjiga iyo qabridahar.

 

Ugudanbayna macalimiintii imtaxaanka qaadanaysay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in imtaxaankan shatiga ee xaqiijinta tayada xirfada baranimo ay maanta qaataan. Waxayna xuseen in natiijo fiican ay rajaynayaan.

MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Wali Kusugan Magaalada Dhagaxbuur

0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Talaado, 3da, july  2018. Madaxwaynaha DDSI mudane  Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay oo kuguda jira socdaalkii lamagacbaxay Shidaal Iyo Saliid ayaa wali kusugan magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar iyagoo madaxwaynah iyo waftigiisu ay maanta kulamo laqaateen qaybaha kaladuwan ee shacabka kudhaqan magaaladaasi dhagaxbuur.

Hadaba, madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa xalay iyo caawaba u hoyday magaalada dhagaxbuur iyadoo sidii caadada u ahaydba uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu kulamo kaladwan bulshada laqaadanayo.

 

 

Tababar Loo Qabatay Mas'uuliyiinta Iyo Khabiirada 6da MM Ee Deegaanka

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 4ta July 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka bilawday tababar uu soo agaasimay Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI islamarkaana loo qabtay qaar kamid ah madax xafiiseedyada iyo khabiirada 6da maamul-magaalo ee deegaanka. Iydoo, Tababarkana ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa kobcinta awooda fulineed ee hogaaminta iyo khabiirada MM  islamarakaana casharada lagu baranayo ay kamid yihiin staratjiyadaha horumarinta –magaalooyinka, fahan uyeelashada shuruucda iyo mashruucyada cusub ee horumarinta MM.

Hadaba, Agaasinka Qorshaynta Ahna Kusimaha Madaxa Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha DDSI Mudane Colaad Cabdi Muxumed  ayaa sheegay in tababarkani yahay mid lagu kobcinayo garaadka aqoomeed ee masuuliyiinta iyo khabiirada Maamul magaalooyinka. Wuxuna intaas kudaray intababarkani yahay mid larabo in kaqaybgalayaashu ay fahan buuxa kaga qaatan nidaamyada, Startijiyadaha iyo sharuucda kuwajahan horumarinta  maaglooyinka. Agaasinka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in sidookale tababarkani yahay mid lagu kala qaadanayo jihooyin horumarineed maadaama oo uu dhamaaday sanad miisaaniyadeedkii 2010 T.I islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in  loo diyaargarwbo diyaarinta iyo fulinta qorshaha 2011 T.i ee kuaadan horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha.

Iskusoowada duuboo, tababarkan oo socon doono mudo 3 cisho ah ayaa waxaa laga filayaa inay faa’iido badan kadhaxlaan kaqaybgalayaashu, kaas oo  gashi unoqon doona horumarinta magaalooyinka deegaankeena.

 

MW CMC iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Kusugan Magaalada Qabribayax

0
0

Qabribayax(cakaaranews)Arrbaco, 4ta July, 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamud cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee kugudajiray socdaalkii la magac baxay shidaal iyo saliid ayaa maanta galinkii hore kasoo anba baxay magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar. Iyagoo waftigu soo maray degmada ararso iyo waliba tuulooyinka iyo senterada udhaxeeya dhagaxbuur iyo qabribayax ee ku teedsan wadada laamida ah islamarkaana ay bulshadu si balaadhan ugu soodhawaynayeen intii ay socdaalkooda kusoo jireen.

Hadaba, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa intii ay soo socdeen inta udhaxaysa dhagaxbuur iyo qabribayax bulshada laqaadanayay kulamo kalduwan ugana warbixinayay socdaalkoodii shidaal iyo saliid ee ay xadhiga kaga soojareen ceelshada shidaalka ah ee deegaanka. Dhanka kale, madaxwaynaha ayaa intii ay soo socdeen kormeer indho indhayn ah kusoo maray mashruuca biyo galinta ee senterada Gila iyo Guyo kaasoo ah mashruuc biyo galin ah oo  loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan dadka iyo duunyaduba islamarkaana Maraya masafo dhan 50km.

Sidookale, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa markii ay soogaadheen MM.Qabribayax uga sii gudbay dhanka senterka Harta-sheekha ee katirsan degmada qabribayax iyagoo halkaasna ay si wayn bulshadu ugu soo dhawaysay. Wuxuuna madaxwaynuhu kulan laqaatay bulshada kudhaqan harta-sheekha. Kulamadaas kadib ayaa madaxwaynaha iyo waftigiisu dib ugu soo laabteen dhanka magaalada qabribayax.

Iskusoowada duuboo, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar iyo waftigii uu hoogaaminayay ayaa wakhti xaadirkan kusugan magaalada qabribayax. Halkaas oo bulshada qaybaheda kaladuwan ee kudhaqan magaalada qabribayax ay si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen madaxwaynaha iyo waftigiisa.

 

 

Gud.Gobolka Doolo Oo Kulan Qaabilaad Ah Layeeshay Xirfadlayaashii Caafimaadka Ee Sida Bakhtiyaanasiibka Ah Loogu Soo Shaqaaleeyay Gobolka.

0
0

wardheer(cakaaranews)Arbaco, 4ta July 2018. Dhawaan ayay ahayd markii xirfadlayaasha caafimaadka ee kaqalinjabiyay kuliyada caafmaadka ee jigjiga oo tiradoodu dhantahay 445 arday  ay xukuumadu uqabatay shaqaalaysiinta bakhtiyaanasiibka ah islamarkaana ay xirfadlayaahsu sida nasiibka ah ay gacantooda ugu qaateen. Waxaana gobolka doolo ee degmada wardheer soo gaadhay 42 xirfadle caafimaad oo kamid ahaa ardaydaas islamarkaana uu gudoomiyaha gobolka doolo layeeshay kulan qaabilaad ah.

Hadaba, kulankan qaabilaad ah oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Doolo Mudane Maxamed Kaahin Xoosh ayaa sheegay in kulankani yahay mid qaabilaad ah oo ay kuqaabilaayaan xirfadlayaashii caafimaadaka ee sida bakhtiyaanasiibka ah loogu soo meelayay xarumaha iyo husbitaalada caafimaadka ee degmooyinka kaladuwan ee gobolka doolo. Wuxuuna gudoomiyuhu xusay in sidookale kulankan ay joogaan madax xafiiseedadii caafimaadka iyo gudoomiyayaashii degmooyinka gobolka doolo.

Sidookale, gudoomiyaha ayaa u mahad celiyay xirfadlyaasha caafimaadka ee soo gaadhay gobolka wuxuuna sheegay in xirfadle kasta lagaynayo xaruntii ama goobtii lagu qoray islamarkaana uu u rajaynayo shaqo wanaag.

 

Ugudanbayna, dhankooda xirfadlayaashii caafimaadka ee gobolka doolo oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin inay soo gaadhaan gobolkii uu nasiibkoodu kuqoray islamarkaana ay ka go’antahay inay bulshadooda si daacad ah ugu adeegaan.

የኢ.ሶ.ክ ፕሬዝዳንት ከኢለሌ የነዳጅ ምርቃት በኋላ ከተለያዩ የህብረተሠብ ክፍሎች ጋር እየተወያዩ መሆኑ ተገለፀ

0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ረቡዕ፤ሰኔ 27/2010 ዓ.ም በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ነዳጅ እና የተፈጥሮ ጋዝ  በሸቤሌ፣ ቀራሄይ፣ ጀረር እና ዶሎ ዞኖች ሥር በሚገኙ 12 አከባቢዎች እንደሚገኝ የተረጋገጠ ሲሆን አሁን በፖሊ ጂሲ ኤል ኩባንያ የነዳጅና የተፈጥሮ ጋዝ ቁፋሮ የሚደረግባቸው ቦታዎች ግን በሁለት የክልሉ ዞኖች ውስጥ እንደሆነ የሚታወቅ ከመሆኑ ባሻገር የድፍድፍ ነዳጅ የወጣባቸው የቆራሄይ እና ሸበሌ ዞኖች ሲሆኑ በዚህ ሳምንት ድፍድፍ ነዳጅ የተገኘበት አካባቢ የኢሊሌ ድፍድፍ ነዳጅ ከሸበሌ ዞን ዋና ከተማ ጎዴይ በቅርብ ርቀት ላይ የሚገኝ ሲሆን በቆራሄይ ዞንም የተፈጥሮ ጋዝ የተገኙባቸው በርካታ አካባቢዎች እንዳሉ ሆኖ በዶበወይን ወረዳ ስር የሚገኘው ጄህዲን/ካሉብ ድፍድፍ ነዳጅ በኢፌዴሪ የማዕድን፣ ተፈጥሮ ጋዝና ፔትሮልየም ሚኒስትርና በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ርዕሰ መስተዳደር ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ መመረቁ ይታወሳል።

ከነዳጅ ቁፋሮው እና መገኘት በተጨማሪ መነሳት ያለበት ትልቁ ጉዳይ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ እያደረጉ ያሉት በክልሉ የተለያዩ ዞኖች እና ወረዳዎች በመዘዋወር የነዳጁን መገኘት አስመልክቶ ከየአካባቢው ማህበረሠብ ጋር ቆይታ ማድረግ እንደሆነም ተገልጿል። የነገው የክልሉ እና የሃገራችን ብሩህ ተስፋሳ ከመሆኑ ባሻገር የተገኙ የልማት ውጤቶችን በሁሉም ዘርፍ ማሳደግ እና ተጠናክሮ መቀጠል እንዳለበትም  ክቡር ፕሬዝዳንቱ ለህዝባቸው ያስገነዘቡበት ቆይታም እንደነበራቸው የክልሉ ኮሙኒኬሽን ጉዳዮች ቢሮ ገልጿል።

በተለይ ደግሞ በዚህ የምርቃት ሥነ ስርዓት ላይ በተለያዩ ምክንያቶች ያልተገኘውን የማህበረሠብ ክፍል በተለያዩ ወረዳዎች እና ከተሞች በመገኘት የተዘጋጀውን የድፍድፍ ነዳጅ ናሙና በማሳየት ህዝቡን ሲያበስሩት እንደነበረም የኮሙኒኬሽን ጉዳዮች ቢሮ አክሏል። ከዚህም ጋር ተያይዞ ክቡር ፕሬዝዳንቱ ከዚህ ቀደምም እንደሚያደርጉት ሁሉ የአካባቢውን ህብረተሠብ የተገኘውን የተፈጥሮ ሃብት አስመልክተው በዝርዝር እና በግልፅ ሲያወያዩ እንደነበረም መንግስት አስታውቋል። 

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር ከኢሊሌ የነዳጅ ጉድጓዶች መመረቅ ጋር በተያያዘ በክልሉ ውስጥ በሚገኙ ዞኖች እና ወረዳዎች በመዘዋወር የአካባቢውን ማህበረሠብ እያወያዩ እንደሆነ ከዚህ ቀደም መዘገባችን ይታወሳል። በተያያዘም  ፕሬዝዳንቱ በኢለሌ፣ በዶበወይን ፣በቀብሪደሀር ፣በሼኮሽ ፣በደጋህቡር እና በአራርሶ ወረዳዎች የነበራቸውን ቆይታ አጠናቀው ከቀብሪበያህ ከተማ አስተዳድር እና ከወረዳው ነዋሪዎች ጋር ለውይይት መገናኘታቸውም ታውቀዋል።  

በቅርቡ የተመረቀውን የኢሊሌ ነዳጅ በማስመልከት የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ርዕሰ መስተዳድር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር በክልሉ ወረዳዎች  ቆይታቸው  ከሁሉም የአካባቢው ሃገር ሽማግሌዎች፣ የሃይማኖት አባቶች ፣ወጣቶች ፣ሴቶች ፣የክልሉ ጸጥታ አካላት እና የሚመለከታቸውን በአጠቃላይ ሲያወያዩ መቆየታቸው ተገልጿል።

በተጨማሪምፕሬዝዳንቱ  በሁሉም የክልሉ ከተሞች ሲደርሱ በአካባቢው ነዋሪዎች በሚደረግላቸው ደማቅ አቀባበል እጅግ ደሰታኛ መሆናቸውን ገልጸው የጉዟቸው ዋና አላማ በቅርቡ የተመረቀው የኢለሌ ነዳጅ ከመሆኑ ባለፈ ከቅርብ ዓመታት ወዲህ በሁሉም የክልሉ አከባቢዎች የተገኘውን ሰላም እና ልማት ማጠናከር መሆኑን ጠቅሰው በቀጣይም የአካባቢውን ወጣቶች፣ የሃገር ሽማግሌዎች፣ የሃይማኖት አባቶችን ጨምሮ ሌሎች የአካባቢው የማህበረሠብ ክፍሎችን የሚያወያዩ ሲሆን የድህነት ቀንበር የሚሰበርበት እና ድህነትን ታሪክ የምናደርግበት ጊዜ እሩቅ እንዳልሆነም ፕረዝዳንት አብዲ መሀሙድ ለአከባቢው ነዋሪዎች ገልፀዋል። በተያያዜም መጪው ጊዜ እንደ ክልልም ሆነ እንደ ሃገር ብሩህ እንደሚሆንም ፕረዝዳንቱ አስታውቀዋል። በቀጣይም የክልሉ መንግሥት የሚያከናውናቸውን ዘርፈ ብዙ የልማት ሥራዎች በትኩረት አጠናክሮ እንደሚቀጥልም  ክቡር ፕሬዝዳንቱ አብራርተዋል።

በመጨረሻም የክቡር ፕሬዝዳንቱ ጉዞ ከነዳጅ መገኘት በዘለል ሁሉም የክልሉ ነዋሪዎች ከሠላም ጋር በተያያዘ የተለየ ፀጉረ ልውጥ በአካባቢው እንቅስቃሴ ሲያደርግ ከተገኘ ህብረተሠቡ በአስቸኳይ ለሚመለከተው የመንግሥት አካል የማሳወቅ ሃላፊነት እና የአካባቢውንም ሠላም የማስከበር ግዴታ እንዳለባቸውም አስገንዝበዋል። 

MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 5ta July 2018. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee kuguda jiray socdaalkii Shidaal iyo Saliid ayaa kadib markii uu u soo dhamaaday socdaalkoodii xadhig kajarka  ceelasha shidaalka iyo saliida ee degmada elele iyo jeexdin iyo waliba kulamadii kaladuwanaa ee ay laqaadanayeen  bulshada qaybaheeda kaladuwan ayaa dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba, Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay oo xalay u dheelmaday degmada qabribayax islamarkaana kulamo kaladuwan laqaatay bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmadaasi ayaa si guul ah uu ugu soo dhamaaday socdaalkii shidaal iyo saliid islamarkaana wakhti xaadirkan kusugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.


MM Qabridahar iyo Shaqo Abuurka Dadka Shaqo la,aanta Ah

0
0

Qabridahar(cakaaranews)Khamiis, 5ta July 2018. Wakaalada horumarinta waxsoosaarka warshadaha  dhexe/yaryar, shaqo abuurka iyo damaanaad qaadka cuntada MM Qabridahar oo kaashanaysa MM Qabridahar  ayaa tababar u bilaabay qaar kamaid ah bulshhada danyarta ah ee kudhaqan 11ka xaafadood ee magaalada qabridahar kuwaas oo lagu tababarayay xirfada qorida iyo goglida dhagaxa qoran ee wadooyinka ladhigo.

Hadaba, Kusimaha Maareeyaha Wakaalada Wakaalada Horumarinta Waxsoosaarka Warshadaha  Dhexe/Yaryar, Shaqo Abuurka Iyo Damaanaad Qaadka Cuntada MM Qabridahar Mudane Cabdi Fataax Soofe oo warbaahinta deegaanka lahadlay ayaa sheegay in ay tababar uqabteen bulshada danyarta ah ee kudhaqan 11ka xaafood ee mm qabridahar. kuwaas oo lagu tababarayay xirfada goglida iyo qorida dhagaxa ee looyaqaano (couple stone) wuxuuna intaas kudaray in dadkani ay isugu jiraan haween iyo dhalinyaro danyar ah islamarkaana ay tiradoodu dhantahay 70 xubnood.  Wuxuuna tilmaamay in dadkan labarayo xirfad ay kushaqaystaan oo ay kaga baxaan shaqo la’aanta islamarkaana faaiido baladhan u yeelan doonta. wuxuuna carabka kudhuftay in tababarkani uu kamid yahay dadaalada bulshada lagaga saarayo shaqo la’aanta laguna tirtirayo shaxaadka iyo ma shaqaystanimada.

Sidookale, Hogaanka Nabagalyada MM Qabridahar Mudane Fatxi Maxmuud oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in tababarkani uu waxwayn katarayo ladagaalanka iyo tirtirida shaqo la’aanta islamarkaana dadkan hada labarayo xirfadan aysan noqondoonin shaqo la’aan waayo waxaa labaray xirfad ay kushaqaystaan. Wuxuun tilmaamay in magaalda qabridahar ay tahay magaalo si xawli ah ukobocday islamarkaana ay kasocdaan mashaariico badan oo kala duwan. Oo ay ugu horayso mashaariicaha jaamacada qabaridahar.

Ugudanbayn, bulshadii tababarkan shaqo abuurka ah qaadanaysay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay baranayaan xirfad shaqo oo muhiim ah taas oo ay kaga raysan doonaan shaqo la’aantii.  

 

 

Ethiopian Somalis’ Response To Human Right Report

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Thursday 5ta July 2018. Despite the federal government collaborating with the regional government is planning to lift ONLF from the list of terrorist in nutshell, ONLF was a terrorist group. The terrorists’ strategy is clear beyond any doubt. It is to create a climate of public fear by attacking civilians and soft targets. A vivid example is more than ten thousand children who lost their beloved parents atrocities carried out by ONLF. to address the problem of  Orphans whose parents were killed by ONLF members, the government has built boarding school in jijiga and fik district.

On 04, July, 2018, Human Right watch released a baseless report on allegations of punishment and torture against prisoners in jails and lack of medical care provided to prisoners of ONLF who are in jails of Ethiopian Somali region, especially what they called jail ogaden but best known in Somali region center of rehabilitation. The report was not compiled a solid proof like documents or pictures.

It is to be recalled that in the past the regional administration of Ethiopian Somali seldom officially issued any written response to baseless allegations against Ethiopian Somali region. Certainly this is not because there was no unfounded Human Rights Watch reports, produced mostly based on hearsay supplied by opposition groups who are with disagreements with region, without any consultation with the Ethiopian Somali Government. So far, the government’s preferred response has largely been to ignore such write-ups as groundless fabrications. However, with time the scale of denigration is reaching a stage where the less informed in the international community could be misled about the truth and objective situation in present-day Ethiopian Somali region. From the outset one thing must be clear.  The Ethiopian Somali Government chose to defend itself against a smear campaign cloaked under human rights concern not because it believes that region’s emerging democratic order is perfect. As is well known, democracy is a human product.

Thus the Ethiopian Somali government fully realizes that the democratic order being built in Somali region is not free from mistakes and errors. That is why it adheres to a principle that is based on readiness to rectify shortcomings. Similarly, the government firmly believes that any effort to address shortcomings requires close cooperation and genuine partnership with those with similar concerns. That is also why it has high regard to all evidence-based and valid criticisms and ready to accept them with open arms.

On the other hand, the government recognizes that all human right-promoting campaigns that are grounded in hard evidence help enhance public awareness regarding this fundamental right and also serve to advance the struggle to promote good governance. Hence,  the Ethiopian Somali regional government defends itself against false accusations here not because  it is under any illusion that its endeavors to promote human rights, democracy and good governance has no shortcomings, but to stop the vilification campaign launched against it. 

‘Regarding the individual’s right to get healthcare and tortures against prisoners.

This section of human right watch Report contains allegations, tortures and other human sufferings due to degrading inhuman treatments and punishments committed by liyou police. The section also cites alleged denials of justice and the right. On the basis of the findings obtained from investigations, we will in this response address the most glaring examples of the baseless allegations and inaccuracies, intentional or otherwise, that pervades the entire content of the section under consideration.  

First the central jail of Somali region is a center of rehabilitation and building capacities of prisoners. In line with this, central jail of Somali region is an independent institution run by a special trained police best known in Somali language (ciidanka asluubta) enacted by official proclamation. The central jail has it is own structure- from commissioner up to lowest level. Public body of central jail is appointed by the regional president.  Accusation on liyou police, blaming on committing punishment and torture against prisoners in central jail, is baseless and fabricated false. In short Duties and responsibilities of liyou police are not running or administering jails and prisoners affairs. 

The second allegations are related to the life of prisoners in central jail. to answer we can confirm to everyone, In each of the rooms of the inmates there is a big screen attached to the wall which will allow access for the inmates to be update about what is taking around them and in the rest of the world also rooms is equipped with modern beds and all other basic requirements. Centers intend for training prisons, health facilities, and entertainment areas are available in central jail of Somali region. Indeed prisoners in central jail feel that there is a great improvement in their life. They (prisons) get education, healthcare and all other essential things just like an ordinary person, when it comes to local and international news they are much updates. They don’t really feel bores, sadness and loneliness because they have all necessary needs which a normal ordinary person outside the jail compound has. Ethiopian Somali region allocates millions of birr for preserving the prisoners.  How the government has preserved the lives of the prisons is a commendable effort seen by everyone. Prisoners are busy learning Quran, education, and technical skills. In line with this JIJIGA UNIVERSITY has a functional branch in central jail.  If you visit you could never fail prisoners who are enjoying the entertainment facilities made by the government. Some of the prisoners, who were illiterate or junior student before they come to jail, have gained technical skills, others have graduated first degree. One may not ignore or denied the benevolence of the regional government.  No one, who has completed his/her, allocated time. At the festival days, the government always pardons hundreds of prisoners; mostly 75 percent are members of ONLF.  At this moment prisoners remained in central jail are not more than twenty detainees who have committed rape and murders. In central jail or somewhere else there is no a single ONLF prisoners. All ONLF prisoners were pardoned.

 

 

WARBIXINTA BEENTA AH EE HUMAN RIGHTS WATCH

0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce, 6dii Jully 2018. Xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya oo kaduulaysa warbixinta Human Rights Watch ay kaqortay xarunta dhexe ee dhaqantoosinta asluubta DDSI ee magaalada jigjiga ayaa beenisay warbixintaas kuna tilmaantay inay tahay mid been abuur ah oo aan waxba kajirin islamarkaana lasoo maluuqay oo waliba hal dhinac ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn, kuna salaysan waxaysan goobjoog u ahayn iyo waxaa layidhi aragti madaw oo shaqsi sadexaad oo aan isaguna goobjoog ahayn islamarkaana muuqaalada videoyada ay hay'adu u isticmaashay cadaymo ahaanta ay yihiin kuwo aan marnaba daliil unoqon karin hada kahora ay in kabadan 3 jeer soo qaateen oo ay kusoo celceliyaan mar walba oo ay deegaanka waxkaqoraan cadayn la'aan darteed meesha videoyada qaarkoodna ay yihiin kuwo si kutalagal ah oo public ah inta mediaha loo yeedhay loo duubay xili laqiimaynayay ciidanka deegaanka oo aan cidna laga qarinaynin xukuumaduna ay kawarhaysay si loo xaqiijiyo nidaamka cadaalada iyo islaxisaabtanka ee daryeelayaasha maxaabiista wakhti haatan laga joogo ugu yaraan 6sano iyadoo xiligaasi sharciga lahorgeeyay dhamaan xubnihii kukacay faldanbiyeedyo kadhan ah maxaabiista talaabo sharciga waafaqsana laga qaaday.

Hadaba, mudane Idriis Ismaaciil Cabdi afhayeenka ama wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada ee DDSI oo uwaramay shabakada wararka ee Cakaaranews.Com ayaa sheegay inay Human Rights Watch kufashilantay warbixinta beenta ah ee ay 5tii Jully, 2018 kaqortay deegaanka islamarkaana uu wakhtigan xaadirka ah magaca iyo shaqada hay'adu u ekaaday mid wax lagu shubto kadibna qorta waxaan balance ahayn oo aan sal iyo raadtoona lahayn.Taasoo kuxadgudubtay sumcadii iyo karaamadii HRW si cadna ubaalmartay hadafkii iyo ujeedooyinkii loo aas aasay. wasiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa xusay inay hay'adu waraysato oo kali ah shaqsiyaad nabadiidnimo loo xidhay xiliyo hore kadibna lacafiyay iyagoo xasuuq-wadareedyo iyo gumaadyo ba'an ugaystay shacabwaynaha deegaanka. wuxuuna wasiirku intaa kudaray inay Human Rights Watch kucaanbaxday warbixin mala awaal ah sababta oo ah muuqaalada ay hay'adu soo qaadatay ma ahayn shaqsiyaad lawaraystay balse waxay ahaayeen shirwayne lagu qiimaynayay booliska deegaanka oo ay xukuumadu ugu talagashay in laduubo lana baahiyo si loo tuso caalamka xaqiijinta nidaamka cadaalada iyo saraynta sharciga ee deegaanka.

Sidoo kale, mudane Idriis ayaa hoosta kaxariiqay in gabi ahaanba aysan jirin wakhti xaadirkan cid ONLF ah oo xabsiyada deegaanka kuxidhan marka laga reebo shaqsiyaad tiro yar oo cafis sugeyaal ah. wuxuuna intaa raaciyay in xarunta dhexe ee dhaqantoosinta DDSI ay tahay goob asluubeed oo kuqalabaysan dhamaan adeegyada uu helo shaqsiga xorta ah sida daryeelka dawada, cuntada, waxbarashada caadiga ah ee duniwiga fasalka 1aad ilaa jaamacad, tababarka xirfadaha kaladuwan sida xirfada farsamada gacanta ee furnitureka, harqaanka, tababarada xirfada isticmaalka computerada, waxbarashada diiniga ah sida barashada quraanka kariimka ah, axaadiista iwm iyadoo ay udheer tahay booqashadii iyo waliba xuquuqihii kale ee dastuuriga ahaa.

 Mar uu wasiirku dib umilicsaday falalkii waxshinimada lahaa ee aan marnaba la iloobi karin iyo gumaadyadii ba'naa ee murugada lahaa ee ay ONLF ugaysatay shacabka deegaanka kunool intii udhaxaysay sanadihii 1997TI ilaa 1999TI ayaa wuxuu hay'ada usheegay inay tahay inay waxkaqoraan ONLF iyo tacadiyadii ay makasta iyo maxasta deegaanka ugaysatay ee aysan ahayn inay qayb kanoqdaan horumardiidka kaxun koritaanka nabadgelyada iyo horumarka kahanaqaaday wakhti xaadirkan guud ahaanba deegaanka isagoo gaar ahaan tusaale usoo qaatay inay tahay in hay'adu waxkaqorto gumaadyadii kadhanka ahaa bini'aadamnimada ee ay ONLF shacabka deegaanka si badheedh ah ugula kacday sida xasuuqii qabalaha Cobole 1999TI oo degmada Dh/buur katirsanaa oo inta ay habeen badh galeen qabalahaas ay shacabkii guryaha jiifay qori lahor istaageen si aynan cidina uga bixina kugubay in kabadan boqol qof, boqolaal kalana ay kudhaawacantay. Qabalaha Ceel-xaar ee Degmada Q/dahar oo ay habeen saq-dhexe kudileen 39 ruux oo aan waxba galabsanin, 43na ay kudhaawaceen. Samadoonadii ay kulaayeen qabalaha Dhuure ee isla D/Q/dahar wiilashii ardayda ahaa ee ay dhagaha midida kaga gureen iyagoo nool ee degmada Shaygoosh, shacabkii amin galab ah iyagoon waxba ogayn oo BBC dhagaysanaya ay baaska kufureen ee Degmada Shilaabo. Dhacdadii dilka iyo dhaca xoolaha shacabka ahayd ee ay kagaysteen qabalaha Caleen ee Shilaabo. Qixii ay kusameeyeen shacabka Degmada Awaare oo in kabadan 1,000 qoys inta ay u adkaysan waayeen dilka foosha xun ee habeen walba ah iyo waliba kufsiga gabdhahooda laguhayay deegaanka uga qaxay dhanka dalalka aan dariska nahay, isla xiliyadaas bilawgii 1998TI gumaadkii ba'naa ee ay kusameeyeen shacabka degmada Dhoobawayn ee gobolka Qorraxay oo salaad subax intay kuwaabariisteen 380 ruux oo makas isugu jirta hooyooyin da' ah iyo maati ay kudileen. Dadkii iyagoo nool inta ay isku xidheen ay kugubeen degmooyinka Q/dahar iyo Wardheer. Gabdhihii xaabada doontay ee ay kugawraceen D/Daratole iyo Danood. Xasuuqii 20kii Ginbood ee 1999TI kadhacay Garoonka kubadda cagta ee xarunta DDSI oo hadhkoo cad ay bambo gacmeedyo dhawr ah labeegsadeen kumanaan shacab ah oo rag iyo dumar, ciroole iyo caanonuugba isugu jiray ayna kudhinteen ugu yaraan 490 qof ilaa 331 kalana ay kudhaawacmeen. Qaraxyadii habeen iyo maalinba ay labeegsanayeen magaalooyinka waawayn ee sida Jigjiga, Dhagaxbuur, Q/dahar, Wardheer, Fiiq iyo Goday. Weerarkii duhurkii ay kuqaadeen Marsin. Weerarkii guracnaa ee ay ku baabi'iyeen shacabkii Goljano. Hoogii iyo halaagii ay ugaysteen dadka dagan qabalaha Gurdumi, Farmadaw, bulaale, Gudhis, daldalkii shacabkii Dh/madaw. 47dii qof ee ay kudileen qabalaha Buuladari ee degmada Q/bayax hal maalin ah. waana tii kamaaransiin wayday Shariifkii 100ka sano jiray ee kaadida laga qaadi jiray ee degmada Xamaro ay ku gawraceen. dilalkii iyo gumaadyadii ugu xumaa ee ay kasameeyeen degmooyinka sida Gunagado, Garbo,Sagag, Fiiq, Qubbi, Dhuxun, lagahida, Salaxaad iyo Mayu 1997TI.

 

Iskusoo wada duuboo, xukuumada deegaanka ayaa canbaaraysay warbixinta beenta ah ee ay Human Rights Watch kadiyaarisay deegaanka 5tii bishan Jully 2018 GC kuna tilmaantay mid waxba kama jiraan ah hal dhinac iyo shaqsiyaad dagaal kula jiray xukuumada oo kali ahna laga diyaariyay oo ay kadanbeeyaan shaqsiyaad hay'ada kamid ah oo dano gaar ah wata islamarkaana laaluush qaateyaal ah taas oo ay kubeegsanayaan sumcad bi'inta deegaanka iyo hogaamintiisaba balse aan marnaba iyo si'naba ugu suurtagalaynin hada kahora usuurtagali wayday. waxayna xukuumadu fariin udirtay Human Rights Watch iyo cid kasta oo ay khusaysaba in xarunta dhexe ee dhaqantoosinta deegaanku ay tahay mid ufuran laguna soo dhawaynayo xili kasta. 

Kalfadhigii Golaha Wakiilada Shacabka JDFI Oo Si Rasmi Ah U Furmay

0
0

Adhisababa(cakaaranews)Jumce, 6da july 2018. Waxaa maanta xarunta dalka ee magaalada adhisababa si rasmi ah uga furmay kalfadhigii 5aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha wakiilada shacabka JDFI islamarkaana uu goobjoog ka ahaa Raisal Wasaaraha JDFI Dr Abiyi Ahmed. Iyadoo kalfadhigana ay golaha wakiiladu cod-buuxa ku anisixiyeen miisaaniyada sanadka 2011T.I oo cadadkeedu dhan yahay‘’346,915,451,948’’(sadex boqol afartan iyo lix bilyan,sagaal boqol oaban iyo shan milyan, afar boqol konton iyo kow kun, sagaal boqol afartan iyo sideed birr).

Hadaba, Raisal-wasaaraha Dalka Dr abiyi axmed ayaa sheegay in miisaaniyadu kusalaysan tahay nidaamka jajabinta ee uu Golaha federeeshinka JDFI sameeyay islamarkaana uu waafaqsan yahay nidaamka dastuurka dalka iyadoo miisaaniyadan 64% oo kamid ah Loo qorsheeyay kor uqaadida adeegyada aas aasiga ah ee sida waxbarashada, caafimaadka,  biyaha nadiifta ah iyo jidadka dhaadheer iyo buundooyinka.

Sidoo kale, RW dalka Dr Abiyi Ahmed oo kahadlay deegaanada soo koraya oo  hada kahor loo yaqiinay inay yihiin 4ta dawlad deegaan ee kala ahaa: deegaanka soomaalida, canfarta, gambeelaha iyo benishangulka ayaa wuxuu raisalwasaaruhu hada kareebay deegaanka soomaalida oo uu kudaray deegaanada horumaray isagoo Raisal-wasaaruhu cadeeyay in deegaanka soomaalida itoobiya uu yahay mid khayraadkii dabiiciga ahaa ee kuduugnaa ee shidaalka iyo saliida  lasoo saaray oo guud ahaanba dalkeena kasaaraya saboolnimadii iyo waliba in deegaanku leeyahay dhul aad u balaadhan oo dihin oo waxsoosaarka kaladuwan ee beeraha kuhaboon islamarkaana  itoobiya oo dhan kufilaan kara.

Wuxuuna Raisal-wasaaruhu dhaliilay islamarkaana uu xaqiijiyay inay horumar la’aani kajirto deegaanada canfarta, gambeelaha iyo benishangulka isagoo gaar ahaan deegaanka gambeelaha iyo benishangulka kutilmaamay inay xataa  mushaarkii shaqaalaha ay bixin kariwaayeen

RW Dr Abiyi ayaa iyadana sheegay in miisaaniyada 66% oo kamid ah loo qabtay dawlad deegaanada dalka, wuxuuna masuuliyiinta xukuumada deegaanada dalka si adag ugu ladardaarmay inay dabagal iyo xakamayn adag kusameeyaan habsami u isticmaalka miisaaniyada. Islamarkaana ay deegaanaadu dhiiri geliyaan maal qabeenada dalka iyo maal gashadayaasha dalka iyo dibadaba.


ugudanbayntii, Raisal-wasaaraha ayaa bulshada wadanka ugu baaqay inay garab istaagaan shaqooyinka cusub,shaqo abuurka dhalinyarta,ladagaalanka musuqa iyo waliba in dhalinyarta lagu dhiirageliyo hawlaha tabarucaadka xagaaga si wadanka horay aan ugu wadno.

Mas’uuliyiinta Iyo Khabiirada Sare Ee 6’da Maamul Magaalo Oo Loo Soo Xidhay Tababar

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 6da, July 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagu soo gabagabeeyay tababar maalmahanba loo hayay mas'uuliyiinta iyo khabiirada 6da maamul-magaalo ee deegaanka islamarkaana uu soo agaasimaay xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI. Iyadoo tababarkana ujeedadiisu ahayd kor uqadisa awooda fulineed ee masuuliyiinta iyo khabiirada MM, kuna baranayeen casharo laxidhiidha istaraatijiyadaha iyo siyaasadaha horumarinta magaalooyinka iyo waliba shuruucda mashruucyada cusub ee MM.

Hadaba, tababarkan ayaa waxa xidhitaankiisii kahadlay wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha mudane Jamaal faarax warmooge oo sheegay in tababarkani  uu ahaa mid ay kaqaybgalayaashu kubarteen cashiro badan oo muhiim ah oo kuqotam horumarinta magaalooyinka oo ay kamid yihiin startiijiyadaha iyo siyaasada horumarinta magaalooyinka.  Mahaariicaha cusub Wuxuuna xusay in tababarkan ay masuuliyiintu kubarteen dalku dhamaan nidaamyada iyo jihooyinka uu dalku qaatay ee lagu horumarinayo magaalooyinka.

Sidookale, Wuxuu wasiirku kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in sifiican looga hirgaliyo magaalooyinka dhamaan siyaasadaha iyo staraatijiyadaha ee ay kamidka yihiin xidhmooyinka maaraynta dhulka, nadaafada iyo bilicda magaalooyinka iyo cagaarinta slamaraakaan ay kamidho dhaliyaan dhamaan qorshayaasha sanadkan 2011 ee uyaala magaalooyinka si loola tartamo magaalooyinka deegaanada dalka.

Ugudanbayna, masuuliyintii tababarkan qadanaysay oo dhankooda kahadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin tababarkan ay qaateen islamarkaana ay kafaaiideen casharo badan oo laxidhiidha horumarinta magaalooyina. Waxayna xuseen in cahsaradan ay barteen ay ficl kumuujinayaan islamarkana ay kamidho dhalinayaan qorshayaasha u yaala.

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live




Latest Images