Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Waraysi Siiyay Warbaahinta Cakaaranews

0
0

Adhisababa(Cakaaranews) Axad, 8da Jully 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kusugan xarunta dalka ee magaalada adhisababa una jooga shirar iyo shaqooyin muhiim ah oo aan galabta waraysi layeelanay islamarkaana aan wax kawaydiinay qorshaha sanadka cusub ee 2011 EC uyaala xukuumada deegaanka iyo meelaha xooga lasaarayo ayaa nooga warbixiyay. Wuxuuna ugu horayn madaxwaynuhu noo sheegay in uu sanadkani gabi ahaanba kaga duwan yahay sanadihii hore horumarka dhanka khayraadka dabiiciga ah ee uu deegaanku hodanka ku ahaa ee sida wanaagsan ee bilaa naxliga ah loo soo saaray taas oo uu madaxwaynuhu ilaahay uga mahadceliyay uguna hambalyeeyay shacabwaynaha deegaanka.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa xusay in dhamaanba guulo laxaad leh uu deegaanku kasoo hoyiyay qorshayaashii ay XDSHSI iyo xukuumada deegaankuba dhigteen sanadkii 2010 TI.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shabakada Cakaara uga warbixiyay in sanadkan cusub ee 2011 EC ay xukuumadu xooga saarayso siina xoojinayso qorshayaasha horumarineed ee kor uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan dhanka biyaha 1 ilaa 3 iyo tayayntooda, waxsoosaarka tabaca beeraha, horumarinta jidadka iyo buundooyinka, shaqo abuurka dhalinyarada, kor uqaadida tayaynta waxbarashada, caafimaadka, hirgalinta warshadaha yaryar iyo kuwa dhexe, horumarinta guriyaynta, kaqaybgalinta dumarka arimaha siyaasada, sii adkaynta xidhiidhka qurbajoogta iyo waliba qaar kaloo badan oo aan qoraalkan lagu soo koobi Karin.

Iskusoo wada duuboo, madaxwaynaha ayaa shacabwaynaha deegaanka uga mahadceliyay doorka muhiimka ah ee ay kuleeyihiin guud ahaanba horumarka iyo nabadgelyada deegaanka. Wuxuuna kubooriyay in looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan si gabi ahaanba looga baxo saboolnimada oo ah cadawgeena 1aad.

 


RW Dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed Iyo Wafti Uu Hogaaminyo Oo Kadagay Casmara

0
0

Adhisababa(cakaaranews)Axad, 8da July 2018. Raisal-wasaaraha JDFI Dr Abiyi Ahmed iyo wafti uu hogaminayo ayaa booqashadii ugu horaysay kutagay wadanka ereteria taasoo ah mid jabinaysa kala qoqobnaantii 20ka sano ee udhaxaysay labada wadan ee Ethipia iyo Eretria. Socdaalkan RW Dalka  iyo waftigiisa ayaa kuqotama go’aankii ay dhawaan soosaareen gudiga fulinta ee Xisbiga talada wadanka haya ee EPRDF islamarkaana ku aqbaleen heshiiskii labada wadan ee ALJERIS.

Hadaba, booqashadan taariikhiga ah ayaa ah mid shacabwaynaha Eretria iyo xukuumadiisuba aad usoodhawaysay waxayna soo afjaraysa khilaafkii labada wadan u dhaxeeyay mudada 20ka sano ah.

Iskusoowada duuboo RW dalka Dr Abiyi Ahmed iyo waftigiisa ayaa kusugan xarunta dalka Ereteria ee magaalada Casmara iyadoo halkaasna ay shacabka magaalada casmara iyo xukuumada areteria si diiran ugu soo dhaweeyeen.

 

RW Dr Abiyi Ahmed Iyo Madaxwayne isaias Afewarqi Oo Kulan Wada Xaajood Ah wada Qaatay.

0
0

Asmara(cakaaranews)Axad, 8da July 2018. Raisalwasaaraha JDFI Dr Abiy Ahmed Iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Eritrea Mudane Esaias Afewerke ayaa caawa wada qaatay kulan xasaasi ah kaasoo meesha lagaga saarayo khilaafkii iyo colaadii labada wadan ee mudada dheer soo jiitamayay. Islamarkaana lagu abuurayo xidhiidh walaalnimo oo cusub oo albaabada ufuraya isdhaxgalka iyo isusocodka labada shacab ee walaalaha ah.

Hadaba, Wasiirka Wisaarada Warfaafinta Dawlada Eriteriya Mudane Yemaane Gebremasqal ayaa sheegay inay hogaamiye ee labada wadanka ee itoobiya iyo eriteriya ay siqotodheer uga wada xaajoonayaan rabitaanka labada shacab, sinaanta , xoriyada iyo madaxbanaanida labada dal.wasiirka ayaana intaas kudaray in kulanka labada hogaamiye uu yahay mid laga sugayo inay kasoobaxaan Isfahan midaysan laguna wada gaadhayo xal waara oo degdeg ah.

Dhanka kale, RW Dr abiyi axmed oo booqashadan taarikhiga ah kujira ayaa sheegay in xaalada ay hada labada dal kusugan yihiin ay tahay dagaal aan dhiig kudaadanaynin balse loo bahanyahay in lasoo afjaro khilaafkan mudada dheer qaatay oo la iskuxidho labada shacab ee walaalaha ah ee muddada dheer kala qoqobnaa. Waxuuna carabka kudhuftay in labada shacaba ee ethipia iyo Eretria ay aad isugu xiiseen.

Sidookale, booqashada Raisalwasaaraha ay kuwa helinayaan mas’uuliyiin sare oo ay kamid yihiin Wasiirka arrimaha dibada JDFI Dr warqineh gebeyehu,wasiirka xidhiidhka arrimaha dawlada mudane axmed shide, afhayeenka Golaha wakiilada shacabka marwo mufarixaat kaamil,afhayeenka Golaha federeeshinka marwo keeriya ibraahim, madaxwaynaha dawlad deegaanka cafarta mudane xaaji siyuum iyo masuuliyiin kale oo heer federal ah. Iyadoo ay xusid mudan tahay in caawa loo sameeyay raisal-wasaaraha dalka iyo waftiga uu hogaaminayo xaflad casho sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay si calool xaadhni ah loogu wada xaajooday.

 

Ugu dambayntii, booqashadan ayaa lafilayaa inay kasoo baxaan natiijooyin fiican oo xalwaara kakeeena khilaafyaadii islamarkaana xoojin doona dhinaca dhaqaalaha labda wadan, arrimaha bulshada, siyaasada iyo xidhiidhka diblamaasiyadeed.

Wadanka Sweden Iyo Jaaliyaadka Kasoojeeda Gobolka Afdheer Oo Munaasabad Heersare Ah Qabsaday

0
0

Sweden(cakaaranews)Axad, 8da July 2018. Jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden ee gaar ahaan kasoo jeeda gobolka afdheer kana mid ah dalada guud ee jaaliyaadka DDSI ee wadamada Scandinavian’ka  ayaa yeeshay munaasabad ay si heersare ah usoo agaasimeen islamarkaana ay kumuujinayaan dareenkooda taageero ee ay lagarabtaagan yihiin waxqabadka balaadhan ee dhinacyada horumarka, nabagalyada iyo maamulka suuban ee ay xukuumada deegaanku kahirgalisay guud ahaanba deegaanka iyagoo gaar ahaan taageero wayn ka muujiyay waxqabadka heerka sare ee soosaarista shidaalka iyo saliida caydhiin islamarkaana lama filaan kutilmaamay.

Hadaba, Munaasabadan taageeraha ah ee jaaliyada Sweden ee kasoojeedaa gobolka afdheer ayaa waxaa khadaka teleefonka kala qaybgalay Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Gaadiidka Iyo Warshadaha DDSI mudane Haaruun Yuusuf Cabdi oo ugu horayn u mahadceliyay dhamaan qurbajoogta DDSI ee kukalanool daafaha dunida gaar ahaan dalada guud ee jaaliyaadka wadamada scandenivianka. Wasiirka ayaana ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee qurba joogtu u garab taagan tahay xukuumada DDSI ee uu majaraha uhayo XDSHSI. Wuxuuna ku booriyaay jaaliyada kasoojeeda gobolka afdheer in ay dadaalkooda kasiiwadaan halkaas.

Sidookale, waxaa isna munaasabadan khadka teleefonka kalaqaybgalay  Lataliyaha Madaxwaynaha Ee Dhanka Xalinta Cabashooyinka Ahna Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo isna dhankiisa ugu horayn umahadceliyay dhamaan jaaliyaadka kaladuwan ee DDSI ee ku nool daafaha dunida. Wuxuuna wasiirku sheegay in waxqabadka xukuumada DDSI ee dhinacyada horumarka, nabadgalayada iyo maamulka suuban uu meelsare gaadhay islamarkaana wakhti xaadirkan lasoo saaray khayraadkii dabiiciiga ahaa ee uu deegaankeenu hodanka ku ahaa  mudada badana lasugayay taasina ay tahay guul wayn oo ubaahan in lataageero islamarkaana laga wada faaiidaysto. Wuxuuna kula dardaarmay guud ahaan qurabajoogta DDSI gaar ahaan jaaliyaadka scandeniviaanka in ay halkaas kasii wadaan  dadaalokooda taageeraha ah ee ay lagarbtaagan yihiin xukuumada iyo shacabkooda. wuxuun tilmaamay in horumarkan baaxada wayn ee deegankooda ay doorkooda kaqaataan islamarkaana ay noqdaan kuwa siwayn uga dhaxmuuqda maalgashiyada kasocda dalka iyo deegaankaba.

Iskusoowada duuboo, qurba joogta ee DDSI ee kukala sugan daafaha dunida ayaa wada taageero balaadhan oo ay kusoo dhawaynayaan waxqabadka dhinacyada badan ee xukuumada DDSI kahirgalisay deegaanka iyo waliba guusha baaxada way nee soosaarista shidaalka iyo saliida DDSI.

Kalfadhigii Caadiga Ahaa Ee Golaha Baarlamaanka DDSI Oo Furmi Doona Maalinka Arbacada Ah

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 9ka July 2018. Waxaa maalinta arbacada aha ee inagu soo beegan si rasmi ah xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga furmi doona kalfadhigii caadiga ahaa ee golaha xildhibaanada deegaanka. Iyadoo kalfadhigana lagaga wadi hadli doono ajadanyaasha ay kamidka yihiin 1. Ansixinta qorshaha iyo miisaaniyada sanadkan cusub ee 2011 T.i iyo waliba ansixinta bayaano kalagadisan.

MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xarunta DDSI Ee Magaalada Jigjiga

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 9ka, July 2018. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ee kusugnaa xarunta dalka ee magaalada adhisababa ayaa dib ugu soo laabtay xarunta DDSI ee magaalada jigjiga. Kadib markii ay usoo dhamaadeen shirarkii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay utageen xarunta dalka ee magaalada adhisababa.

Hadaba, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

 

 

 

Magaalada Jigjiga Oo Lagu Soo dhaweeyay Waftii Uu Horkacayo Wakiilka Gaarka Ah Ee Hay’adaha Qaxootiga Ee Dalka Soomaalia

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 9ka July 2018. Waxaa garoonka diyaaradaha ee wiil waal ee magaalada jigjiga si diiran loogu  soo dhaweeyay Wafti uu horkacayo wakiilka gaarka ah ee hay’adaha qaxootiga dalka somaalia. Iyadoo halkaasna ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibrahim Aadan Mahad oo uu waheliyo lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka Hay'adaha mudane cabdi-barri.

Hadaba, soo dhawayn kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in maanta ay garoonka caalamiga ah ee magaalada jigjiga kusoo dhaweeyeen wafti uu hogaaminayo mudane maxamed cabdi afey oo ah wakiilka ergayga gaarka ah ee hay’adaha qaxootiga dalka soomaalia. Wuxuuna intaas kudaray in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhawayntan ay garoonka kusoodhaweeyeen. Wuxuuna xusay in waftigan ujeedadiisu tahay booqasho ay soo kusoo boqdeen magaalada jigjiga iyo waliba inay soo indhoindheeyaan goobaha qaxootiga soomaalia ee kuyaala DDSI. Ee ay kamidka yihiin doolo-cado iyo  malkadiido iyo waliba goobaha kale ee qaxootigu ka dagan yahay deegaankeena.

Sidookale, Wakiilka Ergayga Gaarka Ah Ee Hay’adaha Qaxootiga Dalka Soomaalia Mudane Maxamed Cabdi Afey oo isna dareenkiisa kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashadiisan uu kuyimid xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyo sida quruxda badan ee mas’uuliyiintu u soo dhawaysay. Wuxuuna sheegay in ay ujeedada booqashadoodu tahay soo indho indhoindhaynta xeryaha qaxootiga ee kuyaala DDSI ee ay martigaliyeen shacabka DDSI iyo dawlada itoobiya. isagoo umahadceliyay shacabka DDSI iyo xukuumadiisaba.

Ugudanbayna, Wuxuuna tilmaamay  in ay rabaan in xukuumada DDSI ay kawada hadlaan mashaariico laga hirgalinayo goobaha ay qaxootigu deganyihiin kuwaaso waxtar wayn uyeelan doona bulshada qaxootiga ah iyo kuwa martigaliyayba.

 

 

በጅጅጋ ከተማ አስተዳደር የምግብ ዋስትናና ሥራ ፈጠራ ኤጀንሲ ለ65 ባለሞያዎች ስልጣና መስጠቱ ተገለፀ

0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሰኞ᎓ሐመሌ 02/2010ዓ.ም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መዲና በሆነችው የጅግጅጋ ከተማ አስተዳደር የምግብ ዋስትና እና ሥራ ፈጠራ ኤጀንሲ ከሌሎች የባለድርሻ አካላት ጋር በመተባበር በአዘጋጀው የአሰልጣኞች ስልጠና ላይ ከተለያዩ ቀበሌዎች ለተውጣጡ 65 ሰልጣኞች በምግብ ዋስትና እና ሥራ ፈጠራ ተጠቃሚ እንዲሆኑ እና ግንዛቤን ለማስጨበጥ ታስቦ ስልጠና እንደተሰጠ ተገለፀ።በተጨማሪም ኑሯቸውን ለማሻሻል እንዲያስችላቸው ብሎም ዕውቀትና የኮሙኒኬሽን ክህሎታቸውን ለማሳደግ እንዲረዳ የታሰበ ስልጠናም መሆኑ የጅግጅጋ ከተማ አስተዳደር ከንቲባ ጽ/ቤት ሃላፊ አቶ አብዲአዚዝ መሃድ  ገልጿል።

ከስልጠናዉ በኋላ የጅግጅጋ ከተማ ፋይናንስ እና ኢኮኖሚ ልማት ጽ/ቤት ሃላፊ አቶ ካሊድ አብድራህማን እና የጅግጅጋ የከተማ ከንቲባ ጽ/ቤት ሃላፊ አቶ አብዲአዚዝ መሃድ ስልጠናዉን አስመልክተው ለክልሉ ሚዲያ በሰጡት አስተያየት  የስልጠናውን አላማ  አቅመ አናሳ የሆኑ የማህበረሠቡ አባላት ኑሯቸውን እንዲያሻሽሉ እንዲሁም በምግብ ዋስትና እራሳቸውን ያልቻሉትን ለማገዝ እና ለመደገፍ የታሰበ እንደሆነም ገልጿል።

በተጨማሪም የስልጠናው አዘጋጆችና አስተባባሪዎች ሰልጣኞቹ ከስልጠናው ባገኙት እውቀትና ልምድ በአካባቢያቸው የሚኖሩትን አቅመ አናሳ እና በምግብ ዋስትና እራሳቸውን መደገፍ ያልቻሉ የማህበረሠብ ክፍሎችን በዘላቂ የምግብ ዋስትና ችግራቸውን እንዲፈቱ ለማስቻልና የኑሮ ዘይቤያቸውን ለማሻሻል እንዲረዷቸው የታሰበ እንደሆነም አክለዋል።

በአጠቃላይ ከሃገራችን ኢትዮጵያ በዓለም ባንክ በከተሞች ምግብ ዋስትና ፕሮግራም የታቀፉ 11 ከተሞች የተመረጡ ሲሆን ከእነዚህም መካከል የጅግጅጋ ከተማ አንዷ ሲትሆን በዚህ ፕሮግራም በአጠቃላይ ወደ 10,000 (አስር ሺህ) የሚጠጉ ሰዎች በቀጥታ ተጠቃሚ መሆን እንደቻሉም  ኃላፊዎቹ ገልጿል።

 


MW CMC OO KUSUGAN XARUNTA DHEXE EE DHAQANCELINTA DDSI

0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado, 10ka Jully 2018. Sida lawada ogsoon yahay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wuxuu maalintii ciidii soonka uu salaadii ciida khudbadiisii kubalanqaaday inuu xarunta dhexe ee dhaqancelinta asluubta ee magaalada jigjiga uu kadhigidoono ama ubadali doono masaajid.

 Hadaba madaxwayne CMC oo fulinaya balanqaadkiisii ahaa inuu xarunta dhexe ee dhaqancelinta DDSI uu kadhigidoono masaajid ayaa wakhti xaadirkan booqday jeelka dhexe isagoo madaxwaynuhu guda galay fulinta balanqaadkiisii.

የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕረዝዳንት በአሁኑ ሰዓት የክልሉ ማዕከላዊ ማርሚያቤት እየገበኙ ይገኛሉ

0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ማክሰኞ᎓ሀምሌ 3 ቀን᎓2010ዓ.ም.እንደሚታወቀው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕረዝዳንት ባለፈው የኢድአልፈጥር በዓል ላይ ባደረጉት ንግግር በጅግጅጋ ከተማ የሚገኘውን  የክልሉ ማዕከላዊ ማርሚያቤት ወደ መስጅድ እንደምቀየር ቃል ማድባቱ ይታወሳል።

 

በዚህም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕረዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሁሙድ ኡመር በገቡት ቃል መሰረት በማድረግ በአሁኑ ሰዓት የክልሉ ማዕከላዊ ማርሚያቤት እየገበኙ ሲሆን ቃላቸውን ተግባራዊ እያደረጉ ይገኛሉ።

Central Jail Of Somali Region To Be Converted Into Mosque

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Tuesday, 10,july 2018. As we aware of, on festival day of eidul fidri, his excellence Abdi Mohamoud Omar, president of Ethiopian Somali regional state, made a promise and declared that his government is planning to convert the central jail into a mosque.

Doing so, today President Abdi Mohamoud of Ethiopian Somali regional state has visited this morning the central jail and started the process of turning the central jail into a mosque

Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha Oo Kabilawday Gobolada Shabeele, Afdheer Iyo Liiban

0
0

Godey(cakaaranews)Talaado, 10ka July 2018. Waxaa xarunta gobolka shabeele ee magaalada goday kaqabsoomay Munaasabad lagu daahfurayay ololaha talaalka cudurka dabaysha ee polio’da ee wareegiisa 2aad islamarkaana lagu talaalayo caruurta da’doodu kayartahay 5ta sano. Waxaana munaasabadan kasooqaybgalay mas’uuliyiinta gobolka shabeele mas’uuliyiinta MMG, maareeyaha hospitaalka godey, mas’uuliyiin kasocday hay’adaha WHO iyo UNICEF iyo waliba hooyooyinka iyo caruurta MMG ee dadoodu kayuartahay 5tasano.

Hadaba, munaasabadan daahfurka ah ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Maxamuud Cabdi Bare Iyo Waliba Kusimaha Maayorka Mmg Mudane Cabdulaahi Mukhtaar Aadan. Waxayna kubooriyeen dhamaan waalidiinta kasooqaybgalay munaasabdan in ay kafaaiidaystaan talaalka kahortaga cudurka dabaysha islamarkaana ay caruurtooda ka talaalan cudurka dabaysha.

Sidookale, gobolada liibaan iyo afdheer ayaa iyadana waxaa si rasmi ah uga qabsoomay daahfurka ololaha talaalka kahortaga cudurka dabyasha ee polioda ee loogu talagalay caruurta dadoodu kayartahay 5ta sano  kaasoo ay dhibcihii ugu horeeyay ee talaaka ay siiyeen masuuliyiinta goboladaasi.

Iskusoowada duuboo, ololahan talaalakan ayaa ah wareegii 2aad ee talaalka ee kahortaga cudurka dabaysha ee looyaqaano polioda.

 

 

President Abdi Mohomud Omar Is An Iconic And God-Gift Gave To Ethiopian Somali’s But Rarity To Others.

0
0

By Mohamed abdidheere

Jigjiga(cakaaranews)Tuesday, 10, July 2018. Diversity is unique and people are varying in terms of character, race, religion and clan or where they originate. Developed society accepted the diversity and work together and ignored where he/she originates or his/her clan but only focuses what he/she carries. But Somali society is an exception. Somalis give value the clan or tribe he/she belongs to, no matter how well he/she serves to his/her nation. Even if leader brings milk and honey from the sky, the Somali society does not appreciate, if the leader belongs to another clan. Contrary to this no matter how the leader devastate and undermine people’s right and dignity, if the leader belongs the same clan, Somali society would lionize and fight for that leader. This problem is unique to Somali societies.

For many around the globe and the country of Ethiopia the name “Ethiopian Somali” conjures a host of negative perceptions-from violence, chaos, corruption, nepotism, pan-somalism, and security problem. Ethiopian Somali were not different than those basking in abyss as southern Sudan’s. But things have changed when a young dedicated leader whose name is known well took the highest office of the security and justice co-ordination bureau. To the chagrin of many, that leader was none but abdi mohomud omar.   Focus, discipline, honest, integrity, confidence and vision are the main ingredients for success in life. President abdi has exhibited all these traits and the reward has been political milestone.

For me I am not an agent for the incumbent president or belongs the same clan with the regional leader or awarded a contract or such a thing. President abdi mohomud is my president and I can never do justice to express how much I indebted his legacy and miracle achievements. Without doubt president abdi mohomud is a well respected politician whose political philosophy has made rich and great in Somali politics and the architect of enacting the salvation plan of liberating the region from the anti peace elements and implementing the mega development projects like dams, bridges, basic services and so on.

It is hard or rather impossible to scoop a handful of sea water and call it a ‘sea” or to unfurl a sheet of clothing and call it a “land.” Such is the president abdi’s legacy of achieving tremendous achievements and gaining steady progress in areas of development and security. President abdi determined to fight for and preserve somali’s better values and he stressed his determination not to let devils divert somali region from the path of development and stability.

President abdi’s history and legacy is filled with examples of achieving the impossible. President abdi has a can-do attitude. In line with this Ethiopian Somali region was the first and only region that built a modern airport from it is own budget. Rip-cutting of alale gas and oil project is another concrete example. If that is not enough, one could never ignore the housing projects that were built in the former military camp.

President abdi mohomud omar-who inadvertently served as the very medicine that Somalis have been searching for in vain has three qualities that are unique to the few of us. President abdi mohomud omar is one such endowed with magnanimity and benevolence, bravery, and piety. One gets these qualities either through a well-organized upbringing environment, or by virtue of god’s gift. President abdi mohomud was given all those attributes because of both factors.

For those Ethiopian Somali politicians who failed to move the region forward, president abdi’s success and gaining respect from the public shows that political leadership should be an open and fair process for all citizens regardless of clan and gender.

President abdi mohomud omar never ceased to amaze the public, as a Somali pastoralist said once “he who meet with you would never fail to meet a new thing”. Today as of 10 July, 2018 took one of the historical and remarkable stride ever done by a Somali politician. All the prisoners of central jail of Ethiopian Somali region were pardoned by the government and released, fortunately enough to night they re-unite their families and the compound of the central jail of Somali region has converted into a mosque or masjid. One could not fail to see or read happiness from the face of the close relatives of the released prisoners.

In nutshell, president abdi mohomud omar represents what is good about patriotism, nationalist, honest, integrity, confidence, benevolence, and piety. His decency and conviction to serve his nation and enhance their living standard always makes his politics great. President abdi mohomud omar is to Somalis what muttamar gandi and nelson Mandela to India and south Africa respectively.

Despite I can’t put rightly the words that I can express his (president abdi) good natural personality and his open heart to everyone irrespective of clan, gender or age I can conclude by saying president abdi mohomud omar is an iconic and god-gift gave to Ethiopian Somalis but rarity to others.

By Mohamed abdidheere

Jijiga ethiopia

,

 

MW CMC Iyo Siidaynta Maxaabiistii Kuhadhsanayd Xarunta Dhexe Ee Asluubta

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 10ka July 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar oo kajawaabaya balanqaadkiisii uu kasoojeediyay  salaadii ciidul fidriga ee ahaa in xarunta dhexe ee asluubta loo badali doono masaajid ayaa maanta soo kormeeray xaruntaasi  islamarkaana cafis u fiday in kabadan 150 maxaabiis ah.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa maanta cafis ufiday in kabadan 150 maxbuus oo kamid aha maxaabiistii ku hadhsanayd xarunta dhaqan celinta ee asluubta. Kuwaas oo 109 kamid ah galabta ooda laga qaaday. Iyadoo inta dhimana lasiidayn doono maalmaha fooda inagu soo haya. Sidaasdarteed, siidaynta maxaabiistan ayaa kadhigan in lasiidaayay dhamaan maxaabiistii kujiray jxarunta dhexe ee dhaqan celinta DDSI 98%, meesha 2% ee kadhiman boqolka ay u xidhan yihiin dambiyada kala ah Dil iyo kufsi.

Iskusoo wada duuboo, xarunta dhexe ee dhaqan celinta  ayaa loo badalay masaajid. Iyadoo arinkana ay bulshada deegaanku si wayn usoo dhawaysay. Islamarkaana ugu mahadcelinayso madaxwayanah DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar sida uu markasta ufuliyo balanqaadkiisa.

 

 

 

Lasoco Barri Iyo Danbiyada Maxaabiista Hadhay

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 10ka July 2018. hadii alle idmo waxaa lashaacin doonaa muuqaalada maxaabiista kuhadhay xarunta dhexe ee dhaqan celinta DDSI  kuwaasoo si fiican usheegaya danbiyada maxaabiista kuhadhay xarunta, nooca danbi ay u xidhan yihiin (danbiyada dhareq wanjalka ah)

 

 

 


በስዊድን የሚኖሩ የኢ.ሶ.ክ.ዲያስፖራ ኮሙኒቲ በክልሉ የተመዘገበውን ዘርፈ ብዙ ለዉጥ የሚደገፉበት ደማቅ ሥነ-ስርዓት አካሄዱ

0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews) ማክሰኞ፤ሰኔ 03/11/2010 ዓ.ም  በስዊድን የሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የአፍዴር ዞን ተወላጅ የሆኑ የዲያስፖራ ኮሙኒቲ አባላት በክልሉ እየታየ ያለውን ሁለንተናዊ ለዉጥ በመደገፍ ብሎም ለማስቀጠል፣ ለማበረታታትና ከክልሉ መንግሥት ጎን መሆናቸው የሚያሳዩበት ደማቅ ሥነ-ስርዓት አካሄዱ።

በተጨማሪም ለበርካታ ዓመታት በጉጉት ሲጠበቅ የነበረው ድፍድፍ ነዳጅ በኢትዮጵያ ሶማሌ  ክልልበማዉጣቱ በጣም እንዳስደሰታቸዉና ድፍድፍ ነዳጁ ለሃገሪቱም ሆነ ለክልሉ ፈጣኝ እድገት እንደሚያመጣና የዘመናት ህልማቸውን እንዳረጋገጠም ገልጸዋል።

በዲያስፖራ ኮሙኒቲው የድጋፍ ሥነስርዓት ላይ መልዕክታቸውን በስልክ ያስተላለፉት በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ዲያስፖራ ማስተባበሪ ቢሮ ሃላፊና በፕሬዝዳንቱ ቅርታ ማስተናጃ ዘርፍ አማካሪ አቶ አብዲረዛቅ ሰሃኔ በመጀመሪያ ምስጋናቸውን በማቅረብ፤ በመላዉ ዓለም ለሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የዲያስፖራ ኮሙኒቲ አባላት ክልሉ እያስመዘገባቸው ያሉ ዘርፈ ብዙ ለውጦች እንደ ፀጥታ፣ መልካም አስተዳደር እንዲሁም የተገኙትን ድሎች ለማስቀጠል የበኩላቸውን ድርሻ መወጣት እንዳለባቸው ገልፀዋል።

ባለፈው ሳምንት ሥራውን በይፋ የጀማረው የኢለሌ ድፍድፍ ነዳጅ መውጣትን ተከትሎ የክልሉ ዲያስፖራ ኮሙኒቲዎች አድናቆታቸውን እየገለፁ እንደሚገኙና በዚህም በርካታ የሥራ ዕድሎች መፍጠር እንደሚቻልም በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግሥት ሥም ላረጋግጥላችሁ እወዳለሁ ብለዋል።

በመጨረሻም በስዊድን ለሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የዲያስፖራ ኮሙኒቲ እና በስካንዲኒቪያ ጥላ ሥር ለሚገኙ የዲያስፖራ ኮሙኒቲ የበኩላቸውን ድርሻ እንዲወጡ፣ ለሃገር ዕድገትም እንዲሠሩ ጥሪ አቅርቧል።

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Layeeshay 63 Xubnood Oo Ah Hogaaminta Dugsiyada Waxbarashada Ee Dumarka Ah

0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arabco, 11ka July 2018. Xafiiska waxbarashada DDSI oo dadaal xoogan ugu jira kor uqaadista tayada waxbarashada iyo waliba sidii uu kor ugu qaadi lahaa dhanka kaqaybgalka haweenka ee hogaaminta waxbarashada. iyadoo uu xafiisku tababarka hogaaminta waxbarashada siiyay macalimiin dumar ah, kuna kala meeleeyay dugsiyada deegaanka. waxaana maanta magaalada jigjiga ka qabsoomay kulan qiimayn iyo xog iswaydaarsi isugujira oo loo qabtay 63 xubnood oo dumar ah oo kamid ah hogaaminta dugsiyada deegaanka ee kal hore lagu meeleeyay.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo warbaahinta uga warbxiyay kulankan ayaa sheegay in Fagaarahani ahaa mid  loogu talagalay in lagu qiimeeyo geedisocodkii baris barasho ee dugisyada sanadkan dhamaaday ee 2010 T.I. wuxuuna intaas kudaray in xubnahan kulanka looqabtay ay yihiin xubnihii kalhore uu xafiisku  tababarka hogaaminta siiyay oo tiradoodu dhanayd 63 xubnood oo ah haween islamarkaana lagu kala meeleeyay duggsiyada waxbarashada iyagoo ah maamulayaal iyo kormeerayaal.  Kulanakanina uu yahay mid lagu kala qaadanayo caqabadihii lasoodarsay iyo waliba dhankoodii adkaa ee geediscodka baris baarsho ee dugsiyadii ay kakala yimaadeen.

Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in sidokale sanadkan uu xafiisku tababarka hogaaminta waxbarashada siiyay 130 xubnood oo haween ah taasoo 2dii snao ee udanbaysay kadhigaysa tirada guud ee hogaaminta waxbarashada  dumarka ah 193 xubnood. Wxuuna tilmaamay in kulankani yahay mid lagu gorfaynayo sii xoojinta iyo kor uqadista tayada waxbarashada laguna kala qaadanayo jihooyin horumarineed.

Dhankakale, , Gadh-wadeenka G/S Horumarinta Macalinmiinta iyo Hogaaminta Waxbrashada ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdixakin Maxamed Cali oo isna dhankiisa kawarbixyay ujeedada kulnakan ayaa sheegay in xafiisku uu dadaal ugu jiro kor uqaadista tayada waxbarashada. Wxuuna xafiisku qaaday talaabooyin kuwajahan dhanka kor uqaadista hogaaminta haweenka ah ee waxbarashada kadib markii ladarsay in hogaaminta dugsiyada ay aad ugu wanaagsan yihiin haweenku islamarkaana tababarka hogaaminta waxbarshada siiyay  haween tiradoodu kudhawadahay 200. Kuna kala meeleeyay dugsiyada deegaanka. Ayaa waxaa kulankan lagu kala qadanaya geedisocdkii baris barasho ee sanadkan dhamaday iyoc aqabadihii so foodsaaray hogaaminta waxabarshada dugsiayada waxabarshada ee haweenka ah.  

Iskusoowada duuuboo, 2dii  sano ee ugu danabysay ayaa wuxuu xafiisku guulo waxku’ool ah ka keenay dhanka natiijada ardayda iyo waliba kaqaybgalka dumarka ee dhanka hogaaminta dugsiyada waxabarshada.

Kalfadhigii 7aad Ee Golaha 5aad Ee Baarlamaanka DDSI Oo Si Rasmi Ah Ufurmay

0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco, 11ka July 2018. Waxaa maanta xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si rasmi ah uga furmay kalfadhigii 7aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada deegaanka. Iyadoo kalfadhigana ay kasooaybgaleen afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI, madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waliba dhamaan xubnaha xildhibaanada  DDSI.

Hadaba,  kalfadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane maxamed-rashiid isaaq. kadib markii uu hubiyay in kooramka kalfadhigu buuxo. Wuxuuna afhayeenku soo bandhigay ajandayaasha ay kamidka yihiin  ansixinta warbixinta waxqabadkii sanad miisaaniyadeedka 2010 T.I, ansixinta qorshaha iyo miisaaniyada 2011,iyo waliba ajandayaal kale oo muhiim ah oo ay kamid yihiin ansixinta bayaano kaladuwan.

Iskusoowada duuboo,  kalfadhigan golaha xildhibaanada DDSI ayaa si habsamileh uga sii socda xarunta DDSI ee magalaada jigjiga. 

 

 

7ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት መደበኛ ጉባኤ በጅግጅጋ ከተማ በዛሬው ዕለት ተጀመረ

0
0

ጅግጅጋ (cakaaranews)ረቡዕ፤ሐምሌ 04/2010ዓ.ም  5ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት 3ተኛ የሥራ ዘመን 7ተኛው መደበኛ ጉባኤ በዛሬው ዕለት በጅግጅጋ ከተማ የተጀመረ ሲሆን በጉባኤው ላይ የክልሉ ምክር ቤት አፈ ጉባኤና የኢሶህዴፓ ማዕከላዊ ኮሚቴ ፅ/ቤት የፓርቲ ጉዳዮች ኃላፊ አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ፣ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕረዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር፣ የክልሉ ም/ቤት አባላት እና የክልሉ የሥራ ኃላፊዎች ተገኝተዋል።

በጉባኤው መክፈቻ ላይ የክልሉ ምክር ቤት አፈ ጉባኤ ክቡር አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ የጉባኤው አጀንዳ የሆኑትን የ2010 በጀት ዓመት እቅድ አፈፃፀም ሪፖርት ማጽደቅ፣ የ2011 በጀት ዓመት እቅድ  ማጽደቅ እና ሌሎች የተለያዩ ረቂቅ አዋጆችን ለም/ቤቱ አባላት ለውይይት አቅርቧል።

በመጨረሻም 7ተኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ም/ቤት መደበኛ ጉባኤ በቀጣይ ቀናት እንደሚጥል አፈጉባኤው አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ አስታውቋል።

Kalfadhigii 7aad Ee Golaha Baarlamaanka DDSI Iyo MW CMC Oo Khudbad Muhiim Ah Kasoojeediyay

0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco, 11ka July 2018. Waxaa maanta xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si rasmi ah uga furmay kalfadhigii 7aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada deegaanka. Iydoo kalfadhigana ay kasooaybgaleen afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI, madaxwaynaha DDSI Mudane Cabid Mxamuud Cumar iyo waliba dhamaan xubnaha xildhibaanada  DDSI.

Hadaba,  kalfadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahan madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq. islamarkaana golaha soo hordhigay ajandayaasha kalfadhigan. Wuxuuna afhayeenku soo bandhigay ajandayaasha ay kamidka yihiin Ansixinta Warbixinta waxqabadka Xukuumada DDSI ee SM 2010 T.I, ansixinta Warbixinta Baarlamaanka, Ansixinta Miisaaniyada 2011 T.I Ee DDSI, Ansixinta warbixinta Maxkamada Guud, Ansixinta warbixinta Hanti dhowrka,

Intaasi kadib ayaa waxaa halkaasi kahadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar islamarakaana khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay. wuxuun madaxwyanuhu sheegay in warbixinta waxqabadka ee sanad miisaaniyadeedka 2010.T.I ay ku sargo’antahay fulinta qorshayaasha horumarineed, kaabayaasha dhaqalaaha iyo nabadgalyada. Wuxuuna intaa skudaray in warbixintu ka hadli doonto dhinacyada waxsoosaarka beeraha, shaqo abuurka iyo waliba jidadka. Isagoo kubuuriyay golaha in sifiican looga dodo lagana talo bixiyo.

Sidookale, madaxwaynaha ayaa si faahfaahsan uga hadlay guud ahaan isbadalada horumarineed ee kasocda dalkeena. Wuxuuna xusay in qorshaha cusub ee uu wado Raisal-Wasaaraha JDFI  Dr Abiyi Ahmed ee kusalaysan is cafinta iyo isjacaylka ay ka deegaan ahaan ka dhaqan galinyaan dhankooda islamarahaantaana ay ka xisbi ahaan iyo ka xukuumad ahanba ay cafis waydiisanayaan guud ahaanba shacabka DDSI, iyagoo sidookalena cafis u fidinaya dhamaanba cidii ku khaldantay xukuumada iyo xisbigaba.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar ayaa sidookale tilmaamay in go’aankii baarlamaanka dalkeenu uu ururka ONLF kaga saaray liiska argagixisada ay kadeegaan ahaan aad usoo dhawaynayaan islamarkaana ay xukuumada DDSI cafis ufidisay dhamaan maxaabiistii ONLF ku eedaysnaa  oo wakhtixaadirkan aysan jirin cid uxidhan ururkaasi ONLF.

Dhankakale, madaxwaynaha DDSI ayaa ururka ONLF ugu baaqay in ay kafaa’iidaystaan qorshaha cafiska iyo isjacaylka ee guud ahaanba ururada kale ee dalku ay kafaaiidaysteen. Wuxuuna carabka kudhuftay in xukuumada DDSI  ay wakhtixaadirkan qorshaynayso in dhamaanba jeelasha deegaanka laxidho, iyadoo miisaaniyadii kubaxaysayna loo isticmaalayo horumarka iyoo kaabayaasha dhaqaalaha.

Ugudanbayna, Madaxwaynaha ayaa tilmamay in shacabwaynaha dalka iyo ka deegankaba ay guul wayn u tahay soo saarista shidaalka deegaanku hodanka ku yahay. Wuxuuna madaxwaynuhu amaanay ficilada wanaagsan ee uu qaaday RW JDFI Dr Abiyi Axmed islamarkaana aysan cidna inkiri Karin waxqabadka wanaagsan ee kudayashada mudan ee uu wakhtiga yar ku fuliyay. Wuxuuna  Madaxwaynuhu  cadeeyay in ay dhamaatay xiligii been iskasheegida iyo propogaandada islamarkaana uu shacabwaynaha deegaanku hal mid yahay oo haba yaraatee  cid fadhiid ah aan loo joojin doonin.

Iskusoowada duuboo,  kalfadhigan7aad ee golaha5aad ee xildhibaanada DDSI ayaa si habsamileh uga sii socon doona xarunta DDSI ee magalaada jigjiga. 

 

 

 

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live




Latest Images