Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 24ka July, 2018. waxaa xarunta deegaanka ee magalaada jigjiga lagu soo gabagabeeyay Tababar ujeedadiisu tahay kobcinta garaadka aqoomeed islamarkaana loo hayay kafaaiidaystayaasha mashruuca damaanad-qaadka cuntada ee MMJ. Iyadoo tababarkana uu soo agaasimay wakalada damaanad qaadka cuntada MMJ oo kaashanaysa Maamulka magalada jigjiga.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha MMJ Mudane Khaalid Cabdiraxmaan oo sheegay in maanta ay farxad u tahay in uu tababartayaasha kalasooqaybgalo xidhitanka tababarkan. Wuxuuna intaa skudaray in mashruucan damaand qaadka cuntadu uu yahay mid waxwayn kusookordhiyay magaalada jigjiga gaar ahaan bilicda, iyo nadaafada iyo waliba guud ahaan quruxda magalada jigjiga, islamarkaana uu isbadal nololeed kusameeyay dhamaan kafaa’iidaystayaasha mashruucan damaanad qaadka cuntada ee kahawlgala magaalada jigjiga. Wuxuuna carabka kudhuftaym in ilaa iyo intii labilaabay mashruucan ay kafaaiidaysatay dad tiradoodu ay kabadan tahaay 10 kun oo qof. Wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in casharadii ay barteen ficil kumuujiyaan islamarkaana ay sii labo jibaaraan shaqooyinkii kaladuwanaa ee ay hayeen ee ku aadanaa nadaafada iyo bilicda magaaladeena si magaalada jigjiga ay unoqoto mid model ah oo ka horumarsan dhanwalba.
Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay Madaxa Arrimaha Xisbiga MMJ Mudane Cabdulaahi Muxumed oo sheegay in deegaanku uu dadaal ugu jiro sidii uu uga midho dhalin lahaa qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad(GTP). Wuxuuna intaas kudaray in qorshahani yahay mid uu dalku ku higsanayo sidii uu uga mid noqon lahaa dalku wadamada dhaqalahoodu dhexdhexaadka yahay. Masuulka oo hadlkiisa sii wata ayaa xusay in sidookale wadanku uu leeyhay yoolasha horumarinta waara ee looyaqano (SDG) kaasoo ah mid door wayn kuleh guud ahaan horumarka deegaanka. iyadoo sidookale mashruucan damaanad qaadka cuntada uu isna yahay mid qayb libaax kaqaadanaya dhanka ladagaalanka saboolnimada iyo waliba sidii looyarayn lahaa shaqo la’aanta. Wuxuuna mashruucani ka magaalo ahaan uu qayb wayn kaqaatay intii uujiray dhanka bilicda iyo nadaafada magaaldeena jigjiga.
Sikastaba ha ahatee, kafaaidaystayaasha mashruucan damaanad qaadka cuntada wajigiisa ee MMJ ayaa waxaa kafaaiidaysanay dad danyar ah oo tiradoodu kabadnatahay 5000 oo qof . iyadoo mudadii uu tababarku socdayna ay qaadanayeen Casharo laxidhiidha xirfadaha kaladuwan ee ay kushaqeeyaan, nidaamka kaydsiga iyo ganacsiga iyo waliba casharo laxidhiidha isbadalka nololsha iyo sidii ay noloshoodu u noqon lahayd mid waarta islamarkaaana ay ugu gudbi lahaayeen nolol wanaagsan.
Ugudanbayna, waxaa iyana dareenkooda kahadlay kaqaybgalayaashi tababarka oo sheegay in aad ugu farxsan yhiin tababarkan ay qateen islamarkaana ay kafaaiideen cilmi badan oo laxidhiidha shaqadooda iyo noloshoodaba.