Doolocado(cakaaranews)Arbaco, 11ka July 2018. Waxaa maanta si rasmi ah xadhiga looga jaray kuliyada tababarada macalimiinta ee doolo-cado taas oo ay si wada jir ah xadhiga uga jareen mas’uuliyiin uu hogaaminayo Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Maxamuud Axmed Nuur, oo ay kuwaheliyaan Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Samafalka iyo Hay’adaha Mudane Cabdi Bari Macalin iyo waliba wakiilka gaarka ah ee hayadaha qaxootiga dalka soomaalia Danjiraha Ambassador Maxamed Cabdi Afay.
Hadaba, wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Maanta ay si rasmi ah Xadhiga uga Jareen Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta ee laga hirgaliyay Doolo-cado islamarkaana ay hirgalinteeda iska kaashadeen xafiiska waxbarashada iyo Hay’ada Qaramada Midobay Ee Qoxootiga (UNHCR) oo iyadu dhismaheeda maalgalisay. Wuxuuna intaas kudaray in munaasabadii xadhig ka jarka ay kala soo qayb gleen Gudoomiyaha Gobalka Liban Mudane Cabdi Xussen Cali(Cabdimadobe) iyo waliba qaar kamid ah gudoomiye yaasha degmooyinka gobolka libaan.
Sidookale, wasiir-kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kuliyadan macalimiinta ee dooolo-cado ay horay usii bilawday adeegii waxbarashada iyo jiifka islamarkaana ay kuxarootay macalimiin kabadan 150 kadib markii xafiisku uu ku meeleyay macalimiintii kuliyada iyo maamulkii islamarkaana uu dadaal adag kagaystay dhamaan doorkii kaga aadanaa ka xafiis waxbarasho ahaan ilaa hadana uu sii wado sidii uu xafiisku kor ugu qaadi lahaa kuliyada, haday dhismo tahay iyo haday adeegyadii kale tahayba. Maadaama oo ay tahay kuliyad cusub islamarkaana loo baahan yahay inay la tartanto kuliyadaha kale ee tababarada macalimiinta deegaanka.
Iskusoowada duuboo, kuliyadan tababarada macalimiinta ayaa tirada kuliyadaha macalimiinta ee deegaanka kadhigaysa kuliyadii 3aad ee tababarada macalimiinta deegaanka. Iyadoo kuliyadana laga hirgaliyay meel istaraatiiji ah islamarkaana kuhaboon kadib markii daraasaad laga sameeyay kahor intaa ladhisin. Sidaaasdartee, kuliyadan ayaa waxa laga filayaa inay qayb libaax kaqaadato dhanka tababarada macalimiinta deegaanka.