Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 1da July 2018. qaarkamid ah qurbajoogta u dhalatay DDSI ee jaaliyaadka wadankaasi Canada islamarkaana kasoojeeda gobolka faafan ayaa si habsami leh loogu soo dhaweeyay xarunta deegaanka ee magalaada jigjiga. Iyadoo garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas'uuliyiin heer-deegaan ah, odayaal dhaqameed iyo waliba qaar kamid ah ururka dhalinyarada kacaanka gaamuray ee HEEGO.
Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo kamid ahaa mas'uuliyiintii soo dhawaysay waftigan qurbajoogta ah oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin maanta soo dhawaynta ay garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga kusoo dhaweeyaan wafti qurbajoog ah oo kasocda jaaliyaada DDSI ee wadanka Canada islamarkaana uu kamid yahay Mudane cumar xaashi. Wuxuuna tilmaamay in ilaa iyo markii ay ku baaqeen shirka wada tashiga soomaalida itoobiya odayaal dhaqameedka deegaanku ay wafuuda soomaalidu si xawli ah uga soo dagayaan xarunta deegaanka. wuxuuna wasiirku carabka kudhuftay in waftigu ay gacmo iyo qalbi furaan kusoo dhawaadaan deegaankooda hooyo.
Sidookale, qaarkamid ah waftigan qurbajoogt ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in si aad ugu faraxsan yihiin inay soo gaadhaan xarunta DDSI ee magaalada jigjiga islamarkaana ay umahadcelinayaan mas'uuliyiinta, odayaal dhaqameedka iyo waliba dhalinyarada heego sida quruxda badan ay usoo dhaweeyeen. Waxayna timaaameen inay magaalada jigjiga uyimaadeen kaqaybgalaka shirka wada tashiga ah ee umada soomaaliyeed ee kasoojeeda DDSI muxaafad iyo mucaaradba islamarkaana ay dhawaan kubaaqeen odayaal dhaqameedka deegaanka ee uu ugu horeeyo garaad kulmiye. Shirkaasina uu kubeegan yahay 5ta August 2018.
Ugudanbayna, qaar kamid ah dhalinyarada heego oo iyana dhankooda kahadlay ayaa sheegay in si qalbi furan oo farxadi kudheehantahay ay u soo dhawaynayaan wuufuuda kaladuwan ee maalmahanba sida balaadhan uga soodagaya garoonka caalmiga ah ee magaalada jigjiga. Waxayna xuseen in waftigan kasocda jaaliyada wadanka Canada ee u yimid shirka wada tashiga soomaalida itoobiya ee ay kubaaqeen odayaal dhaqameedka deegaanka ay si baaladhan u soo dhawaynayaan.