Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Xaflad Qalinjabin Ah Oo Kadhacday Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka DDSI J

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Sabti 26ka November 2016. Arday tiradoodu kabadantahay 419 oo waxkabaranaysay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ayaa  saaka xafladii qalin jabintoodu si heer sare ah uga dhacday  hoolka wayn ee isla kuliyada maaraynta.

Hadaba, xafladan qalinjabinta ah oo ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo marti sharaf kaladuwan ayaa waxaa khudbad muhiim ah kasoojeediyay Maareeyaha Guud Ee Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI mudane Cabdirashiid Shekh Cumar oo sheegay in maanta ay farxadwayn utahay isagoo ugu horayn ardayda qalinjabisay usoo jeediyay hambalyo. Wuxuuna intaa kudaray in ardayda maanta qalinjabisay ay tahay dufcadii 11aad islamarkaana tiradoodu dhantahay 419 arday oo 226 arday yihiin dumar meesha 193 ardayna ay yihiin Rag.

Maareeyaha oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ardaydan qalin jabisay heerkoodu yahay Diploma islamarkaana culuumta ay barteena kalatahay Accounting, HRM, iyo waliba culuumta Secretarial Office Purchasing.

Sidookale, ardayda qalinjabisay oo dareenooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qalin jabintooda islamarkaana aysan farxadooda soo koobi Karin. Iyagoo sheegay in ay u mahad celinayaan dhamaan macalimiintii waxsoobartay iyo maamulkoodii. Waxayna xuseen inay waxbarashadooda sii wadan doonaan ilaa heer PHD.

Sikastaba ha ahaatee xafladan ayaa waxaa meesha kamaqnayn heesaha iyo dhantooyinka oo halkaas ay kusoobandhigayeen kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI.


MW CMC Oo Dhagax Dhigay Mashruuca Dhismaha wayn Ee Kaali Mall

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 26ka November 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, odayaal dhaqameedka deegaanka, iyo marti sharaf kale ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca wayn ee dhismaha kaali mall oo ah G+5 oo ay ku baxayso miisaaniyad lacageed oo dhan 160,000000 Birr (boqol iyo lixdan milyan oo birr) islamarkaana loogu talagalay in lagu dhameeyo wakhti ka yar 6 bilood, iyadoo oo uu dhismahani fulinayo  wakaalada horumarinta iyo guriyaynta DDSI.

Hadaba madaxwayne CMC oo dhagax dhigay dhismaha mashruucan ayaa sheegay in mashruucani uu faaiido wayn uleeyahay guud ahaan bulshada dalka gaar ahaan kuwa  deegaanka islamarkaana uu dhismahani noqonayo mid ganacsi ah oo dhismihiisu taariikhda baal dahab ah ka gali doono isagoo tusaalana u noqon doona wadamada geeska Africa, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in dhismahani uu ku fadhiyo dhul baaxad wayn oo dhan 4400 karaamitir oo ay san ku jiran goobta parking baabuurta loogu talagalay.

Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu xusay inuu dhismahani kaqayb qaadan doono bilicda magaalada jigjiga islamarkaana uu qayb ka yahay horumarka balaadhan ee guud ahaanba ka hana qaaday deegaanka. Sikastaba ha ahaatee dhismahan Kaali mall ayaa wuxuu yeelan doonaa  169 goobood oo loogu talagalay ganacsiga noocyadiisa kaladuwan iyo waliba  72 tukaan oo ah tukaamada yarayar.

Shir Ay Kasoo Qaybgalayaan 2kun Oo Qof Oo Degmada Gunagado Kadhacaya

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 26ka November 2016. Shir balaadhan oo kadhacaya degmada gunagada 2da todobaad ee fooda inagu soo haysa gudahood ayaa waxaa kasoo qaybgalaya 2kun oo qof oo isugu jira mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI, Odayaasha Deegaanka, Qurbajoogta Gobolka Jarareed, Waxgaradka,  aqoonyahanka, culimo-awdiinka, haweenka iyo dhalinyarada islamarkaana kakalasocda degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka jarar.

Hadaba, ujeedooyinka shirkan ayaa waxaa kamid ah sidii xadhiga looga jari lahaa mashruuca biyo galinta dheer ee Birqod-Gunagada ilaa Danood-Gaashaamo iyadoo mashruucan oo isugu jira sadex waji oo waawayn uu 100% dhamaaday wajigiisii koobaad. Kaasoo ah birqod ilaa gunagado islamarkaana ahaa wajigii ugu muhiimsanaa ee mashruucan kanadhigan in hadii lagu guulaystay hirgalinta wajigan koobaad ay aad udhib yartahay hirgalinta wajiga 2aad, 3aad ilaa wajiga 4aad maadaama oo marka ay biyuhu gaadhaan gunagado ay ilaa iyo danood qulqulka biyuhu kusoconayaan kalasaraynta dhulka, iyadoo dhamaystirka wajigan 1,aad ee birqod ilaa iyo gunagado ay mashruucan baaxadiisu dhan tahay 40km oo waraabinaya tuulooyinka udhexeeya 2da degmo, meesha 5tii KM ee kasta loo sameeyay goob-biyood ay dadka iyo xooluhuba kacabi karaan.

Sidoo kale, waxaa xadhiga lagajari doonaa mashruuca kale ee laga hirgaliyay degmada gunagada kaasoo lagu macaaneeyay ceelkii dhanaha noqday ee gunagado laga qoday. Taasoo ah taariikhda abid markii ugu horaysay ee mashruuc noocan ah laga hirgaliyo guud ahaanba dalkeena itoobiya. Waxaa intaa dheer mashruuca dhismaha guryaynta(qodobaha) oo iyana ladhagax dhigi doono.

Ujeedada 2,aad ee kulan-waynahan ayaa noqonaysa in lagu soo bandhigo shirka waxyeeladii ay UBBO ugaysatay shacabka reer jarareed  iyadoo labooqan doono xabaalo-wadareedka ay ku-aasan yihiin 120 qof oo reer jarareed ah oo ay hal maalin ah gudihii UBBO kuxasuuqday Degmadaasi, iyadoo ay goobtaas kahadli doonaan odayaasha, culimo-awdiinka, aqoonyahanka, eheladii iyo qaraabadii ay dishay gacanta kaxaq daran ee UBBO.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo bandhigi doonaa dadkii reer jarareed ee ay laxaadkooda UBBO kanaafaysay, agoontii reer jarareed ee waalidkood UBBO laysay, gabdhihii ay kufsadeen iyo dhamaan waxyeeladii ay UBBO ugaysatay shacabka reer jarareed oo dhan sida xasuuqii cobale iwm. Waxaana kahadli doona qaar kamid ah xubnihii UBBO ee xasuuqa gaystay islamarkaana udhashay gobolka jarar.

Waxaan iyana meesha kamadhnayn in la isbarbardhigi doono waxqabadka iyo horumarka kajira guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan degmada gunagado oo kamid ah meelaha ay xasuuqa ba’an kagaysatay UBBO.

Dhanka kale waxaa lasoo bandhigi doonaa waxyeeladii iyo kufsigii ay itixaadku ugaysteen shacabka reer jarareed.

Iskusoo wadaduuboo, xadhig-kajarka mashruucan biyo-galinta ayaa kusoo hagaagay xili uu roobkii dayrtu daahay oo ay roob yaraani kajirto deegaanka islamarkaana bulshada deegaanku ay kujiraan roob-doon iyo alla bari isagoo lafilayo inuu wax badan katari doono xaalada isbadalka cimilada Elino ee roob yaraanta keenta.

MW CMW Oo U Amba Baxay Magaalada Dire Dawa

$
0
0

Diredawa(Cakaaranews) Axad 27ka November 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan oo heer deegaan ah ayaa dhinaca xarunta deegaanka ooga amba baxay dhanka magaalada dire dawa halkaas oo uu kaga qayb gali doono shir ku saabsan sii dardar galinta qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo sii xoojinta arimaha nabadgalayada iyo xuduudaha.

Wixii faahfaahin danbe kalasoco warkaanaga www.cakaaranews.com

Munaasabad Lagula Kala Wareegayay Agab Caafimaad Oo Ka Dhacday jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) Axad, 27da November, 2016. Marwo Maariya Cumar Cali oo ah muwaadinad u dhalatay DDSI  kana mid ah qurba joogta DDSI ee ku   dhaqan wadanka Sweden ayaa deegaanka soo gaadhsiiyay agab kala duwan oo ay ugu talagashay  adeegyada caafimaadka DDSI waxayna munaasabad lagula kala wareegayay agabka caafimaad ka  dhacday magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee huteelka city Crown.

Waxaana ka soo qaygalay munaasabadii lagula kala wareegayay agabkan caafimaad masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, maareeyaha wakaalada xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf, maareeye ku xigeenka Ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi maxamed cabdi (dhagalaab)  iyo masuuliyiin kale oo iskugu jirta qurba joog iyo qaran joogba.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo  uga mahad caliyay marwo maariya cumar dareenka wadaninimo ee ay muujisay kuna keentay  agabkan caafimaadka ee ay ka soo iibisay wadanka dibadiisa waxaa kale oo uu wasiirku u mahad celiyay ururka horumarinta soomalida itoobiya oo hirgalisay soo qaaditaanka agabkan caafimaad  oo  soo mariyay masaafo aad u dheer maadaama oo laga keenay wadanka dibadiisa, wasiirka ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay agabkan caafimaad. Isaga oo tilmaamay in uu qayb-wayn ka qaadanayo dadaalada ay xukuumada DDSI  kor ugu  qaadayso tayada iyo fidinta  adeega caafimaadka DDSI.

Dhankeeda marwo Maariya Cumar Cali oo ah qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku nool wadanka Sweden oo ka hadashay munaasabadaasi ayaa ugu horayntii u mahad celisay masuuliyiinta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay sheegtay in ay tahay xukuumadii hirgalisay is fahanka, wada shaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya qurba joogta iyo deegaanka. Waxaa kale oo ay u mahad celiyay marwo maariya masuuliyiinta ururka horumarinta somalida itoobiya oo suurta galiyay ayay tidhi soo qaaditaankii agabkan. Iyada oo sheegtay in agabkan caafimaad ee ay ku deeqtay deegaanka gaar ahaan xafiiska caafimaadka DDSI uu yahay agab ka  qayb-qaadanaya dadaalada lagu fidinayo adeegyada caafimaadka DDSI.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxay marwo  maariy ku wareejisay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI furayaal iyo  liis ay ku qoran yihiin noocyada kala duwan ee agabka caafimaadka ee ay ku  deeqtay xafiiska caafimaadka DDSI. dhankooda ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo xafiiska caafimaadka DDSI ayaa iyaguna shahaado sharafyo  gudoonsiiyay marwo maariya cumar, iyada oo  dhinaca kale xafiiska caafimaadka DDSI uu hadhimo sharafeed u sameeyay marwo maariya cumar cali iyo xubno kale oo qurba joog ah.

MW CMC Oo Kusoo Laabbtay Xarunta Deegaanka...

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews) Axad 27ka November 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa kusoo laabtay xarunta deegaanka kadib markuu galinkii danbee maanta usoo dhamaaday shirkii ka qabsoomay magaalada dire dawa ee lagusii dardargalinayay qorshayaasha horumarineed iyo sii xoojinta nabadgalyada dhanka xuduudaha. Iyagoo wakhti xaadirkan soo gaadhay xarunta deegaankeena. Waxayna Madaxwaynaha iyo waftigiisa wakhti xaadirkan kusuganyihiin xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Tababar Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 28ka November 2016.Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen Geedi-socodka Horumarinta macalimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI iyo Hay'ada Unicef islamarkaana ujeedadiisu tahay qiimaynta joogtada ah iyo maaraynta fasalka  si kor loogu qaado tayada waxbarashada ayaa si habsami leh loogu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarshada DDSI.

Hadaba, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah macalimiinta degmooyinka kale ah Baabili, Afdam, Hadhagaala, Tuli iyo Ma’ayso islamarkaana tiradoodu dhantahay 110 Bare ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay Gadhwadeenka G/S Horumarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta Waxbarashada mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo shegay in tababarkani socday mudo sadex maalmood ah islamarkaana macalimiinta lagu barayay casharo laxidhiidha qiimaynta Joogtada ah iyo maaraynta fasalka.

Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in tababarkan fulintiisa ay xafiiska iska kaashadeen hay'ada UNICEF, isagoo tilmaamay in tababarkani ahaa mid kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee macalimiinta islamarkaana macalimiintii kasoo qaybgashay faaiido badan u leh loona baahanyahay in ay kadhaqan galiyaan una sii gudbiyaan dugsiyadii iyo goobihii ay kakala yimaadeen.

Ugudanbayna macalimiintii tababarka qaadatay oo kawrbixiyay dareenkooda ayaa sheegay in sadexdii cisho ee tababarku socday ay barteen casharo muhiim ah oo faaiido badan u leh. Waxayna balan qaadeen inay gaadhsiinayaan dugsiyadii ay macalimiinta ka ahaayeen.

Wasiirka Horumarinta Xoolaha Iyo Reerguuraaga DDSI Oo Ka Warbixisay Diyaar Garowga Xuska Maalinta Xoolo Dhaqatada.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 29ka November, 2016. Dawlada deegaanka soomalida itoobiya ayaa sanadkan martigalinaysa munaasabada 16aad ee xuska maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya taasi oo ka dhicidoonta caasimada DDSI ee jigjiga 17ka bisha Dir, 2009TI.

Haddaba, wasiirka horumarinta xoolaha iyo Reer-guuraaga DDSI marwo Faadumo Cabdilaahi Takhal oo xafiiskeeda ugu waramasay warbaahinta DDSI  ayaa ka warbixisay diyaar garowga loogu jiro marti galinta xuska maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya. Wasiirka ayaa sheegtay in la dhisay   gudiyo kala duwan oo  heer deegaan ah iyo gudiyo isku dhafka oo ah heer deegaan iyo heer fadaraal ah  kuwaasi oo ku hawlan hirgalinta qorshe hawleedkii loogu diyaar  garoobayo  marti galinta  munaasabada  16aad ee  xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya.

Mar ay ka waramasay  wasiirku ahmiyada ay leedahay munaasabada xuska maalinta xoolo  dhaqatada ayaa waxay sheegtay in munaasabadan oo  2dii sano halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid ka yihiin deegaanka somalida itoobiya, Canfarta, Oromada iyo deegaanka shucuubta koonfurta itoobuta ay tahay mid kaalin wayn ka qaadata horumarinta xoolo dhaqatada taasi oo xubnaha horumuudka ah ee xoolo dhaqadada lagu siiyo  abaalmarino kala duwan oo dhiiragalin ah islamarkaana ay xoola dhaqatada deegaanada dalkeena itoobiya  isku waydaarsadaan aqoon korodhsi iyo khibrad wadaag.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa sheegtay in si meeqaam sare ay xukuumada DDSI iyo xafiiska horumarinta Reer guuraaga DDSI  ugu diyaar garoobeen martigalinta xuska 16aad ee maalinta xoolo dhaqatad dalkeena itoobiya. 


Tartanka baaskiilka ee Ture Meles Oo Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Talaado 29ka November 2016. Waxaa xurunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka qabsoomay tartankii baaskiilka oo ay ku tartamayeen labada magaalo ee kala ah Addisababa iyo maqale. Kuwaas oo saaka kasoo kicitamay magaalada diredawa iyagoo duhurnimadkii soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada DDSI mudane Maxamed Bile Xasan oo kawaramay tartankan ayaa sheegay inuu tartankan yahay mid lagusoo dhawaynayo xuska 11 ee 29 hidhaar kaasoo ka dhici doona deegaanka hararida, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in tartankan loogu magic daray ture meles islamarkaana uu yahay markii 3aad ee deegaanka lagu qabto tartanka baaskiilada ee ture meles.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku sheegay inay tartamayaashu ay 2 cisho kadib tartan 80 km ah kusamayn doonaan magaalada jigjiga, Kasoo loogu talagalay iska dhexgalka bulshada islamarkaana uu aad usoo dhawaynayo tartankan loogu talagalay is dhexgalka bulshada.

Mashruuca PCDP Oo Gawaadhi Ku Wareejiyay 15 Degmo.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), talaado, 29ka November, 2016. Mashruuca horumarinta bulshada Reer guuraaga DDSI ee loo soo gaabiyo PCDP ayaa  15 gaadhi gudoonsiiyay 15 degmo oo ka mid ah 54 degmo ee mashruucani ka hawlgalo, waxayna ka mid yihiin 47 gaadhi oo uu mashruucani  u soo iibiyay degmooyinka uu  ka hawlgalo waxayna ahayd dhawaan markii 32 gawaadhi  uu mashruucani ku wareejiyay   32  degmooyinka oo ka mid ah degmooyinka uu ka hawlgalo mashruucani

Maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI  mudane Cabdifataax  Axmed Ismaaciil  ayaa ku wareejiyay furayaasha gawaadhitan masuuliyiinka socotay degmooyinka lagu wareejinayay gawaadhidan isaga  oo sheegay inay  15 gaadhi oo ah qaybtii 3aad  kana mid ah 47 gaadhi ee uu soo iibiyay si loogu xoojiyo hirgalinta mashaariicaha   kala duwan ee uu mashuucu ka wado degmooyinka uu ka hawlgalo gaar ahaan dhinacyada adeegyada  biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, jidadka  iyo adeegyada kale ee bulshada aasaasiga u ah ah  wuxuuna maareeyuhu ku booriyay masuuliyiinta lagu wareejiyay gawaadhidan in ay ilaaliyaan daryeelka gawaadhidan.

Dhankooda qaarka mid ah masuuliyiinta lagu wareejiyay gawaadhidan oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in ay sidii loogu talagalay oo kaliya ugaga  faa’iidanayaan gawaadhidan, kuna fulinayaan  adeegyadii  loogu talagalay.

 

.

Dugsiga Sare Ee Tuulada Laylakaal Oo Xadhiga Laga Jaray.

$
0
0

Laylakaal(cakaaranews), talaado, 29ka November, 2016. Masuuliyiin uu hogaaminaya gudoomiyaha degmada harawo  ayna ku wehelinayaan shaalaqaha ciidanka booliska gaarka ah qaybta ka hawlgasha  degmada harawo  ayaa xadhiga ka jaray dugsiga sare oo laga hirgaliyay  tuulada laylakaal oo ka tirsan degmada  Harawo ee Gobolka Faafan.

Waxaana ka hadlay munaasabadii xadhig ka jarka dugsigan sare gudoomiyaha degmada harawo mudane Cabdikariin Ciise oo ugu horayntii u mahad celiyay bulshada ku dhaqan tuulada laylakaal sida fir fircoon ee ay uga qayb-qaateen dhismaha dugsigan sare ee tuulada laylakaal. Isaga oo ka warbixiyay ahmiyada uu u leeyahay bulshada ku dhaqan laylakaal iyo nawaaxigeeda kana qayb qaatan doona dadaalada kor loogu qaadaya tayada waxbarashada deegaanka gaar ahaan bulshada ku dhaqan degmada hawaro.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuulada layla-kaal ayaa soo dhaweeyay xadhig ka jarka dugsigan sare waxayna ka warbixiyeen baahida waxbarasho ee loo qabay  furitaanka dugsigan sare iyaga oo  intaasi ku dareen in ay ilaalinayaan daryeelka dugsigan sare kagana maarmayaan waxbarashadii dugsiyada sare ee meelaha ka fog tuuladan laylakaal loo doonan jiray.

 

 

Koox kawaday Daraasaad Kusaabsan Cudurada Iyo Cayayaanka Waxyeeleeya Dalaga Gobolada Shabeele iyo Qoraxey

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews)Arbaco, 30ka November 2016. Koox uu Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI u diray gobolka shabaale iyo qoraxey islamarkaana kawaday daraasaad ku saabsan cudurada waxyeelada dalaga iyo cayayaanka oo sheegay n ay si habsami leh u soo gabagabeeyeen daraasaadkii.

Hadaba, madaxa kooxda daraasaadka kawada gobolada shabeele iyo qoraxeey ahna Madax- Kooxeedka Waxsoosaarka Dalaga iyo Kahortaga Cudurada kudhaca dalaga ee Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Cabdifataax Makhtal oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in shaqooyinkii daraasaadka ee ay kawadeen 2 da gobo lee shabeele iyo qoraxeey ay soo gabgabeeyeen kadib markii ay mareen tuulooyinkii u qorshaysnaa degmooyinka  2da gobol.isagoo carabka ku dhuftay in sidookale daraasaad noocan ah uu kascodo gobolka afdheer iyo liibaan.

Wuxuuna intaa kudaray in si wanaagsan ay daraasaadkii uga sameeyeen qaarkamid ah degmooyinka hoosyimaada gobolka shabeele iyagoo maray dhamaan tuulooyinka dib-udajinta laga sameeyay sidookale waxuu tilmaamay in kooxdu martay degmooyinka hoosyimaada gobolka qoraxey islamarkaana ay rajaynayaan in natiijada shaqadoodu noqon doonto mid wax ku ool ah, faa’iido balaadhana u leh bulshada xoolodhaqato-beeralayda ah ee ku dhaqan gobolada Shabeele iyo Qoraxey. wuxuuna carabka kudhuftay in xafiiska ay qorshaha ugu jirto in dhamaan Gobolada laga sameeyn doono daraasaadka noocan ah.

Ugudanbayna qaarkamid ah kooxda daraasaadka wada ayaa xusay in shaqadani ay tahay shaqo muhiim ah oo ay u baahanyihiin bulshada xooladhaqato-beeralayda ah ee kunool gobolka shabeele.

Tartanka Baaskiilda Ee Soo Dhawaynta Xuska 11aad 29 Hidhaar

$
0
0

Jigjiga(Cakaarnews) Arbaco 30ka November 2016.Waxaa maanta xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka qabsoomay tartankii baaskiilada oo ay ku tartamayeen kooxo kala duwan oo ka kala socday qaar kamid ah deegaanada dalka iyo ismaamulada, kuwaas oo kala ahaa, 3 koxood oo Addis ababa, 2 kooxood oo deegaanka tigray ah, 1 koox oo dire dawa ah iyo  xubno deegaankeena ah,

Hadaba Wasiirka xafiiska ciyaaraha iyo dhalinyarta DDSI mudane Maxamed Bile Xasan oo kawar bixiyay tartankan baaskiilada ee ka qabsoomay magaalada jigjiga ayaa sheegay inuu tartankani yahay mid qayb ka ah xuska munaasabada 11aad ee 29ka Hidhaar kaasoo ka dhici doona deegaanka Hararida, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray inuu tartankan uu ahaa 120 km oo ay ku tartamayeen raga  iyo 60 km oo ay ku tartamayeen gabdhaha, Islamarkaana loogu talagalay inay isku dhexgalaan kooxaha kala duwan ee kala socday qaar kamid ah deegaanada dalka labada ismaamul magaalo.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku xusay in tartankan uu muhiim uyahay deegaankeena islamarkaana uu keenayo isdhexgal dhanka bulshada ah iyo waliba dhalinta deegaanka oo ku dhiiran doona kooxahan iyagoo kusii dadaali doona barashada noocyada kaladuwan ee ciyaaraha.

Xuska 29 aad Ee Maalinka Kahortaga Iyo Xakamaynta HIV/AIDS

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 1da December 2016. Munaasabada xuska 29aad ee maalinka kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS oo halku dhag looga dhigay ‘’aan si wadajir ah uga hortagno cudurka HIV-AIDS’’ayaa saaka si heer sare ah loogu xusay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

XafLadan lagu xusayay maalinka kahortaga iyo xakaymaynta HIV/AIDS oo ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiinta heer degaan, agaasimayaasha xafiisyada , culimo awdiinka, odayaal-dhaqameed, ciidamada qaranka , ciidamada kaladuwan ee deegaanka, qaarkamid ah ardayda dugsiyada iyo waliba martisharaf kale ayaa waxaa ugu horayn furitaankii xaflada kahadlay Wasiirka Xafiiska horumarinta khayraadka Biyaha DDSI ahna Madaxa Xarunta Dhexe lehna awood madaxwayne kuxigeen marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo sheegtay in maanta ay tahay maalinta xuska kahortaga iyo xakamaynta HIV AIDS, iyadoo maantana ay atahay maalin heer caalam loo asteeyay kohortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS.

 Waxayna xusatay wasiiradu in cudurkani uu yahay cudur dilaa ah oo aan daawo lahayn, muhiimna ay tahay in la iska ilaaliyo siyaabaha uu kuyimaado islamarkaana aan siwada jir ah uga hortagno.

Sidookale, waxaa iyadna dhankeeda kahadashay Wasiirka Xafiiska Kahortaga Iyo Xakamaynta cudurka HIV-AIDS marwo Kaamila Axmednuur oo sheegatay in maanta oo ku began 1-12-2016 ay tahay maalinka kahortaga iyo xakamaynta HIV-AIDS islamarkaana xuskani uu yahay xuskii 29aad ee laga xuso dalka iyo deegaankaba hal kudhagna looga dhigay aan si wada jir ah uga hortagno cudurka HIV-AIDS.

Wasiirada oo hadlakeeda sii wadata ayaa tilmaantay in cudurkan dilaaga ahi ay keento sababo dhawr ah oo ay kow katahay galmada xaaranta ah.

Dhankakale, qaarkamid ah odayaasha deegaanka ayaa si qodo dheer uga hadlay cudrka iyagoo sheegay in la iska dhawro galmada xaaraanta ah maadaama oo aakhiro iyo aduunba saamayn xun kugu yeelanayso.

ugudanbayna xuskan oo lagu soo bandhigay heeso iyo riwaayado wacyigalin ah oo katurjumaya khatarta cudurka islamarkaana kasooqaybgalaayshu aad ula dhaceen ayaa waxaa gunaanadkii laislaaqatay in siwada jir ah looga hortago cudurka. Waxayna xafladu kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay.

 

MW CMC Oo Ka Dagay Qabdridahar.

$
0
0

Qabridahar, (cakaaranews),jumce, 2da December, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo  uu hogaaminayo ayaa ka dagay  garoonka diyaaradaha qabridahar international Airport

Waxayna, waftigan uu hogaaminaya madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ujeedada socdaalkoodu tahay in ay ka qaybgalaan shirwaynaha heer qaran ee  Qiimaynta mashaariicaha horumarka waara oo ka dhacaya  magaalada qabridahar. madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa wakhti xaadirkan ku sugan magaalada qabridahar. 

 Warkan oo faah-faahsan kala soco wararkayaga danbe.


Kormeer Ay Sameeyeen Maamulka Degmada Ceelkari

$
0
0

Ceelkari(Cakaaranews) Jumce 2da December 2016. Masuuliinta maamulka degmada ceelkari ee gobolka afdheer oo ay ugu horayso gudoomiyaha degmada ceelkari marwo Aniiso Mukhtaar oo kormeer indha indhayn ah ku gaadhay beeraha sentarka Hilomadow ee degmada ceelkari.

Hadaba gudoomiyaha degmada ceelkari marwo Aniiso Mukhtaar oo uwarantay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegtay inuu kormeerkan indha indhaynta ah ujeedadiisu yahay xaalda bulshada beeralayda ah ee tuulada hilamadow, Iyo waliba xaaldooda nololeedba, Waxayna gudoomiyuhu intaa ku dartay inay bulshada ku baraarujiyeen sidii ay dhulka ugu foorarsan lahaayeen islamarkaana usamayn lahaayeen waxsoosaar ay kaga baxaan codowgeena koobeed ee saboolnimadka. Ugu danbayna waxay gudoomiyuhu xustay inay sii wadi doonaan kormeerkooda islamarkaana ku wacyigalin doonaan waxsoosaarka beeraha.   

Shir Loo Qabtay Shaqaalaha MM Jigjiga

$
0
0


Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 3da December 2016. Kulan ay kasoo qaybgaleen masuuliinta MM jigjiga oo uu ugu horeeyo maayorka mm jigjiga mudane Axmed maxamed, Madaxa arimaha xisbiga mm jigjiga mudane cabdulaahi maxamed , maareeyaha, mm jigjiga mudane fadxi shugri, Shaqaalaha mm jigjiga,iyo waliba teamka dabagalka iyo taakulaynta xafiiska maamulka DDSI ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.


Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maayorka mm jigjiga mudane Axmed muxumed oo sheegay in ujeedada kulankan yahay sidii loosii dardargalin lahaa shaqooyinka kala duwan ee mm jigjiga iyo waliba in qof walba lagula xisaabtimi doona halka uu shaqada uu hayo kaga aadan yahay islamarkaana qofwalba lagu abaalmarin doona sida ay shaqadiisa noqoto. Wuxuuna masuulku intaa ku daray in shaqaalaha mm jigjiga loo bahanyahay inay si hagar la aan ah ay bulshada adeeg usiiyaan.

Dhanka kale waxaa iyana fikirkooda ka hadlay qaar kamid ah shaqaalaha mm jigjiga oo sheegay inay sidii loogu talagalay ay bulshada ugu adeegi doonaan islamarkaana halkaa kasii wadi doonaan dadaalka shaqo ay bulshada adeega kusiinayaan.

 

 

Raysil-wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Goday Ka Soo Dagay.

$
0
0

Goday,(cakaaranews),sabti, 3da December, 2016. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Raysil-wasaare ku xigeenka JDFI mudane Demaqe Mukonnon oo ay  ku wehilinayaan wasiirka arimaha fadaraalka iyo xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase  Tegle Burhaan, Maareeyaha guud  kuliyada tababarada  hogaaminta sare  ee Males mudane Adisu Lagase iyo masuuliyiin ka socday dawlad deegaanada dalka  ayaa galabta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada goday.

Waxana,si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada goday masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane maxamedrashiid isaaq, masuuliyiin heer deegaan ah , masuuliyiinta maamulka gobolka shabeele, maamulka magaalada goday, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada goday, dhankooda  kooxaha fanka iyo suugaanta ee  maamulka magaalad goday ay ku soo dhaweeyeen waftigan, ciyaaraha dhaqanka  DDSI.

Soo dhawayn ka dib, waxay waftigan si wada jir ah u booqdeen iskaashatooyinka beeralayda ah ee ku hawlan wax soo saarka dalaga kala duwan, beerahaasi la booqday ayaa laga hirgaliyay  tuulada  kunka oo ka tirsan degmada goday  taasi oo ay waftigani u kuurgaleen geedi socodka wax soo saarka iskaashatooyinkan iyaga oo  warbixinana ka dhagaystay  xubnaha beeralayda ah.

Waxayna waftigan xili danbe oo habeen ah ka soo baxeen magaalada goday iyaga oo caawa 8:00 fiidnimo soo galay magaaladda qabridahar wakhti xaadirkana ku sugan magaalada qabridhar.

Socdaalka waftigan kala soco wararkayaga danbe

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiiis

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 4ta December 2016. Waxay dhamaan wakaalada warbaahinta DDSI ogaysiinaysaa bulshada qaybaheeda kaladuwan ee ku nool dalka iyo daafaha caalamka islamarkaana ku xidhan daawashada muuq baahineedka ESTV in saacadihii wararka ee ESTV kabixi jiray lagu soo biiriyay 1:30 duhurnimo. Oo ay si toosa wakaaladu u bilabayso maalinka isniinta ah.

Hadaba, waxaa dhamaan bulshada danaysa daawashada muuq baahineedka  ESTV loogu bishaaraynayaa in 7:30 ama 1:30 duhurnimo  maalinka isniinta ah ee taariikhdu tahay 5-12-2016 G.C taariikhda dalkeenuna tahay 25-3-2009 T.I ay ka daawadaan wararka deegaanka, dalka iyo caalamka. Iyadoo laga bilaabo maalinkaasna uu saacad wareedkaasi joogto noqon doono maalin kasta.

    

Wakaalada Warbaahinta DDSI

Waftigii Isku Dhafka Ahaa Oo Booqday Mashaariico Horumarineed.

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews), Axad, 4ta, December, 2016. waftigii isku dhafka ahaa ee uu hogaaminayay Raysil-wasaare ku xigeenka JDFI mudane Demaqe Mukonnon Xuseen  oo ay horkacayaan masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta booqday mashaariico horumarineed oo waawayn.

Waxaana ka mid ahaa mashaariicaha ay booqdeen maanta waftigani mashruuca waraabka wax- soo saarka beeraha ee laga hirgaliyay tuulada  maraacaato  oo ka tirsan degmada qabridahar,  waxayna waftigani si wada jir ah u soo  indha indheeyeen geedi socodka shaqo ee mashruucan oo ka mid ah mashaariicaha horumarka waara( SDG)  ee laga hirgalinaya DDSI.

Waftigan  ayaa markii ay soo dhamaysteen booqashada mashuucan maraacaato waxay dib ugu soo noqdeen magaalada qabridahar. Waxana halkaasi ka bilaabeen booqashada mashaariicaha laga hirgaliyay magaalada qabridahar iyaga oo ugu horayntii booqday kuliyada tababarada macalimiinta ee qabridahar oo ah kuliyada ay hirgaliyay xukuumada DDS,  sidoo kale waxay booqdeen cisbitaalka guud  magaalada qaridahar oo ah cisbitaal lagu hirgaliyay dhismihiisa muddo halsano  ah iyo dugsiga sare ee ee magaalada qabrihadar oo ah mid hadda la dhamays tiray dhismihiisa

Waftigan isku dhafka ah oo u kuurgalayay guud ahaanba mashaariicaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI hirgalisay  sanadihii  ugu danbeeyay ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa meelaha ay booqteen maanta kuliyada tababarka, xirfadaha iyo farsamada qabridahar, kuliyada caafimaadka magaalad qabridahar iyo garoonka  diyaaradaha  magaalada qabridahar kaasi oo ah garoon caalami ah ay xukuumada DDSI ku dhistay awoodeed islamarkaana ah garoonkii ugu horeeyay ee uu dhisto dawlad deegaan ka mid ah deegaanada dalkeena itoobiya.

Gabagabadii booqashadan  ayaa waxaa la hadlay warbaahinta dalka Raysilwasaare ku xigeenka JDFI mudane Damaqe Mukonnon Xuseen oo sheegay in ay booqashadan indho indhaynta ah ay  ku soo arkeen  waxqabad mugwayn oo dhinacyo badan leh oo  mudo kooban ay xukuumada DDSI ku hirgalisay.  wuxuuna sheegay in ay mashaariicahan  qayb ka yihiin  qorshayaasha lagu  tir-tirda saboolnimada islamarkaana ay yihiin tiirarka lagaga midho dhalinayo gaadhida horumar waara oo joogtaysan.

 

 

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live




Latest Images