Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Kadagay Dire Dawa International Airport

$
0
0

Diridhaba(CN) Axad, 31ka January 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shirkii kaqabsoomay xarunta wadankeena itoobiya ee lagaga wada hadlay xaalada guud ee dalka kadib saaka u ambabaxay dhanka ismaamulka diridhaba isagoo kadagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Diridhaba.

Hadaba, madaxwaynaha ayaa halkaa kaga qaybgali doona shirka golaha amaanka oo ay kasoo qaybgali doonaan wufuud kaladuwan oo kakala socota dawlada federalka, hay’adaha amaanka ee dalka iyo deegaanka, hogaaminta gobolada deegaanka i.w.m.

 

wararka shirka amaanka oo faah-faahsan kala soco Cakaaranews.com


Kulan Lagu Xoojinayay Hirgalinta Hawlaha Horumarka ee Degmada Garbo.

$
0
0

Garbo(CN) Axad, 31, January, 2016, Waxaa ka dhacay magaalada Garbo ee xarunta degmada garbo ee gobolka Nogob kulan ay ka soo qaybgaleen qaarka mid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Nogob, masuuliyiinta degmada garbo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada garbo.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu sii xoojinayo hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo saxiloonida guud ahaanba gobolka  gaar ahaana degmada garbo. waxaana  hogaaminayay kulankaasi  hogaanka nabadgalyada gobolka Nogob mudane Guuleed Maxamed Ismaciil, madaxa  arimaha siyaasada ee Gobolka Nogob Muuse Maxamed Xusen iyo gudoomiyaha degmada Garbo mudane  Cabdi Xasan.

Masuuliyiintan ayaa u soo bandhigay  qaybaha kala duwan ee  bulshada jihooyinka horumarineed siyaasadeed iyo nabadgalyo  ee u dajisan  xukuumada DDSI waxayna sheegeen masuuliyiintani in uu shacabku yahay mulkiila yaasha iyo hirgaliyayaasha hawlaha horumarka iyo nabadgalyada. waxayna  sharax dheerna ka siiyay kaalinta ay kaga qayb-qaadanayaan.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo qayb-gashay kulankaa  ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan hawlaha horumarka iyo  nabadglayada waxayna siwayn ugu mahad celiyeen heerarka kala duwan ee xukuumada DDSI dadaalada balaadhan ee ay kor ugu qaadayso qaybaha nolosha bulshada DDSI.

MW CMC Oo Furay Shirka Golaha Amaanka

$
0
0

Diridhaba(CN) Isniin, 1 febuary 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka furay shirka xiliilaha ah ee golaha amaanka ee deegaanka oo kadhacay hoolka shirarka ee huteelka Samrat ee magaalada diridhaba.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin: janaralka ciidanka difaaca qaranka qaybta koonfur bari mudane janaraal Abraham woldemariam, hogaanka nabadgelyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Yaasiin Cabdi Waris, janaraalka guud ee ciidanka gaarka ah mudane Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, gudoomiyeyaasha gobolada, hogaamada nabadgelyada heer gobol iyo mas'uuliyiinta kifladoorada.

Hadaba furitaankii shirkan ayuu madaxwaynuhu usheegay mas’uuliyiinta heerarka kaladuwan inay warbixinta dhanka nabadgelyada ay si kooban usoo dhigaan kadibna la isla eegi doono xaalada guud ee amaanka deegaanka iyo heerka uu marayo maanta.

Waxaana sidaa kubilaabatay soo jeedintii warbixinta iyadoo dhamaan ay hay’adaha amnigu warbixinadiina halkaa kasoo jeediyeen sida: ciidanka difaaca qaranka, ciidanka gaarka ah gaar ahaan kuwii kusugnaa xuduudaha, ciidanka federal booliska, ciidanka booliska ee nabadgelyada magaalooyinka deegaanka iyo waliba warbixinta ciidanka gaarka ah ee kusugan wadanka soomaaliya.

 Sidoo kale, waxaa shirkan lagu eegay xaalada nabadgelyada xuduudaha dalkeena itoobiya. Waxaana la isla qaatay in 100% ay xaalada nabadgelyada dalka iyo deegaankuba taam tahay. balse, Si loo sii xoojiyo amniga xuduudaha in ciidanka gaarka ah ee deegaanka iyo ciidanka qaranka oo iskudhafan ladajiyo xuduudaha dalka.

kadib, soo jeedintii warbixinada iyo qiimayntoodii ayuu shirkii golaha amaanka ee xiliilaha ahaa madaxwaynuhu sidaa kusoo xidhay.

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Austria Oo ka Soo Dagay Garaad Wiil waal.

$
0
0

Jijiga (CN) isniin, 1da February, 2016, Wafti  balaadhan  oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada wadanka Austria mudane Sebastian Kurz oo ay ku wehelinayaan  masuuliyiin sare oo uu ka  mid yihiin  danjiraha wadanka Austria u fadhiya itoobiya Dr. Andreas Melan  ayaa si meeqaam sare ah  loogu soo dhaweeyay garoonka  diyaaradaha ee garaad wiil-waal international Airport ee jigjiga.

Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka, qaarka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxwayne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee  XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, afhayeenka golaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHI mudane Maxamedrashiid Isaaq, qaarka mid ah golaha wasiirada iyo kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI. 

Waftigan  ayaa ku yara nastay qolka nashashada ee garoonka ka dibna loo soo  galbiyay xarunta madaxtooyada DDSI halkaasi oo kulan balaadhani ku dhexmaray hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha DDSI  masuuliyiinta xukuumada iyo waftigan uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada wadanka Austria.

Afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo hogaaminayay kulankaasi ayaa ugu horayntii si diiran ugu soo dhaweeyay waftigan deegaanka gaar ahaana caasimada deegaanka ee jigjiga una mahad celiyay waftigan soo booqday deegaanka. Wuxuuna sharax guud ka siiyay waftigan xaalaada guud ee deegaanka, soonyaalkii taariikheed ee uu soomaray iyo heerka uu hada taagan yahay gaar ahaan dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo qaabdhismeedka dawlada deegaanka soomalida itoobiya. Afhayeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa u sheegay waftigan waxyaabaha  ay DDSI  uga baahan yihiin wadanka Austria in ay  kala qayb-qaataan gaar ahaan sii xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha DDSI.

wasiirka arimaha dibada wadanka Austria mudane Sebastian Kurz oo ka hadlay kulankaasi ayaa ugu horayntii u mahad celiyay xukuumada DDSI sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaanka wuxuuna ka warbixiyay ujeedada socdaalkooda oo uu sheegay in ay ka mid tahay in ay  soo arkaan horumarka balaadhan iyo xasiloonida taamka ah ee  ka hirgalay deegaanka somalida itoobiya  islamarkaana ay kala qayb-qaataan  hawlahaasi horumarka ee sida xawliga ah uga hirgalay DDSI.

Waftigan ayaa  booqan doona qaarka mid ah mashaariicaha horumarineed ee deegaanka gaar ahaan xarunta deegaanka  iyo xerada  qoxootiga magaalada qabribayax ee degmada qabribayax.  

 

 

Gobalka Siti & Tababarkii Macaliminta Luuqada Afka-Hooyo

$
0
0

Erar(CN) Isniin 1 February 2016 Si kor loogu qaado luuqada afka-soomaaliga ayaa waxaa maalmahan ba tababaro kasocdaan Gobalada DDSI, Waxaana Degmada Erar ka socda tababar lagu tababarayo macalimiinta afka soomaaliga ee dhaman Dugsiyada Dagmooyinka Gobalka Siti.

Tababarkan oo uu fulinayo Xafiiska Waxbarashada DDSI oo kaashanaya Haayada RTI, USAID iyo waliba wasaarada Waxbarashada Heer Federal ayaa waxaa lagu tababarayaa macalimiinta luuqada Afka Soomaaliga  oo tiradoodu kabadantahay 200,  oo Macalin, waxaana shabakada cakaara uga waramay Khabiir katirsan Xafiiska waxbarashada DDSI ahna hogaamiyiha kooxda fulinaysa Tababarkan Mudane Ridwaan Maxamed oo sheegay in tababarku uu u socdo sidii loogu talagalay islamarkaana ay ka sooqaybgaleen macalimiintii loogutalagalay waxa uuna hadalkiisi kudaray in casharada tababarka ay bixnayaan khabiiro aqoon dheeraad ah uleh luuqada afka soomaaliga iyo waliba manhajkan cusub.

Ugudanbayna dhankooda macalimiinta tababarka qaadanaysay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamaarkaana uu ugu socdo si heer sare ah oo ay ka faa iideen waxyaabo badan oo kusaasan habka baris barasho iyo culuumta afka soomaliga, waxayna balan qaadeen in ay uga faa iidaynayaan ardaydii iyo dugsiyadii ay kayimaadeen.

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo La Soo Wareegay Gaadiid Cusub.

$
0
0

Addis abab, (CN) isniin, 1da February, 2016, Sidaad wararka yagii hore kula socoteen waxaa kulan ka dhacay wasaarada arimaha fadaraalka ee JDFI ay   wasarada caafimaadka JDFI ku wareejisay madaxwaynaha DDSI  mudane Cabdi Maxamuud Cumar  gaadiid loogu talagalay in lagu xoojiyo dhinaca adeegyada caafimaadka ee dawlada deegaanka somalida itoobiya gaadiidkaasi  oo kala ahaa  72 baabuur oo ah TOYOTAHILUX  iyo160  motorcycles.

Haddaba  si loo soo gaadhsiiyo deegaanka islamarkaan ay u qabataan hawlihii shaqo ee loogu talagalay  ayaa waxay wasarada caafimaadka JDFI ku soo wareejisay gaadiidkan  qaybtii ugu horaysay   masuuliyiin ka socday xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay Gadhwadeenka Geedi socodka maamulka lacagaha, hantida iyo adeeg’bixinta ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Ibraahin Axmed.  Kaasi oo ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu gaadiidkani u leeyahay kor u qaadida iyo sii xoojinta adeegyada caafimaadka.

 

 Wuxuuna sheegay gadhwadeenku in  gaadiidkan lagu xoojidoono adeegyada cisbitaalada iyo   xarumaha caafimaadka taasi oo qaybtan ugu horaysay mihiimada la siiyay  cisbitaalada   si looga midha dhaliyo  dhimida dhimashada hooyada iyo dhalaanka  taasi oo ka mid ah   qorshaha GPT2 ee ku saabsan dhinaca adeegyada caafimaadka ee dawlada deegaanka soomalida itoobiya iyo ta JDFI

Diyaarinta Manhajka Kuliyadaha DDSI

$
0
0

Jigjiga(CN) Isniin 1da February 2016, Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada DDSI  (TVET) , kuna saabsana diyaarinta Manhajka ee dhamaan kuliyadaha DDSI ayaa saaka ka furmay Hoolka Shirarka ee Kuliyada Farsamada iyo Xirfadaha ee Jigjiga (Jijiga Polytechnic College)

Tababarkan oo u jeedadiisu ahayd kor u qaadida iyo Diyaarinta Manhajka Kuliyadaha iyo TTLMka ayaa waxaa looqabtay 80 Bare oo ka kalasocotay Kuliyadaha Dawliga ah iyo kuwa aan Dawliga ahayn labadaba.

Tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi isagoo sheegay in tababarkani ahmiyad balaadhan u leeyahay tababartayaasha iyo  dhamaan kuliyadaha islamarkaana laga filayo in ay kasoo hooyato faa iido balaadhan.Waxa uuna intaa kudaray in Xafiisku uu qabtay Qiimaynta 6da bilood ee sectorka Tvetka islamarkaana ay ka sooqaybgaleen dhamaan masuuliyiinta kuliyadaha DDSI kadibna dhaliilihii la arkay loobadalay qorshe isagoo qabtay labo tababar oo is ku xiga oo ujeedadoodu tahay sixida waxyaabaha ka dhiman kuliyadaha dhan kasta, iyo kobcinta aqoonta maamulka kuliyadaha.

waxa uuna masuulku ku gaba gabeeyay hadalkiisii in isbadal fiican laga filayo hirgalinta tababaradan waxa uun kula dardaarmay inay tababartaayshu ay ficil kumuujiyaan waxyaabihii ay barteen la iskulana xisaabtami doono.

Kor Uqaadida Tayada Waxbarashada

$
0
0

Jigjiga(CN) Talaado, 2 February 2016, Dood cilmiyeed kusaabsan kor uqaadida tayada aqoomeed ee Hogaaminta Waxbarashada iyo Barayaasha   islamrkaana uu soo agaasimay Geedi Socodka shatibixinta iyo Dib u cusboonaysiinta Xirfada Barayaasha iyo Hogaaminta ee xafiiska waxbarashada DDSI aya ka furmay Hoolka Shirarka ee isla Xafiiska.

Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hogaaminta waxbarashada Afarta Maamul Magaalo iyo labada kuliyadood ee (TTC),Jijiga University iyo waliba khabiira kasocday isla Xafiiska Waxbarashada.

Hadaba doodcilmiyeedkan ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga waramay Gadh/GS Shati Bixinta iyo Dib u cusboonaysiinta Xirfada Barayaasha & Hogaaminta ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Axmed Yuusuf Nuur oo sheegay in dood cilmiyeed kan ujeedadiisu tahay in uu kasoo baxo cilmi waxtar uleh hogaaminta iyo waxbarashada heerarkeeda kaladuwan islamarkaana kor loogu qaadayo heerka aqoontooda. sidookalan waxa uu tilmaamay in hada kahor laga qaaday imtixaano kaladuwan kuwaasoo lagu xaqiijinayo tayada waxbarashada.

Ugudanabayna waxa uu sheegay agaasinku in  galdalooladii kasoobaxay imtaxaanaadyadii  lagu saxayo doodcilmiyeedkan islamarkaana la isla qadanayo jahooyin kii iyo qorshayaashi laga duuli lahaa.


MW CMC Oo Xadhiga-kajaray Hospitaalka Guud Ee Biki

$
0
0

Biki(CN) Talaado, 2da feburay 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal  Cumar iyo wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid ayaa saaka xadhiga kajaray hospitaal aad u wayn oo laga dhisay qabalaha Biki ee degmada Afdam ee gobolka Sitti isagoo madaxwaynuhu hogaaminaya wufuud heer deegaan, heer gobol iyo heer degmaba isugu jirtay.

Xafladan xadhig kajarka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid, mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah, maamulka gobolka sitti, maamulka degmooyinka gobolka, shacabka gobolka wadar ahaan iyo marti sharaf kale.

Hadaba, xafladii xadhig kajarka hospitaalkan ayuu madaxwaynuhu u sheegay shacabka gobolka sitti in hospitaalkani yahay mid aad u wayn oo kakooban 400 qol oo ay kubaxday miisaaniyad kabadan 35 milyan uuna u bixin doono nooc walba oo adeeg caafimaad ah bulsho kor udhaafaysa nus milyan, qalabkii, daawadii iyo shaqaalihiina horay loogu dhamaystiray. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa raaciyay, in cisbitaalkani uu daboolayo baahida caafimaad ee shacabka gobolka sitti isagoo waliba caawin doona shacabka kale ee walaaleheen ah ee aan dariska nahay.

Dhanka kale, bulshada gobolka sitti oo cabiraysa dareenkooda farxadeed ayaa si wayn u bogaadiyay una soo dhaweeyay cisbitaalkan iyagoo sheegay inay baahi aad u badan kaqabeen dhanka adeega caafimaad. Maantase ay bulshooyinka dariska ah ee ay horay ugu doonan jireen adeega caafimaad ay hada usoo doonanayaan gobolka sitti. Waxayna mahad aad u balaadhan uceliyeen xukuumada iyo X.D.SH.S.I.

Ugudanbayna madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa kusoo laabtay magaalada diridhaba isagoo madaxwaynuhu usii dhaafay dhanka xarunta deegaanka ee jigjiga.

 

MW CMC Oo Kusoo Noqday Xarunta

$
0
0

Jigjiga(CN) Talaado, 2da february 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib xadhig kajarkii cusbitaalka guud ee qabalaha Biki ee degmada Afdam dhabaha xarunta deegaanka ee soo mara magaalada diridhaba gaadiid kusoo socdaalay isagoo amin kubeegan fiidkii soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga wakhti xaadirkana kusugan xarunta.

Munaasabada Lagu Xusayay Sanad Guurada 1aad Jahliyada DDSI Norway

$
0
0

 Oslo(CN), talaado, 2, February, 2016, Munaasbad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay  aas aaskii  jahliyada DDSI ee wadanka  Norway ayaa ka dhacday magaalada Oslo ee caasimada Norway.

Munaasabadaasi ayaa waxaa soo diyaariyay hogaaminta jahliyada DDSI ee  wadanka Norwayn waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta jahliyada, waxgaradka jahliyada, kooxo fanaaniin ah  iyo qaybaha kala duwan ee jahliyada DDSI ee  wadanka  Norway.

Munaasabadan ayaa waxay ahayd mid loogu dabaal dagayo sanad guurada 1aad ee ka soo wareegtay aas aaskii jahliyada DDSI ee  Norway, in la  taageero guulaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay ka soo hoysay  dhinacyada horumarka iyo nabadgalyada iyo waliba in munaasabadaasi lagu xoojiyo ka mid noqoshada xubinimada ururka horumarinta somalida itoobiya ee jahliyada DDSI ee dalka  Norway.

Waxaana munaasabadaasi ugu horaynii ka hadlay gudoomiyaha jahliyada wadanka  DDSI ee wadanka Norway  mudane Xiis Maxamed Biixi, wuxuuna ka warbixiyay hawlihii waxqabadka ee   tan iyo intii la aas aasay jahliydan wadanka Norway u qabsoomay  iyo jihooyinka horumarineed ee ay jahliyada hiigsanayo. Wuxuuna ka warbixiyay gudoomiyuhu guulaha horumarineed xasilooni ee sida xawliga ah uga hirgalay DDSI iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay leeyihiin jahliyadan xukuumada DDSI isaga  ku booriyay jahliyadan in ay sii xoojiyaan ka qayb-galka hawlaha horumarka ee DDSI gaar ahaan dhinaca maalgashiga.

Qaybaha kala duwan ee jahliyadan DDSI ee wadanka Norway oo ay ka mid yihiin Waxgarad,odayaal iyo haweenkii ka hadlay munaasabadaasi ayaa si qoto dheer uga hadlay ahmiyada ay leedahay munaasabadani, waxayna sheegeen in ay siwayn u taageersan yihiin dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI  ka wado deegaanka gaar ahaan socdaalada ay hogaaminta xukuumada DDSI ee uu hogaaminayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ku soo mareen gobolada deegaanka sida socdaalkii horumarinta cagaaran.

 

Munaasabadan oo ay kooxda fanka iyo suugaanka ee jahliyada DDSI ee Norway ku soo bandhigayeen hoose iyo dhaantooyin ka turjimaya horumarka ka jira deegaanka ayaa ku soo dhamaantay jawi aad u wanaagsan iyada oo lagu kala qaatay qorshayaal dhaxal gal ah gaar ahaan is diwaan galinta iyo ka mid noqoshada ururka horumarinta somalida itoobiya taasi oo loo  xilsaaray gudi ka shaqaysa diwaangalinta jahliyada ee ka mid noqoshada xibinimada ururka horumarinta somalida itoobiya.

MW CMC Oo Kulan Layeeshay Gudoomiyeyaasha Gobolada

$
0
0

Jigjiga(CN) Arbaco, 3da February 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka kulan kulayeeshay hoolka shirarka ee xafiiskiisa gudoomiyeyaasha gobolada deegaanka, hogaamada nabadgelyada heer deegaan iyo kuwa gobolada, maamul magaalooyinka iyo hogaaminta ciidamada deegaanka.

Kulankan ayuu madaxwaynuhu uga waramay heerarka kaladuwan ee hogaamintan xaaladaha waxqabadka horumarineed iyo kuwa nabadgelyo ee deegaanka laga fulinayo goob kasta in la isku qiimayn doono oo uu jiro foom gacantaada iskuqiimee ah oo shaqsi kasta gacantiisa kubuuxinayo iyadoo foomkan ay horay gacantooda ugu buuxiyeen hogaaminta deegaanku iyagoo shaqsi kasta isagu waxqabadkiisa qiimaynaya. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa raaciyay inay tahay in heerarka kaladuwan ee hogaamintan ay iyana gacantooda isku qiimeeyaan oo ay foomkan buuxiyaan, iyo in buuxinta foomkani leeyahay gudi sare oo si cadaalad ah u kala saari doonta xaqiiqada waxqabadka iyo dhaliisha qof waliba sheegtay. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisa kusoo xidhay in foomkani leeyahay qaab loo buuxinayo iyo darajaynba. Tusaale ahaana dadku ay isugu jiraan qof qabtay wixii laga rabay, qof dhaafiyay wixii laga rabay, qof taakulayn ubaahan iyo qof kahoos maray wixii laga rabay.

Hadaba, heerarka kaladuwan ee hogaamintan ayaa si wayn u soo dhawaysay qiimayntan cadaalada kusalaysan ee shaqsi kasta uu isagu waxqabadkiisa iyo dhaliisha uu leeyahay uu gacantiisa kubuuxinayo. Waxayna soo dhaweeyeen inay si daacad ah uu shaqsi kasta isagoo karun sheegaya waxqabadkiisa iyo dhaliishiisa uu u buuxinayo foomkan.

Dagmada Dhuxun & Shirka Xoojinta Maamulka suuban

$
0
0

Dhuxun(CN) Arbaco 3 February 2016, Shir lagaga hadlayay hirgalinta maamulka suunban iyo qorshayaasha horumarka sida Caafimaadka Waxabarashada Beeraha iyo Nabadglayada ayaa ka dhacay Degmada Dhuxun ee Gobolka Nogob.

Shirkan ayaa waxay u jeedadiisu ahayd sii xoojinta iyo hirgalinta hawlaha horumarka Nabadgalyada Waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Gobolka Nogob, Masuuliyinta Degmada iyo qaybaha kala duwan ee  bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuxun ee Xarunta Degmada Dhuxun.

Hadaba shirkan ayaa waxaa hadalo muhiima kasoo jeediyay Madaxa  Arimaha Siyaasada ee Gobolka Nogob Muuse Maxamed Xusen, Hogaanka Nabadgalyada Gobolka Nogob Mudane Guuleed Maxamed Ismaciil iyo Gudoomiyaha  Degmada Dhuxun Mudane Axmed Saafi Amed, islamarkana kulankan ka soo jeediyay hadalo wax ku ool ah oo ka hadlaya sii xoojinta hormaka iyo  Maamulka Suuban.

Ugu danbayna waxay masuuliyiintu bulshada usoo jeediyeen in ay ka wada shaqeeyaan Hormarka iyo Nabadgalyada sidookalan  ay bulshadu isku xidhnaadaan waxsoosaara sameeyaan iyagoo iskaashatooyin samaysanaya.

Ceel Riig ah Oo Laga Hirgaliyay Tuulada Qabri-nuune.

$
0
0

Awbare(CN) Arbaca, 3da February, 2016, Waxaa laga hirgaliyay tuulada qabri-nuune ee degmada Awbare ee Gobolka Faafan ceel biyood riig ah oo ah kuwa biyaha dhulka hoostooda laga soo jiido.

Waxaana  hirgaligantiisa  ceelkan riiga  ah  fulisay hay’ada Don-Gianmaria memorial development association  oo kaashanaysa maamulka degmada Awbare. ceelkan oo tijaabo ku jiray maalmahan ayaa waxaa booqday maanta  masuuliyiinta degmada Awbare oo uu horkacayo gudoomiyaha degmada Awbare iyo masuuliyiinta hay’ada.

Haddaba waxaa  ugu horayntii kula hadlay warbaahinta deegaanka ceel kaasi dushiisa gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo ka warbixiyay ahmiyada uu bulshada u leeyahay ceelkani sidoo kalena  sheegay in ay xukuumada DDSI dadaal balaadhan ugu jirto sidii shacabka deegaanku meelkasta oo ay joogaan uga heli lahaayeen biyo nadiif ah islamarkaana cidkasta oo gacan ka gaysata dadaaladaasi ay soo dhawaynayso xukuumadu. Wuxuuna gudoomiyuhu si gaar ah ugu mahad celiyay hay’adan DGMDA oo ah hay’ad wadani ah oo ka qayb qaatada hawlaha horumarka.

Waxaa kale oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay ahmiyada uu ceelkani leeyahay  madaxa arimaha xisbiga ee degmada Awbare mudane Xikam Axmed Khaliif iyo maxada xafiiska biyaha ee degmada awbare  mudane Cabdixakiin Nuur Ahmed kuwaasi oo sheegay in ceelkani qayb ka yahay  waxqabadka qorshayaasha dhinaca biyaha kuna booriyya shacabka in ay si habsamiya uga faa.iidaystaan.

Maareeyaha hay’ada  DGMDA  mudane Fu’aad Ala Mire ayaa ka warbixiyay  waxqabadka iyo jihooyinka horumarineed ee  hay’adan waxaana ka mid ahaa hadaladiisa”  hay'addu iyadoo ka duuleysa jihada horumarineed iyo dadaalka dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ay ugu jirto xaqiijinta horumar waara iyo cidhibtirka saboolnimada ee lagu tallaabsaday shantii sano ee ugu dambeysay islamarkaana laga  gaadhay guulo wax ku ool ah  waxwayna  lagaga badalay nolosha shacabkeenna xoolo dhaqato iyo kuwa xoolo dhaqato  beeraleyda ah, ayaa waxaa sidoo kale ay hay’adani dadaal ugu jirtaa dhankeeda ka qayb-qaadashada dadaaladaasi gaar  ahaan dhinaca  mashaariicda horumarineed ee kala duwan sida. biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka kana hirgalisay meelo ka mid ah  gobolka Faafan gaar ahaan degmada Aw-barre  Sidoo  kale maanta  waxay hay'addu ka qodday qabalaha Qabri-nuno ee ka tirsan degmada awbare  ceel kan  riig ah oo dhererkiisu yahay 213mitir isla markaana halkii ilbidhiqsiba soo saaraya 6.8 litir.

Xiliga ay masuuliyiintani booqdeen ceelka ayaa waxa ka faa’iidaysanayay bulsho aad u tiro badan oo ka helay biyo nadiif ah taasi oo ay dadka iyo duunyaduba  kaga raysteen biyaha  ay markii hore masaafo fog u doonan jireen maadaamo oo lagu jiro xili uuna roob ka di-in deegaanka waxayna  siwayn u soo dhaweeyay ceelkani riiga ah ee ay ka heleen biyaha nadiifta ah una mahad celiyay xukuumada DDS iyo hayadaniba hirgalisay.

Tababar Kor Loogu qaadayo Luuqada Afka Hooyo Ee Soomaaliga

$
0
0

Jarati(CN) Khamiis, 4ta February 2016, si kor loogu qaado luuqada afka soomaaliga ayaa waxaa maalmahanba tababaro joogta ah ka socdeen dhamaan gobolada uu deegaanku kakooban yahay.

Hadaba waxaa maanta degmada jarati ee gobolka afdheer kaqabsoomay tababar lamid ah tababarada gobolada kasocda oo sare loogu qaadayo tayada barayaasha afka soomaaliga ee dhamaan dugsiyada gobolka afdheer.

Tababarkan oo uu fulinayo xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya wasaarada waxbarashada heer federal, ha’yada RTI iyo USAID. Waxaana lagu tababarayaa macalimiinta afka soomaaliga ee dhamaan degmooyinka gobolka oo ay tiradoodu kabadantahay 261 bareyaal.

Tababarkan ayaa waxaa kahadlay gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Maxamed Ibraahim oo uga warbixiyay macalimiinta faaiidada uu tababarkan  leeyahay islamarkaana ku dhiirigaliyay inay si fiican uga faaiidaystaan una ilaaliyaan wakhtiga isagoo kula dardaarmay inay si fiican uga sii faaiidayeen ardayda.

dhanka kale macalimiinta tababarka loo hayay ayaa soo dhaweeyay qaadashada tababarkan  iyagoo sheegay in faaiidada ay tababarkan ka helaan ay gaadhsiin doonaan ardayda ilaa heer tuulo.


Xaflad lagu Abaalmarinayay Cashuur Bixiyayaasha.

$
0
0

Jigiga(CN) khamiis, 4ta February, 2016, Xaflad balaadhan oo lagu abaalmarinayay hormuudka  cashuur bixiyayaasha  deegaanka  ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee Qaryaan Dhoodaan Jigjiga.

Xafladaasi  oo ay soo diyaarisay wakaalada dakhliga DDSI ayaa waxaa ka  soo qayb-galay masuuliyiinta  sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid tahay madaxwayne ku Xigeenka ahna wasiirka  xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiigiga ah ee  DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax , golaha wasiirada DDSI, maareeyayaasha wakaaladaha DDSI, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii xafladaasi ka hadashay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax waxayna sharax dheerka bixiyay qorshayaasha horumarineed ee lagu xoojiyano kor u qaadida koboca dhaqaalaha oo ay sal u tahay ilaha dalkhliga deegaanka oo  kor loo qaado  si aan isku filnaansho u gaadho ugana maarano deeqaha dibadaha. Waxaa kale oo ay madaxwayne ku xigeenku sheegtay faa’iidooyinka ay leedahay cashuur bixinta, loona baahan yahay  in ay  cashuur bixiyayaashu rabitaankooda ku bixiyaan cashuurta ku waajibtay.

Xafladan oo halku dhig looga dhigay”cashuurta oo aad bixiso xiligeeda waa astaanta u hogaan-sanaanta sharciga ayaa waxaa xafladaasi ka soo jeediyay warbixino iyo waxqabadka wakaalada dakhliga masuulyiinta wakaalada dakhliga DDSI kuwaasi oo sheegay   in Shantii sano ee la soo dhaafay wakaaladda Dakhliga DDSI  oo garabsanaysa Xukuumaddaa ay  samaysay dadaal aad u ballaadhan oo kor loogu qaadayo Dakhliga Deegaanka islamarkaasna lagaga midho dhalinayo Ilaha Dakhli taasi oo uu tilmaamay masuulku in ay  si xawli ah kor ugu sii kacayay Dakhliga Deegaanka islamarkaana la hirgaliyya nidaamka maamulka cashuuraadka oo casri ah caddaaladina ay ku dheehantahay si guud ahaanba  kharashka Deegaanka lagu daboolo Dakhliga laga soo saaro Deegaanka Gudihiisa.

Gabagabadii xafladan ayaa madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax iyo masuuliyiin kale ayaa abaalmarinta si wada jir u gudoonsiiyay ciid hormuudka u noqotay bixinta cashuur bixinta iyo hirgalinta nidaamka cashuur bixinta  xafiisyo, ganacsato iyo shaqsiyaadba

Maamulka Degmada Fiiq Oo Ka Warbixiyay Mashaariicaha Biyo Xidheenada.

$
0
0

Fiiq, (CN) Khamiis, 4ta February, 2016, Gudoomiyaha maamulka degmada fiiq ee gobolka Nogob mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo warbaahinta deegaanku ugu waramayay xafiiskiisa ayaa sheegay in guud ahaanba mashaariicihii horumarineed ee sanad miisaaniyeedka 2008TI ee degmada fiiq ay meel gabagaba ah marayaan.

Wuxuuna si mug leh uga warbixiyay gudoomiyuhu mashaariicaha dhinaca biyo xidheenada, taasi oo uu tilmamay in degmada sanadkan u qorshaysan tahay in laga hirgaliyo 3 biyo xidheen si looga xaqabtiro bulshada helitaanka biyaha nadiifta ah  islamarkaana loogu faa,iidaysto dhinaca wax soo saarka beeraha  

Gudoomiyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa ka warbixiyay kor-meer ay ku soo mareen biyo xidheenkii 2aad ee degmada fiiq oo laga dhisayo tuulada hilaac, isaga oo tibaaxay    in uu meel fiican marayo dhismihiisu sidii loogu talagalayna u socdo. waxaa kale  oo uu  sheegay in biyo xidheenkii 1aad ee degmada la soo gabagabeeyay dhismihiisa kana mudo kooban lagu soo afmeeridoono.

Shirwaynaha Wadatashiga Odayaasha Deegaanka iyo Xukuumada

$
0
0

 

Jigjiga(CN) Jamce, 5ta February 2016, sida lawada ogsoonyahay waxay xukuumada DDSI sanadihii ugudanbeeyay xooga saartay dhanka xidhiidhka dadwaynaha iyadoo gudaha deegaanka iyo dunida dacaladeedaba socdaalo magacyo labaxay kugaadhay shacabwaynaha deegaanka meel kasta oo ay joogaan si wadatashi iyo daraasaad  loola sameeyo nolosha dhabta ah ee dadka deegaanka kunool kuwa qurbahana loogu soo dabaalo siday u maal-gashan lahaayeen deegaankooda.

 Hadaba waxaa sidii caadada u ahayd xukuumada todobaadkan inagu soo aadan kadhici doona xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga shirwaynaha wadatashiga odayaasha deegaanka iyo xukuumada. Tani oo qayb ka ah dadaalada xukuumada kusifawday lahaanshaha aragtida shacabka ay kusii xoojinayso dhanka xidhiidhka dadwaynaha.

Odayaasha deegaanka ayaa kakoobnaan doona dhamaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka uu kakooban yahay deegaanku iyadoo degmo walba ay uga soo qayb gali doonaan 10 oday.

 

 

Gobalka Liibaan & Tababarkii Macalimiinta Luuqada Afka-Hooyo

$
0
0

Fiiltu(CN) jumce 5 February 2016, waxaa si habsami ah loogu soo gabagabeeyay Xarunta Gobalka liiban ee Magaalada fiiltu  tababar lagu kobcinayay aqoonta Barrayaasha Afka-soomaaliga ee dhamaan  Dagmooyinka uu Gobalku ka koobanyahay.

Tababarkan ayaa waxaa lagu tababarayay in ka badan 236 Bare, oo macalimiin ka ah dhamaan Dugsiyada Dagmooyinka Gobalka liibaan, waxaana lagu barayay casharo kusaabsan nidaamka baris barasho ee luuqada Afka-soomaaliga, iyo waliba culuumaha kala duwan ee luuqadu leedahay, waxaana casharada tababarka bixinaya khabiiro heer deegaana oo kasocday Xafiiska Waxbarashada DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa uga waramay shabakada cakaaranews hogaamiyaha kooxda tababarka bixinaysay ahna khabiir katirsan Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Nuur Cabdi Haajir oo sheegay in tababarku uu maanta sifiican ugu soo gaba gaboobay macalimiinta luuqaada afka soomaaliga kadib markii uu socday 10 maalmood. Waxaa kale oo uu sheegay khabiirku in casharo muhiima  ay barteen intii uu socday tababarka.

Sidookale waxaa dhankooda ka warbixiyay macalimiintii tababarka qaadanaysay oo sheegay in ay aqoon badan u korodhay islamarkaana ay sifiiican uga faa iidaynayaan dhamaan ardaydii iyo dugsiyadii ay kayimaadeen. 

Lix Milyan Oo kiintaal Oo Deeq Calafka Xoolaha ah

$
0
0

Jigjiga(CN) jamce, 5ta February 2016, Mashruuc ujeedadiisu tahay iibinta iyo rarista lix milyan oo kiintaal oo calafka xoolaha ah islamarkaana iskudubaridkiisa uu masuul kayahay Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Reer miyiga DDSI ayaa loogu deeqay bulshada xooladhaqatada ah ee kunool Gobolka sitti.

Calafkan xoolaha iyo raridiisa  ayay kubaxday maaliyad dhan 30 milyan oo birr maadaama ay gobolka  soo food saartay abaar ay keentay isbadalka saamaynta cimilada aduunka. waxaana loo qaybinayaa goobaha ay abaartu saamaysay ee ka katirsan gobolkaasi iyadoo tirada xoolaha nool ee gobolka sitti lagu qiyaasay 4.5 milyan. Waxaana wakhti xaadirkan kasocota gobolka qaybinta calafkan sida uu noo sheegay wasiirka xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer miyiga DDSI mudane Cabdinuur Colow Axmed

Hadaba calafkan xoolaha ayaa lagu qaaday gaadiid dhan 300 oo gaadhi oo kuwa xamuulka ah islamarkaana intoodii badnayd ay gaadhsiyeen goobihii loogu talagalay.

Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in calafkan xoolaha laga gaday iskaashatooyin deegaanka ah sida iskaashatada wadani iyo kulmiye oo mudo gaaban gudaheed beeraha jiinka wabiga shabeele gaar ahaan beer-caano kasoo saaray calaf xoolo oo intaa dhan iyadoo ay wali jiraan beeralay badan oo deegaanka ah oo beeratay calafkan xoolaha iyo beero xafiisku kuhawlan yahay meesha hada kahor deegaanada kale ee dalka aan kasoo iibsan jiray calafka xoolaha.

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live




Latest Images